25/08/2026
𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎: 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐎𝐎 𝐗𝐎𝐎𝐉𝐈𝐍𝐀𝐘𝐀 𝐈𝐒𝐊𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐍𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐈𝐘𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐆𝐀𝐒𝐇𝐈
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚, kaas oo isu keenay madaxda Dowladda, wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socda Shiinaha, ganacsatada Soomaaliyeed, rugaha ganacsiga iyo horumariyeyaasha mashaariicda.
Shirweynaha, oo hal-ku-dheggiisu ahaa “𝐃𝐡𝐢𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐫𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐨” waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana martigelisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Shirweynuhu wuxuu soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka sameysay xasilloonida, dib-u-dhiska hay’adaha, hagaajinta hannaanka ganacsiga iyo furitaanka fursado cusub oo maalgashi ah. Waxaa si gaar ah loo soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, hannaanka maalgashiga dalka iyo fursadaha ka jira kalluumaysiga, tamarta, tiknoolajiyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, warshadaynta iyo saadka.
Intii uu socday shirweynuhu, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Shiinaha–Afrika ee Zhejiang/Yiwu waxay kala saxiixdeen 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐈𝐬-𝐚𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝, kaas oo dhidibada u aasaya iskaashi hay’adeed, is-dhaafsi ganacsi iyo xiriir toos ah oo dhexmara shirkadaha labada dal.
Waxaa sidoo kale shirweynaha barbar socday bandhig lagu soo bandhigay badeecooyinka lagu sameeyo lagana soo saaro Soomaaliya, iyadoo shirkadaha Soomaaliyeed ay wafdiga Shiinaha u soo bandhigeen wax-soo-saarkooda iyo fursadaha ka jira dhoofinta, farsamaynta, baakadaynta, qiima-kudaridda iyo gaarsiinta suuqyada caalamiga ah.
Shirweynahani wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in khayraadka, goobta istaraatiijiga ah iyo awoodda ganacsi ee dalka loo beddelo maalgashi wax-soo-saar leh, warshado, dhoofin iyo shaqo-abuur—iyadoo Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi waara oo ku dhisan danaha labada dhinac.