Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed The Official Page of the Somali National Army Command. Waa bogga Rasmiga ah ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

02/09/2026

Muuqaal: TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO BOOQASHO KU TAGAY TALISKA XERADA MASLAX EE CXDS

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO BOOQASHO KU TAGAY TALISKA XERADA MASLAX...
02/09/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO BOOQASHO KU TAGAY TALISKA XERADA MASLAX EE CXDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay Taliska Xerada Maslax ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka, isaga oo ka duulaya howlaha mudnaanta u leh ciidanka iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada taakulaynta, ayaa indha-indheeyay xarumaha iyo goobaha loogu talagalay taageerada iyo taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Taliska Taakulaynta, oo uu ugu horreeyo Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Garabay, ayaa Taliyaha warbixin ka siiyay howlaha ugu dambeeyay ee taliska, qorshayaasha casriyeynta iyo horumarinta adeegyada taakulaynta, iyo qorshaha lagu soo kordhinayo xarumo cusub oo casri ah si loo xoojiyo waxqabadka Taliska Taakulaynta.

31/08/2026

CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

waa gaashaanka qaranka, difaaca dalka iyo ilaaliyaha nabadda.
Geesinimo, midnimo iyo naf-hurnimo ayaa saldhig u ah waajibaadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu tayeynayo aqoonta, xirfadda iyo diyaar-garowga Ciidanka, si loo xoojiyo amniga iyo difaaca dalka.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed
E-mail: [email protected]

TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka S...
31/08/2026

TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid AUN Gen Hussein Dhore Mohamed John Dhore.

Taliska wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistiisa Janno ku mannaysto, ehelkii iyo qarankiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, AHNA TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA, DR. XASAN SHEEKH MAXAMUU...
30/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, AHNA TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA, DR. XASAN SHEEKH MAXAMUUD, AYAA MAANTA WARBIXIN GUUD KA DHAGEYSTAY TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED IYO HOWLAHA HORTABINTA U LEH CIIDANKA.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa sharaxaad ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu ciribtirayay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta. Sidoo kale, Taliyaha ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay qorshayaasha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo hagayo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray Taliska Ciidanka inay laba jibbaaraan howlgallada lagu ciribtirayo cadowga umadda Soomaaliyeed, isla markaana la dardargeliyo casriyeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO KA QAYB-GELAYA TODOBAADKA CIMIC EE CIIDAMADA DALALKA BULSHADA BARIGA AFRIK...
28/08/2026

TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO KA QAYB-GELAYA TODOBAADKA CIMIC EE CIIDAMADA DALALKA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC) OO KA DHACAYA DALKA TANZANIA

Madaxa Hoggaanka Isku-xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CIMIC), G/Sare Iimaan Maxamuud Cali, ayaa hoggaaminaysa koox dhaqaatiir takhasus ah oo isugu jira saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xirfadlayaal rayid ah, kuwaas oo ka qaybgelaya Toddobaadka CIMIC ee Ciidamada Dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Toddobaadkan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya caawinta dadka danyarta ah, iyagoo bixinaya adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, sida baaritaanno, la-talin iyo daaweyn.

Barnaamijkan oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya boqolaal qof oo danyar ah, kuwaas oo wajahaya caqabado caafimaad, gaar ahaan hooyooyinka uurka leh, carruurta iyo dadka waayeelka ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka saaxiibada gobolka, taas oo gacan ka geysanaysa kor u qaadidda amniga, xasilloonida iyo wada-shaqeynta dalalka gobolka.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KORMEERAY TALISKA CIIDANKA BADDATaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye ...
26/08/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KORMEERAY TALISKA CIIDANKA BADDA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed, isagoo u kuur-galay xaaladda guud ee taliska iyo howlaha socda.

Taliyaha ayaa halkaas waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda iyo saraakiil ka tirsan taliska. Intii uu kormeerka ku guda jiray, wuxuu warbixinno ka dhageystay madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Badda, isagoo wax ka weydiiyay dardargelinta howlaha, tayeynta shaqada iyo sidii loo sii xoojin lahaa gudashada waajibaadka ciidanka.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeeray Xarunta Kooxda Horseed Club Sports, isagoo qiimeeyay howlaha iyo doorka ay xaruntu ku leedahay horumarinta ciyaaraha iyo isdhexgalka bulshada.

Ugu dambeyn, Taliyuhu wuxuu madaxda iyo saraakiisha Ciidanka Badda kula dardaarmay in la xoojiyo wada shaqeynta, anshaxa iyo diyaar-garowga ciidanka, si loo dardargeliyo howlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday.

24/08/2026

Muuqaal:TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO SARAAKIIL TABABAR UGU SOO XIRAY DUGSIGA GEN. DHAGABADAN

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO SARAAKIIL TABABAR UGU SOO XIRAY DUGSIGA GEN. DHAGABADANTaliyaha Ciidanka ...
24/08/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO SARAAKIIL TABABAR UGU SOO XIRAY DUGSIGA GEN. DHAGABADAN

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktriinka, Jeneraal Axmed Ciise Axmed, ayaa tababar usoo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Brigadier General Elio Manes.

Saraakiisha ayaa tababarka ku qaatay Dugsiga Tababarka S/Gaas Dhagabadan, iyadoo lagu xoojiyay aqoontooda, xirfaddooda iyo awoodda hoggaamineed.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed
E-mail: [email protected]

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO CASHO SHARAF U SAMEEYAY XOGHAYAHA GUUD EE IMCTCMuqdisho 23-Aug-2026 Wasiirka Gaashaand...
23/08/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO CASHO SHARAF U SAMEEYAY XOGHAYAHA GUUD EE IMCTC

Muqdisho 23-Aug-2026 Wasiirka Gaashaandhigga, Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa magaalada Muqdisho kulan is-xogwaraysi iyo casho sharaf ah ugu sameeyay Xoghayaha Guud ee IMCTC, Sareeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, iyadoo laga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaa kulanka ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhinacyada kala duwan kala wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed:

Shortcuts

Share