29/08/2026
Maamulka Degmada Dayniile ayaa u mahadceliyay shacabka ku dhaqan degmada, kaddib markii ay si wanaagsan uga jawaabeen baaqii iyo amarkii uu h**ey u soo saaray Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, kaasoo ku saabsanaa in shacabka ay nadiifiyaan waddooyinka iyo hareeraha guryahooda.
Shacabka Degmada Dayniile ayaa si wanaagsan u qaatay amarka Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhow oo ay la leeyihiin Maamulka Degmada iyo Laamaha Amniga.
Tallaabadan ayaa gacan weyn ka geysatay in waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee degmada ay noqdaan kuwo nadiif ah oo hagaagsan, taasoo sidoo kale fududeysay howlgallada iyo shaqada ay hayaan Laamaha Amniga.
Maamulka Degmada Dayniile ayaa shacabka uga mahadceliyay sida masuuliyadda leh ee ay uga qeyb qaadanayaan nadaafadda, bilicda iyo amniga degmada, isagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin Maamulka iyo Laamaha Amniga.
“Wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadgelyo, nadaafad iyo bilicda Degmada Dayniile.”
Maamulka Degmada ayaa sidoo kale caddeeyay in dadaallada lagu horumarinayo nadaafadda, amniga iyo bilicda degmada ay sii socon doonaan, iyadoo shacabka lagu dhiirrigelinayo inay si joogto ah uga qeyb qaataan howlaha danta guud.
DHAMMAAD