23/06/2026
๐๐๐๐๐๐A ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐โ๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐๐๐) EE GALMUDUG.
๐ ๐ผ๐ด๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ | -๐ฎ๐ฏ- ๐๐๐๐ป - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee Waddada GalkayoโHobyo, gaar ahaan qaybta GalkayoโElgula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayub Ismail Yusuf oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta dowladda Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Casir, Waxaa sidoo kale goob joog ahaa matalayaasha bulshada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Agaasimaha Guud ee IBS Bank, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, wakiillo ka socday GOB Community Organisation, iyo masuuliyiinta shirkadda KKATT Consult Limited oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee shirkadda, Inj. Kato Kagga.
Waddada GalkayoโHobyo ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan uguna istiraatiijisan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha dalka iyo dekedaha xeebaha Badweynta Hindiya. Muddo sanado ah, bulshada deegaanka, ganacsatada, qurbo-joogta iyo maamullada kala duwan ayaa dadaal joogto ah ku bixiyay hirgelinta mashruucan, iyagoo u arkayay mid muhiim u ah kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka, xoojinta amniga iyo kor u qaadista isdhexgalka dhaqaalaha dalka.
Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta 100-ka kiiloomitir ee GalkayoโElgula ayaa ah tallaabo muhiim ah oo saldhig u noqon doonta hirgelinta iyo dhismaha guud ahaan Waddada GalkayoโHobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.
Wasiir Axmed Dhiblawe Casir ayaa munaasabadda ka sheegay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh dowladda Galmudug, sidoo kale ku amaanay bulshada GOB sida ay uga soo baxeen kaalintooda. Wasiirka ayaa Ka codsaday Dowladda Federaalka ah in wadadan dhismaheeda la dedejiyo ayna kamid tahay wadooyinka loogu baahida badan yahay. Waxaa uu ka codsaday in la tixgeliyo qorshaha ay ugu codsadeen in laami la saaro wadada Gaalkacyo - Hobyo oo ah 260km.
Qandaraaska maanta la saxiixay ayaa shirkadda KKATT Consult Limited u xilsaaraya fulinta daraasaadka farsamo, naqshadaynta hordhaca ah iyo tan faahfaahsan, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta ka ah GalkayoโElgula (100KM).
Mashruucan ayaa qayb ka ah Barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), kaas oo ay maalgelinayaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Midowga Yurub (EU), iyadoo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta dalka.
Ugu dambayn, Saxiixa labada wasiir iyo shirkadda kadib, Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), Dowladda federaalka ah, hoggaanka bulshada GOB iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee taageeradooda joogtada ahi gacan ka geysanayso horumarinta kaabeyaasha waddooyinka Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta isku xirnaanta.