29/08/2026
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xaaladda dhibaatooyinka saameeyay beeraleyda iyo wax soosaarka beeraha ee Balcad iyo Afgooye.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane: Cumar Cali, Taliyaha Ciidanka Lugta, Janaraal Khaalid, Guddoomiyayaasha Beeraleeyda labada Shabeellaha iyo beeraleyda labadaas deegaan.
Kulankan ayaa daba socda dhacdo dhowaan ka dhacday Beerta Dahir Jicmaalle, halkaas oo lagu gubay laguna burburiyay hanti muhiim u ahayd wax soosaarka beeraha, oo ay ka mid ahaayeen makiinadaha beeraha, matooro iyo beero. Wasiirka ayaa ku adkeeyay hadalkiisa muhiimadda ay leedahay ilaalinta beeraleyda, beerahooda iyo hantidooda, maadaama amniga goobaha wax soosaarka uu muhiim u yahay sugnaanta cuntada iyo kobcinta wax soosaarka gudaha.
Kulanka ayaa la isla qaatay in la xoojiyo wacyigelinta ciidamada, lana dhiso iskaashi joogto ah oo dhex mara ciidamada, maamullada deegaanka iyo beeraleyda. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sameeyo nidaam iyo shaqaalle u gaar ah ilaalinta beeraha, qalabka iyo hantida beeraleyda, si looga hortago burbur iyo dayac ku yimaado agabka iyo beeraha halkaas yaalo, loona abuuro jawi amaan oo ay beeraleyda si nabad ah ugu shaqeeyaan.
_________
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.