20/08/2026
Duqa magaaladda Garoowe Mudane, Hon Abdulkadir Geedi iyo wefti ka tirsan Golaha Deegaanka degamadda Garowe ayaa kormeer shaqo ku tegay Mashruuca horumarinta korontada Soomaaliya ee (Somalia Electricity Sector Recovery Project SESRP) ee ka socda Caasimadda Garowe.
Mashruucan oo uu laga maalgeliyo Bangiga Adduunka ayaa caasimadda Garoowe ka hirgeliyay 10 MWp oo solar ah iyo 20 MWh oo kayd koronto ah, kuwaas oo si weyn u xoojin doona adeegga korontada.
Tani waa talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka iyo addeega Tamarta waarta ee Soomaaliya.