Center for Innovation and Agropreneurship Development

Website

Center for Innovation and Agropreneurship Development Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Center for Innovation and Agropreneurship Development, Government Organization, CIAD Building, MoAI, KM4 Hodan District, Mogadishu.

Maanta waxaan booqannay Warshadda Coca-Cola United Bottling Company., si aan uga mid dhigno xiisadaha SHE-FARM 2026 booq...
16/09/2026

Maanta waxaan booqannay Warshadda Coca-Cola United Bottling Company., si aan uga mid dhigno xiisadaha SHE-FARM 2026 booqasho waxbarasho oo ku salaysan Practical Tour.

Booqashadu waxay ahayd fursad ay gabdhaha SHE-FARM si toos ah ugu arkaan qayb ka mid ah hababka farsamaynta (Processing), gaar ahaan hababka sifaynta iyo soo-saarka biyaha iyo cabitaannada, iyo nidaamyada xakamaynta tayada ee warshadda.

CIAD waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa maamulka Coca-Cola UBC Somalia soo dhaweynta wanaagsan, casuumaadda iyo fursaddan wax-ku-barasho ee ay siiyeen gabdhaha SHE-FARM.

SHE FARM 2026 | Usbuuca 4aad & Xiisadda 7aadMuqdisho, 13 Sebtembar 2026 — Maanta waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuu...
13/09/2026

SHE FARM 2026 | Usbuuca 4aad & Xiisadda 7aad

Muqdisho, 13 Sebtembar 2026 — Maanta waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuuca 4aad ee Barnaamijka SHE FARM 2026 iyo Xiisaddii 7aad, oo ku saabsanayd “Food Safety & Packaging Quality” — Badqabka Cuntada iyo Tayada Baakadaha.

Xiisadda waxaa bixisay Saido Mohamed Yusuf, oo ah khabiir ku takhasustay Badqabka Cuntada iyo Beeraha Waara (Food Safety & Sustainable Agriculture), lehna in ka badan 6 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan tayada baakadaha cuntada, xakamaynta tayada, heerarka badqabka cuntada iyo tababarrada.

Saido waxay haysataa MSc in Sustainable Agriculture Development, sidoo kalena waa aasaasaha Badqabka Cuntada, oo ah madal u heellan wacyigelinta iyo tababarka badqabka cuntada.

Mawduuca Xiisadda:

“Food Safety Standards and Hygiene: Introduction to Quality Control Check Points”
Heerarka Badqabka iyo Nadaafadda Cuntada: Hordhac ku saabsan Meelaha Hubinta Xakamaynta Tayada.

Intii ay xiisaddu socotay, ka-qaybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen heerarka badqabka iyo nadaafadda cuntada, iyo sida loo fahmo loona adeegsado meelaha hubinta xakamaynta tayada si loo xaqiijiyo badqabka iyo tayada badeecadaha cuntada.

Dhammaan ka-qaybgalayaashu waxay fursad u heleen dood-wadaag, is-weydaarsi aqooneed iyo faham dheeraad ah oo ku saabsan muhiimadda ay badqabka cuntadu u leedahay wax-soo-saarka, habaynta iyo suuq-geynta badeecadaha.

SHE FARM 2026 — Barasho, Hal-abuur, Wax-soo-saar & Ganacsi.

SHE FARM 2026 | Usbuuca 4aad & Xiisadda 7aadSaido Mohamed Yusuf waa khabiir ku takhasustay Badqabka Cuntada iyo Beeraha ...
12/09/2026

SHE FARM 2026 | Usbuuca 4aad & Xiisadda 7aad

Saido Mohamed Yusuf waa khabiir ku takhasustay Badqabka Cuntada iyo Beeraha Waara (Food Safety & Sustainable Agriculture), lehna in ka badan 6 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan tayada baakadaha cuntada, xakamaynta tayada, heerarka badqabka cuntada iyo tababarrada.

Waxay haysataa MSc in Sustainable Agriculture Development, sidoo kalena waa aasaasaha Badqabka Cuntada, oo ah madal u heellan wacyigelinta iyo tababarka badqabka cuntada.

Xiisadda 7aad: Food Safety & Packaging Quality
Badqabka Cuntada iyo Tayada Baakadaha

Xiisaddan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa:

“Food Safety Standards and Hygiene: Introduction to Quality Control Check Points”
Heerarka Badqabka iyo Nadaafadda Cuntada: Hordhac ku saabsan Meelaha Hubinta Xakamaynta Tayada.

Xiisaddu waxay ka qaybgalayaasha siinaysaa faham ku saabsan heerarka badqabka iyo nadaafadda cuntada, iyo muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hubin tayo oo joogto ah marxalad kasta oo ay badeecaddu marto.

SHE FARM 2026 — Barasho, Hal-abuur, Wax-soo-saar & Ganacsi.

SHE FARM 2026 | Usbuucii 3aad & Xiisaddii 6aadMuqdisho, 09 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuucii 3...
10/09/2026

SHE FARM 2026 | Usbuucii 3aad & Xiisaddii 6aad

Muqdisho, 09 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuucii 3aad ee Barnaamijka SHE FARM 2026 iyo Xiisaddii 6aad.

Xiisadda maanta waxay ku saabsanayd:

“Qiimaha Nafaqeed ee Cuntooyinka La Habeeyey; Xoojinta Nafaqada iyo Ilaalinta Nafaqooyinka Inta lagu Jiro Habaynta”
“Nutritional Value of Processed Foods; Fortification and Nutrient Retention During Processing”

Xiisaddu waxay xoogga saartay fahamka qiimaha nafaqeed ee cuntooyinka la habeeyey, hababka lagu xoojiyo nafaqada cuntooyinka (fortification) iyo sida loo ilaalin karo nafaqooyinka muhiimka ah inta lagu jiro habka habaynta, si loo helo wax-soo-saar tayo leh oo nafaqo leh.

Macallimadda Xiisadda

Xiisadda waxaa bixisay Muna Hassan Muse, oo haysata Master of Public Health (MPH) in Nutrition, kana shaqaysa Nafaqada Caafimaadka Bulshada (Public Health Nutrition).

Muna waxay khibrad u leedahay wacyigelinta nafaqada, habaynta cuntooyinka, badqabka cuntada, qorshaynta cuntada iyo nafaqada bulshada. Waxay si gaar ah u danaynaysaa horumarinta caafimaadka bulshada iyadoo adeegsanaysa aqoon nafaqo oo cilmi-ku-salaysan, iyo awood-siinta haweenka iyo bulshada.

Intii ay xiisaddu socotay, ka-faa’iideystayaasha gabdhaha SHE FARM waxay si firfircoon uga qaybqaateen dood-wadaagga iyo su’aalaha la xiriira casharka, iyagoo aqoonta nafaqada ku xiriirinayay wax-soo-saarka iyo habaynta cuntooyinka.

SHE FARM 2026 — Barasho, Hal-abuur, Wax-soo-saar & Ganacsi.

SHE FARM 2026 | Usbuucii 3aad & Xiisaddii 5aadMuqdisho, 06 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuucii 3...
07/09/2026

SHE FARM 2026 | Usbuucii 3aad & Xiisaddii 5aad

Muqdisho, 06 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuucii 3aad ee Barnaamijka SHE FARM 2026 iyo Xiisaddii 5aad, iyadoo xiisadda maanta diiradda lagu saaray mawduuca:

“Laga bilaabo Beerta ilaa Summadda Badeecadda”

“From Farm to Label”

Xiisaddu waxay xoogga saartay dood-wadaag iyo falanqayn qoto-dheer oo ku saabsan cilmiga iyo sayniska la xiriira marxalad kasta oo ay marto badeecaddu inta lagu jiro habka habaynta (processing), laga bilaabo wax-soo-saarka beeraha ilaa badeecadda ugu dambaysa.

Waxaa si gaar ah looga hadlay sida fahamka cilmiga, tayada, habaynta, baakadaynta iyo summadaynta badeecadda loogu adeegsan karo in wax-soo-saarka beeraha loogu beddelo badeecooyin tayo leh, ammaan ah, qiimo leh oo si wanaagsan uga tartami kara suuqa.

Macallinka Xiisadda

Xiisadda waxaa bixiyay Abdirahim Daud Mohamed, oo ka mid ah Mentors-ka Barnaamijka SHE FARM. Abdirahim wuxuu ku takhasusay Cilmiga Beeraha iyo Ganacsiga Beeraha (Agriculture & Agribusiness), isagoo leh in ka badan 8 sano oo khibrad ah oo la xiriirta beeraha iyo ganacsiga beeraha.

Intii ay xiisaddu socotay, ka-faa’iideystayaasha gabdhaha SHE FARM waxay si firfircoon uga qaybqaateen dood-wadaagga, falanqaynta iyo su’aalaha la xiriira casharka, iyagoo aqoonta sayniska ku xiriirinayay wax-soo-saarkooda iyo fursadaha ganacsi.

SHE FARM 2026 — Barasho, Hal-abuur, Wax-soo-saar & Ganacsi.

SHE FARM 2026 | Usbuucii 2aad & Xiisaddii 4aadMuqdisho, 02 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu soo dhammaaday Usbuu...
03/09/2026

SHE FARM 2026 | Usbuucii 2aad & Xiisaddii 4aad

Muqdisho, 02 Sebtembar 2026 — Waxaa si guul ah inoogu soo dhammaaday Usbuucii 2aad ee Barnaamijka SHE FARM 2026, iyadoo ay qabsoontay Xiisaddii 4aad, oo si gaar ah diiradda loogu saaray tijaabinta, dib-u-eegista iyo qiimeynta wax-soo-saarka ay diyaariyeen gabdhaha ka-faa’iideystayaasha ah ee SHE FARM.

Intii ay xiisaddu socotay, gabdhuhu waxay soo bandhigeen qaar ka mid ah badeecooyinkii ay soo saareen, kuwaas oo si wadajir ah loo tijaabiyay loona qiimeeyay, iyadoo fiiro gaar ah loo yeeshay tayada, muuqaalka, dhadhanka, baakadaynta iyo fursadaha horumarinta badeecad kasta.

Gabdhaha waxaa sidoo kale la siiyay talooyin iyo jawaab-celin wax-ku-ool ah (feedback) oo ka caawinaya inay sii horumariyaan badeecooyinkooda, korna ugu qaadaan tayada, qiimaha iyo fursadaha suuqa.

Xiisadda waxaa hoggaamisay Hamdi Mohamed Xasan, oo ah Hoggaamiyaha Hagayaasha (Lead Mentor) ee Barnaamijka SHE FARM, iyadoo xiisaddu ku salaysnayd barasho wax-ku-ool ah, tijaabin badeeco, dib-u-eegis iyo horumar joogto ah.

Xiisaddan waxay gabdhaha siisay fursad ay si toos ah ugu qiimeeyaan wax-soo-saarkooda, u ogaadaan meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha u baahan horumarinta, si ay fikradahooda ugu beddelaan badeecooyin tayo leh, qiimo leh oo suuq geli kara.

SHE FARM 2026 — Barasho, Tijaabo, Hal-abuur & Ganacsi.

Xarunta Hal-abuurka iyo Horumarinta Beeraha (CIAD) waxay soo dhoweynaysaa Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee dhexmaray Wasa...
31/08/2026

Xarunta Hal-abuurka iyo Horumarinta Beeraha (CIAD) waxay soo dhoweynaysaa Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee dhexmaray Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS iyo Jaamacadda Jamhuriya (JUST).

CIAD waxay qayb muhiim ah ka tahay iskaashigan, iyadoo noqonaysa xarunta isku-xiraysa Wasaaradda iyo Jamhuriya Incubation Center - JIC si loo xoojiyo cilmi-baarista, hal-abuurka iyo teknoolojiyadda beeraha.

Iskaashigan wuxuu sii xoojinayaa guushii h**e ee CIAD iyo JIC, gaar ahaan barnaamijkii “IoT Solutions for Smart Farming.”

SHE FARM 2026 | Usbuucii 2aad & Xiisaddii 3aadMuqdisho, Axad, 30 Agoosto 2026 — Maanta waxaa si guul ah inoogu qabsoomay...
30/08/2026

SHE FARM 2026 | Usbuucii 2aad & Xiisaddii 3aad

Muqdisho, Axad, 30 Agoosto 2026 — Maanta waxaa si guul ah inoogu qabsoomay Usbuucii 2aad ee barnaamijka SHE FARM 2026 iyo Xiisaddii 3aad, oo qayb ka ah taxanaha tababarrada loogu talagalay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ka-faa’iideystayaasha gabdhaha SHE FARM.

Xiisadda maanta waxay ku saabsanayd:

“Isku-xirka Kordhinta Qiimaha Wax-soo-saarka iyo Nafaqada Qoyska iyo Bulshada; Horumarinta Khadadka Wax-soo-saarka Nafaqada Leh”
“Linking Value Addition to Household and Community Nutrition; Promoting Nutrient-Dense Product Lines”

Casharku wuxuu diiradda saaray kordhinta qiimaha wax-soo-saarka beeraha iyo cuntooyinka, iyo sida loogu xiriirin karo baahiyaha nafaqada ee qoysaska iyo bulshada. Sidoo kale, waxaa laga hadlay horumarinta wax-soo-saar nafaqo badan leh (nutrient-dense products) oo gacan ka geysan kara nafaqada bulshada, isla markaana abuuri kara fursado ganacsi iyo dakhli.

Macallimadda Xiisadda: Sucaad Maxamuud Cali

Sucaad Maxamuud Cali waa khabiir leh 21 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan cilmi-baarista Daawada Dabiiciga ah (Holistic Medicine) iyo Cilmiga Cuntada (Food Science). Waa Aasaasaha iyo Mulkiilaha Land of Frankincense Trading Company, oo ku shaqaysa magaca Suad SilkRoad.

Tan iyo 2018, waxay ku hawlanayd soo saarista dawooyinka dhirta laga sameeyo (Herbal Medicine) iyo alaabaha daryeelka maqaarka ee dabiiciga ah (Organic Skincare), iyadoo adeegsanaysa khayraad dabiici ah oo laga helo Soomaaliya, sida Lubaan, Malmal, Xabag Hadi, Xabag Cadad iyo Xagar. Waxay si xirfad leh uga shaqaysaa Soomaaliya, Kenya iyo Canada.

Intii ay xiisaddu socotay, ka-faa’iideystayaasha gabdhaha SHE FARM waxay si firfircoon uga qaybqaateen dood-wadaag iyo su’aalo la xiriira casharka, iyagoo la wadaagay macallimadda aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan nafaqada, wax-soo-saarka iyo fursadaha ganacsi ee ka dhalan kara kordhinta qiimaha wax-soo-saarka.

SHE FARM 2026 waxaa si wadajir ah u wada Waaxda Ganacsiga Beeraha iyo Maalgelinta, Waaxda Cilmi-baarista iyo Fidinta, iyo Xarunta Hal-abuurka iyo Horumarinta Beeraha (CIAD) ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Aqoonta, hal-abuurka iyo wax-soo-saarka nafaqada leh waa aasaaska qoys iyo bulsho caafimaad qabta, iyo ganacsi waara

Farxad weyn ayay u tahay Xarunta hal-abuurka CIAD ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS in maanta si rasmi ah loosoo ga...
29/08/2026

Farxad weyn ayay u tahay Xarunta hal-abuurka CIAD ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS in maanta si rasmi ah loosoo gaba-gabeeyay barnaamijkii halka sano socday ee Tartanka Hal-abuurka Furan ee Suuq-helidda Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed. Waxaan hambalyo u direynaa labada shirkadood ee ku guuleystay tartanka (RAAS Agribusiness Solution iyo Baadi Goob AgroLink), iyadoo CIAD ay sii wadayso garab-staagga iyo kobcinta ganacsiyada hal-abuurka leh ee dalka.

Xarunta Hal-abuurka CIAD ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS ayadoo kaashanaysa hay'adda SOS Children's Villages in S...
29/08/2026

Xarunta Hal-abuurka CIAD ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS ayadoo kaashanaysa hay'adda SOS Children's Villages in Somalia waxay maanta martigelisay Aqoon Is-weydaarsiga Horumarinta Beeraha La-qabsan kara Cimilada iyadoo loo marayo Xalal Dijitaal ah. Waxaan u taagannahay gaadhsiinta beeralayda Soomaaliyeed teknoolojiyadda ugu casrisan iyo hal-abuurka xogta satalaytka iyo GeoAI.

Address

CIAD Building, MoAI, KM4 Hodan District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Center for Innovation and Agropreneurship Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share