Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS

Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS Waa Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul InsaankaMuqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee ...
27/08/2026

Shirka Toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Mudane Mohamed Bashir Omar, ayaa maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray:
• Qiimeynta heerka hawlqabadka Waaxyaha Wasaaradda ee rubuca saddexaad (Q3).
• Wacyigelinta bulshada iyo ka-qaybgalka doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.
• Dardargelinta hirgelinta qoondada 30% ee haweenka.
• Warbixin ku saabsan halka ay marayaan hawlaha Waaxda Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Wasaaraddu waxay sii xoojinaysaa isku-duwidda, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta hawlaheeda, si loo xaqiijiyo hirgelinta mudnaanta qaranka ee ku aaddan qoyska, xuquuqda aadanaha, ka-qaybgalka siyaasadda iyo ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.

​DHAMMAAD

​Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

​Mohamed Mohamud Abdalla (Eng. Yama) Agaasimaha Wacyigelinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka – JFS

Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/mfhrdso
X: https://x.com/mfhrdso
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Website: https://www.mfhrd.gov.so

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo xafiiska ku qaabish...
26/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo xafiiska ku qaabishay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyagoo ka wada hadlay howlaha hortebinta leh ee la xiriira horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee u yaalla Guddiga iyo sidii loo xaqiijin lahaa in xuquuqda aadanaha si waafaqsan shuruucda dalka iyo heerarka caalamiga ah loo dhowro.

Wasiiradda Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka uu yahay mid ka mid ah guulaha waaweyn ee Wasaaraddu ku guuleysatay hirgelintooda muddadii koobnayd ee ay hoggaaminaysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiiradda ayaa caddeysay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay inay mar walba garab istaagto Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si loo xoojiyo awooddiisa shaqo, loona dardargeliyo hanaanka uu Guddigu ugu gudbi lahaa marxaladda k**a dambaysta ah ee helitaanka heerka “A”, taas oo muhiim u ah sare u qaadista doorka Soomaaliya ee ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Daahfurka Mashruuca Taageerada Xarumaha AgoontaWasiir Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dow...
25/08/2026

Daahfurka Mashruuca Taageerada Xarumaha Agoonta

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Naastaro, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo baahiyaha aasaasiga ah iyo dayactirka xarumaha agoonta.

Mashruucan oo ay fulinayaan Xarunta Boqor Salmaan iyo Mu’asasada Mahasin, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta xaaladaha nololeed ee carruurta agoonta ah, iyadoo la siinayo taageero wax ka tari karta baahiyahooda aasaasiga ah iyo hagaajinta goobaha ay ku nool yihiin.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay ku bogaadinaysaa hay’adaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaadanaya dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda iyo daryeelka carruurta, waxayna adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga lagu xaqiijinayo nolol wanaagsan iyo mustaqbal rajo leh oo ay helaan carruurta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

​Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

​Mohamed Mohamud Abdalla (Eng. Yama) Agaasimaha Wacyigelinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka – JFS

Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/mfhrdso
X: https://x.com/mfhrdso
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Website: https://www.mfhrd.gov.so

Wasaaradda Qoyska oo Xoojisay Iskaashiga Horumarinta Dhaqaalaha HaweenkaMuqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Qoyska iyo Hor...
22/08/2026

Wasaaradda Qoyska oo Xoojisay Iskaashiga Horumarinta Dhaqaalaha Haweenka

Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, gaar ahaan Waaxda Horumarinta Haweenka, ayaa qabatay kulan wadashaqeyn iyo isku-duwid ah oo ay ka qeybgaleen Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda iyo hawlwadeennada Xarunta Horumarinta Dhaqaalaha Haweenka (One Stop Center).

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada Xarunta, gaar ahaan la-talinta iyo taageerada haweenka leh ganacsiyada yaryar, fududeynta helitaanka adeegyada dhaqaale, iyo ilaalinta xuquuqda haweenka ganacsatada ah.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka, Marwo Sacdiya Maxamed Nuur, oo kulanka si rasmi ah u furtay, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul iyo haweenka ku jira ganacsiyada yaryar, loo abuuro fursado iyo adeegyo wax-ku-ool ah oo xoojiya awooddooda dhaqaale.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey kaalinta Mashruuca eWINS ee taageerada iyo horumarinta awoodda dhaqaale ee haweenka, iyadoo xoogga la saaray xoojinta wada-shaqeynta, xog-wadaagga iyo isku-duwidda hawlaha Wasaaradda iyo Xarunta.

Wasaaraddu waxay ka go’an tahay dhowrista xuquuqda haweenka, kobcinta awooddooda dhaqaale iyo abuuridda fursado loo siman yahay, si haweenku si buuxda uga qaybqaataan horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

​DHAMMAAD

​Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

​Mohamed Mohamud Abdalla (Eng. Yama) Agaasimaha Wacyigelinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka – JFS

Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/mfhrdso
X: https://x.com/mfhrdso
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Website: https://www.mfhrd.gov.so

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska oo Soo Xiray Bandhigga Maalgashiga Sannadlaha ah ee Ganacsiyada Yaryar iyo Kuwa Dhe...
19/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska oo Soo Xiray Bandhigga Maalgashiga Sannadlaha ah ee Ganacsiyada Yaryar iyo Kuwa Dhexdhexaadka ah

Muqdisho, Soomaaliya – 19 Agoosto 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, ayaa si rasmi ah u soo xiray Bandhigga Maalgashiga Sannadlaha ah ee Ganacsiyada Yaryar iyo Kuwa Dhexdhexaadka ah (Annual Regional Investment Fair for SMEs), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Bandhigga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ganacsiyada ay haweenku hoggaamiyaan, helitaanka maalgelinta, kobcinta xirfadaha iyo abuurista fursado maalgashi, waxaana ka qaybgalay haween ganacsato ah, maalgashadayaal, hay’ado dowladeed, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bah-wadaagta horumarinta.

Xafladda xiritaanka, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay dhammaan hay’adihii iyo bah-wadaagtii ka shaqeeyay qabsoomidda iyo guusha bandhigga, gaar ahaan SOMINVEST, ADRA iyo Midowga Yurub, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in taageerada iyo maalgelinta lagu sameeyo haweenka ganacsatada ah ay horseedaan natiijooyin la taaban karo.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in haweenka ganacsatada ahi yeeshaan qorshe ganacsi oo cad, jihayn wanaagsan iyo istaraatiijiyad waarta, iyadoo la xoojinayo ilaalinta fikradaha, hal-abuurka iyo hantida aqooneed ee ganacsatada, gaar ahaan caqabadaha ka dhasha ku-dayashada fikrada ganacsi.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo awoodda dhaqaale ee haweenka, kobcinayo ganacsiyada ay hoggaamiyaan, lana abuuro fursado waara oo ay haweenku si buuxda uga qaybqaataan horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasaaradda Qoyska Iyo Guddiga Baarlamaanka ee Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka oo Soo gabagabeeyay Kulan Dood wadaag ah oo L...
18/08/2026

Wasaaradda Qoyska Iyo Guddiga Baarlamaanka ee Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka oo Soo gabagabeeyay Kulan Dood wadaag ah oo Laba Maalmood Socday kaasoo Lagaga arrinsanayay afar Hindise sharciyadeed oo Muhiimka u ah Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Iyo Guddiga Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka ayaa soo gabagabeyay kulan dood-wadaag iyo wadatashi sharciyeed ah oo muddo laba maalmood ah u socday Wasaaradda iyo Xubnaha Baarlamaanka ee Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Arimaha Bulshada ee Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay afar hindise-sharciyeed oo muhiim u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha, carruurta, haweenka iyo qoyska, kuwaas oo kala ah Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, Sharciga Qoyska, Sharciga Joojinta Gudniinka Gabdhaha iyo Sharciga Joojinta Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday Sharciga Joojinta Gudniinka Gabdhaha iyo Sharciga Joojinta Dambiyada Kufsiga iyo Anshax xumada, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qodobbada muhiimka ah, ilaalinta dhibbanayaasha, ka hortagga dambiyada iyo xoojinta tallaabooyinka sharci ee lagula dagaallamayo gudniinka gabdhaha, kufsiga iyo anshax xumada. Labada sharci ayaa sidoo kale dib u eegis lagu sameeyay si loo waafajiyo mabaadi’da iyo qiyamka Diinta Islaamka.

Sidoo kale, waxaa akhris lagu sameeyay Sharciga Qoyska iyo Hindise sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, iyadoo la isla eegay qodobbada muhiimka ah, si faham buuxa looga yeesho iyo sidii loo waafajin lahaa Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubnaha Baarlamaanka ee Guddiga Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka, Agaasimaha Haweenka, Agaasimaha Carruurta ee Wasaaradda iyo khubaro ku takhasustay arrimaha sharciga ayaa waxaa soo gabagabeeyay Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS, isagoo xusay in maalinta Sabtida Golaha Baarlamaanka la horgeyn doono Sharciga Joojinta Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, si loo dardargeliyo meel marinta sharcigan oo bulshada ay baahi weyn u qabto.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxa ay adkenaysa muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee hay’adaha dowladda, Baarlamaanka iyo khubarada sharciga, si loo xaqiijiyo in shuruucda dalku ay si buuxda uga jawaabaan baahiyaha bulshada, isla markaana ay xoojiyaan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

​DHAMMAAD

​Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

​Mohamed Mohamud Abdalla (Eng. Yama) Agaasimaha Wacyigelinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka – JFS

Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/mfhrdso
X: https://x.com/mfhrdso
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Website: https://www.mfhrd.gov.so

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, H.E. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa guddoomisay kulan...
18/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, H.E. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa guddoomisay kulan heer sare ah oo isku-duwid ah oo ay la yeelatay hoggaanka Windle International Somalia, kaas oo looga hadlay horumarka laga sameeyay Barnaamijka eWINS iyo xoojinta iskaashiga lagu horumarinayo awoodda dhaqaale ee haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, Agaasimaha Dalka iyo Agaasimaha Gobolka ee Windle International Somalia, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda. Wadahadalladu waxay diiradda saareen horumarka ilaa hadda la gaaray, arrimaha weli taagan, caqabadaha hortaagan hirgelinta, mudnaanta barnaamijka, hababka isku-duwidda iyo fursadaha lagu xoojin karo fulinta howlaha eWINS.

Wasiiraddu waxay mar kale xaqiijisay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso bah-wadaagta horumarinta iyo hay’adaha fulinta, si loo hubiyo in barnaamijyadu noqdaan kuwo loo dhan yahay, isla-xisaabtan leh, ka jawaabaya baahiyaha bulshada, isla markaana waafaqsan mudnaanta qaranka. Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay ballaarinta fursadaha dhaqaale ee haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda bulshooyinka nugul iyo kuwa adeegyada ka arradan.

Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa Windle International Somalia iskaashiga iyo wada-shaqeynta joogtada ah, iyadoo rajaynaysa in la sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo ujeeddooyinka Barnaamijka eWINS, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah, loo dhan yahay oo waara oo ay ka faa’iidaystaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.



​DHAMMAAD

​Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

​Mohamed Mohamud Abdalla (Eng. Yama) Agaasimaha Wacyigelinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka – JFS

Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/mfhrdso
X: https://x.com/mfhrdso
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Website: https://www.mfhrd.gov.so

Dood-wadaag ay Baarlamaanka iyo Wasaaradda Qoyska ka Yeesheen Afarta Hindise-sharciyeed ee Muhiimka u ah Ilaalinta Xuquu...
17/08/2026

Dood-wadaag ay Baarlamaanka iyo Wasaaradda Qoyska ka Yeesheen Afarta Hindise-sharciyeed ee Muhiimka u ah Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa kulan dood-wadaag iyo wadatashi sharciyeed ah la yeelatay xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Arrimaha Bulshada, si loo dardargeliyo dib-u-eegista iyo meelmarinta hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah ilaalinta xuquuqda bulshada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, Agaasimaha Haweenka, Agaasimaha Carruurta, Agaasimaha Wacyigelinta, iyo khubaro ku takhasustay arrimaha shuruucda.

Doodda ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray afarta sharci ee kala ah: Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, Sharciga Qoyska, Sharciga Joojinta Gudniinka Gabdhaha, iyo Sharciga Kufsiga iyo Anshax-xumada, kuwaas oo dhammaantood door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo qoyska.

Intii uu socday wadatashigu, waxaa si qoto dheer looga hadlay habraacyada lagu horumarinayo laguna waafajinayo hindise-sharciyeedyada Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Guddiga Baarlamaanka uu soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobbada kala duwan ee Sharciga la xiriira dambiyada kufsiga iyo anshax-xumada.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in magaca “ Sharciga Kahortagga Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada” loo beddelo “Sharciga Joojinta Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada”, iyadoo ujeeddadu tahay in magaca iyo nuxurku ay si cad uga tarjumaan ilaalinta dhibbanayaasha, kahortagga dambiyada iyo xoojinta tallaabooyinka sharci ee lagula dagaallamayo kufsiga iyo anshax-xumada.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxa ay adkeynaysaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda, Baarlamaanka iyo khubarada sharciga, si loo helo sharciyo tayo leh, Dastuurka waafaqsan, isla markaana si wax-ku-ool ah u ilaaliya xuquuqda carruurta, haweenka, qoysaska iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

​DHAMMAAD

​Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:

​Mohamed Mohamud Abdalla (Eng. Yama) Agaasimaha Wacyigelinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka – JFS

Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/mfhrdso
X: https://x.com/mfhrdso
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Website: https://www.mfhrd.gov.so

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo Shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar, oo dhashay wiilkii galay kaalinta 1-aa...
17/08/2026

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo Shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar, oo dhashay wiilkii galay kaalinta 1-aad ee imtixaanka Dugsiga sare.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar, oo ah hooyada dhashay, islamarkaana si weyn ugu soo dadaashay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf oo kaalinta 1aad ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa ku ammaantay Hooyo Safiyo dadaalka iyo adkeysiga ay muujisay muddadii ay garab taagnayd wiilkeeda, iyadoo tilmaantay in ay tusaale wanaagsan u tahay kartida iyo halganka hooyooyinka Soomaaliyeed. Wasiiraddu waxay sheegtay in Wasaaraddu, iyadoo garowsan doorka muhiimka ah ee hooyooyinka, ay Hooyo Safiyo siisay fursad shaqo laga bilaabo maanta, si ay uga sii shaqeyso horumarinta nolosheeda iyo waxbarashada ubadkeeda.

Wasiiradda ayaa xustay in kulanka ay la yeelatay Hooyo Safiyo iyo wiilkeeda Maxamed Ciise uu ahaa mid si gaar ah u taabtay qalbigeeda, iyadoo si dhow uga dhageysatay taariikhdooda iyo halgankooda nololeed. Hooyo Safiyo iyo wiilkeeda Maxamed Ciise ayaa dhankooda si dareen iyo farxad leh uga mahadceliyey Wasiiradda iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka fursadda shaqo iyo garab istaagga loo muujiyey Hooyada, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid dhiirrigelin iyo rajo cusub u abuurtay qoyskooda.

Wasiiradda Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyn u rajeysay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn oo uu ku gaaro waxbarashadiisa, iyadoo sidoo kale hambalyo u dirtay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare. Waxay carrabka ku adkeysay in guusha ubadku ay tahay mid ka dhalata dadaalka, dulqaadka iyo garab istaagga waalidka, gaar ahaan hooyooyinka Soomaaliyeed.

AMBAD / CAAWINAAD DEGDEG AH 🚨​Fadlan gacan naga sii baafinta ehelka wiilkan dhalinyarada ah si uu dib ula midoobo qoyski...
16/08/2026

AMBAD / CAAWINAAD DEGDEG AH 🚨

​Fadlan gacan naga sii baafinta ehelka wiilkan dhalinyarada ah si uu dib ula midoobo qoyskiisa.

● Magaca: Abdifitah
● ​Da'da: 15 jir
● ​Xaaladdiisa: Wuxuu qabaa xaaladda Autism-ka, waxaana jug gaarsiiyay mooto Bajaaj.
● ​Goobta: Haatan waxaa si nabad ah loogu hayaa Degmada Hodan.

Haddii aad garato wajigiisa ama aad taqaan ehelkiisa, fadlan si degdeg ah u wac nambarka gaaban ee 116.

Address

Jamaal Cabdinasir Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS:

Shortcuts

Share