24/09/2026
Shirka Guddiga Hagidda Mashruuca SERP oo Nairobi lagu soo gebagebeeyay
Nairobi, 24 September 2026: Waxaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Nairobi shir muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Hagidda Mashruuca SERP Project Somalia, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka guud ee mashruuca, hawlaha muhiimka ah ee socda, iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha iyo qaybaha kala duwan ee mashruuca.
Shirka ayaa lagu gorfeeyay halbeegyada muhiimka ah ee mashruuca, iyadoo si gaar ah loo qiimeeyay heerka guud ee fulinta qorshayaasha hawleed ee Mashruuca SERP, caqabadaha jira, iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo dardargeliyo hirgelinta hawlaha mudnaanta leh.
Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale si qoto dheer looga hadlay qaybaha muhiimka ah ee Mashruuca, oo ay ka mid yihiin Dakhliga (DRM), Maamulka Maaliyadda Guud (PFM), Dib-u-habaynta Maamulka Adeegga Dadweynaha (Public Sector Management), Nidaamka Isku-dhafan ee Maamulka Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS), iyo Nidaamka Maamulka Kheyraadka Aadanaha (HRMIS).
Kulanka waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Mashruuca ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Saleiman Sheikh Umar, waxaana ka qeybgalay xubnaha Guddiga Hagidda Mashruuca iyo hawlwadeennada Mashruuca SERP.
Shirka ayaa sidoo kale fursad u noqday xubnaha Guddiga iyo Hawlwadeennada Mashruuca in ay dib u eegaan horumarka laga sameeyay hawlaha socda, qorshayaasha xiga, iyo mudnaanta la siinayo qaybaha kala duwan ee mashruuca.
Ugu dambayn, Guddiga Hagidda Mashruuca SERP waxay isla qaateen in la dardargeliyo hirgelinta hawlaha mudnaanta leh ee qaybaha kala duwan ee Mashruuca, lana xaqiijiyo in qorshayaasha hawleed ee lagu heshiiyay si hufan oo waafaqsan jadwalkooda loo fuliyo.