Ciidanka Boliska Gaarka Ah Ee Haramcad

Ciidanka Boliska  Gaarka Ah Ee Haramcad Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ciidanka Boliska Gaarka Ah Ee Haramcad, Government Organization, Mogadishu.

Laba Xidigle Cadnaan Yare ayaa laf-dhabar u ah howlgalka gaarka ah ee ka socda deegaanka Baara isagoo door muuqda ka qaa...
04/09/2026

Laba Xidigle Cadnaan Yare ayaa laf-dhabar u ah howlgalka gaarka ah ee ka socda deegaanka Baara isagoo door muuqda ka qaadanaya hoggaaminta iyo isku-duwidda ciidamada howlgalka.

02/09/2026

Haramcad Speical Forces

Halkaan waa deegaan ku dhow Webiga Shabeelle, halkaas oo galabta ay ka howl-galeen saaxiibada caalamiga ah ee Turkiga iy...
31/08/2026

Halkaan waa deegaan ku dhow Webiga Shabeelle, halkaas oo galabta ay ka howl-galeen saaxiibada caalamiga ah ee Turkiga iyo Ciidanka Gaarka ah ee Komandoska Haramcad.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle. Ciidamada Haramcad ayaa maalmahan howlgallo ka waday deegaannada webiga ku dhow.

👀👁️

Ciidanka Komandoska Haramcad ayaa shantii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo gaar ah ka waday deegaanada Baldooska iyo ...
29/08/2026

Ciidanka Komandoska Haramcad ayaa shantii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo gaar ah ka waday deegaanada Baldooska iyo Alifoow, kuwaas oo ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle.

Maanta, ciidamadu waxay dagaal adag la galeen maleeshiyaad hubeysan ee khawaarijta Al shabaab oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka. Dagaalka oo socday saacado ayaa lagu dilay madaxii jabhadda, Cabdinaasir Farey, iyo qaar ka mid ahaa ilaaladiisa.

Ciidamada Haramcad ayaa weli wada baacsiga firxadka kooxda khawaarijta AS iyadoo howlgalka uu si joogto ah uga socdo deegaanadaasi.

Hadafkeennu waa in dalka laga dulqaado kooxaha hubeysan ee shacabka dhibaateeya, lana xaqiijiyo amniga iyo nabadda dadka Soomaaliyeed.

27/08/2026

Dhawaan deegaannada ku teedsan Wabiga Shabeelle war weyn ayaa ka soo yeeri doona. ⚔️🔥

Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgal gaar ah ka sameeyay deegaanada ku teedsa...
27/08/2026

Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgal gaar ah ka sameeyay deegaanada ku teedsan Wabiga Shabeelle, iyagoo halkaasi ka fuliyay baaritaanno iyo burburin lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo shabakado argagixiso.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo ay kooxaha argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana Ciidamadu si buuxda u baaritaan uga sameeyeen deegaanada kala ah

Baqdaad Baldooska Alifoow Muryaley Daniga Balow Buula Xansholey

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada ku teedsan Wabiga Shabeelle iyo sidii looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

Baydhabo Saaka waxaa weerar soo qaaday maleeshiyaad garab ka hela argagixisada AS. Maxaa ka xanuun badan adigoo la safan...
17/08/2026

Baydhabo Saaka waxaa weerar soo qaaday maleeshiyaad garab ka hela argagixisada AS. Maxaa ka xanuun badan adigoo la safan Khawaarijta, kuna dhiirrada inaad weerarto dad shacab ah iyo carruur iskuul u socota, adigoo adeegsanaya qaraxyo iyo hub culus oo aanay xitaa dhegahoodu xamili karin.

Falalkaas waxaa ka hortagay geesiyaal u dhaartay difaaca qaranka iyo badbaadinta shacabka.

Haramcad – Hiilka Shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan, ayaa Akadeemiyadda TURKSOM tababar ugu soo xiray ...
16/08/2026

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan, ayaa Akadeemiyadda TURKSOM tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Haramcad. Ciidamada ayaa lagu tababaray la-dagaallanka Khawaariijta, ka jawaabista weerarrada degdegga ah, badbaadinta shacabka, adeegsiga hubka iyo tiknoolajiyadda casriga ah, iyo sugidda amniga. Taliyaha ayaa ku ammaanay dadaalkooda, uguna baaqay inay aqoontii ay barteen ku dabaqaan shaqadooda. Xafladda waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Haramcad iyo Ku xigeenkiisa iyo saraakiil ka tirsan Booliiska, Haramcad iyo saraakil kale oo kasocday Safaaradda Turkiga iyo Akadeemiyadda TURKSOM.

16/08/2026

Haramcad Special Forces🚔

Jilib marko
16/08/2026

Jilib marko

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Boliska Gaarka Ah Ee Haramcad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share