Hon. Arabey Hashi Abdi

Hon. Arabey Hashi Abdi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hon. Arabey Hashi Abdi, Mogadishu.

Hon: Arabey Hashi Abdi Oil and Gas Specialist and Political Analyst, Former Vice President Galmudug State is the current Director General of the Federal Government of Somalia's Ministry of Petroleum and Mineral Resources.

Alaha U Naxariisto Aabahay G/Sare Xaashi Cabdi Xirsi iyo General Adan Cabdulahi Nuur.General Maslax Maxamed Siyaad na Ci...
01/09/2026

Alaha U Naxariisto Aabahay G/Sare Xaashi Cabdi Xirsi iyo General Adan Cabdulahi Nuur.
General Maslax Maxamed Siyaad na Cimri Dheer Alaha siiyo.
Sawirkaan ma hubo laakiin saan filayo waa 1987 dii Balidoogle carbiskii Bright Star oo ay wada samaynayeen Kumaandooska Soomaaliya iyo Maraykanka.

Arabey Hashi Abdi  Buugga Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe & Dowlad-goboleedka Galmudug Following Ministry of Petroleu...
24/08/2026

Arabey Hashi Abdi Buugga Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe & Dowlad-goboleedka Galmudug Following Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia

Caawa waxaan ka qayb galay casho sharaf Madaxweynaha JFS , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo  lagu xusayay 15-sano guurad...
21/08/2026

Caawa waxaan ka qayb galay casho sharaf Madaxweynaha JFS , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu xusayay 15-sano guurada dib-u-curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye.

Maanta waxaan soo xiray tababar muhiim ah oo kor loogu qaadayay aqoonta iyo fahamka nidaamka suuq-geynta xirmooyinka shi...
20/08/2026

Maanta waxaan soo xiray tababar muhiim ah oo kor loogu qaadayay aqoonta iyo fahamka nidaamka suuq-geynta xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.

Tababarkan waxaa ka faa’iideystay khubaro ka kala socday Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo Wasaarada Maaliyada Qaybta Canshuuraha iyadoo sidoo kale qayb ka ahaa shirka Gudoomiyaha Hay'ada Batroolka Soomaaliyeed tababaka Intii uu socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira suuq-geynta xirmooyinka shidaalka, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan hufan, daah-furan oo ku saleysan tartan caddaalad ah.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Canada iyo Hay’adda CPCS taageerada ay ka geysteen qabsoomidda iyo bixinta tababarkan. Waxaan aaminsanahay in kobcinta aqoonta iyo xirfadaha hay’adaha dowladda ay laf-dhabar u tahay horumarinta iyo maamul wanaagga kheyraadka dalkeenna.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u nax...
19/08/2026

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee,Adeer G/le Dhexe Daahir Xaashi Geele, oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Waxaa uga tacsiyaynaa caruurtiisa iyo xaaskiisa iyo dhamaan reer xaashi geele

Alle SWT waxaan uga baryayaa Marxuumka inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeedna, Alle haka siiyo samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin

18/08/2026

Kalmad aan ka jeediyay Barnaamijka Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada iyo Shirweynaha Xirfad-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed 2026,
Sharaf ayay ii ahayd ka qayb galkaa
Skilling Conference 2026
. . Building the Future.

Waxaa galabta ka qayb galay munaasabad xil-wareejin ah oo ay xilka kula kala wareegeen Agaasimihii Guud ee h**e ee Wasaa...
17/08/2026

Waxaa galabta ka qayb galay munaasabad xil-wareejin ah oo ay xilka kula kala wareegeen Agaasimihii Guud ee h**e ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle.Wasiirka Wasaarada Cabdulahi Bidhaan Ayaa Xilka u kala wareejiyay.

Waxaan Agaasimihii h**e u rajaynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan, Agaasimaha cusubna waxaan leeyahay hambalyo iyo in Alle ku asturo xilka cusub.

17/08/2026

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN Alaha u naxariisto Adeer Abdi Halane Nuur Nooli Rabi janatul Fardoowsal ha ugu bishaareeyo dhamaan familka Samir iyo iimaan Alaha ka wada siiyo aamiin qaasatan reer Halane Nuur Asagana Janadii haka waraabiyo Aamiin.

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qayb galo Barnaamijka Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada iyo Shirweynaha Xirfad...
13/08/2026

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qayb galo Barnaamijka Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada iyo Shirweynaha Xirfad-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed 2026, halkaas oo aan ka jeediyay kalmad ku saabsan muhiimadda aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo xirfadaha, hal-abuurka, iyo fursadaha mustaqbalka dhaliyarada soomaaliyeed ayadoo lagu dhiiro galinayo kor u qaadida aqoontooda arimaha Shidaalka iyo Macdanta.

Sharaf ayay ii ahayd ka qayb galkaa

Skilling Conference 2026
. . Building the Future.

Waxaan kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka aan walaalaha ee Turkiga H.E.Alper Aktas kaas o...
11/08/2026

Waxaan kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka aan walaalaha ee Turkiga H.E.Alper Aktas kaas oo ku saabsanaa arrimaha wadashaqaynta naga dhaxaysa oo ku saabsan arimaha Shidaalka iyo Macdanta iyo dhamaan xaaladaha soo kordhay xilli uu aan ku booqday safaaraddooda Magaalada Muqdiaho.Waxaan uga mahadcelineynaa Soo dhawayntiisa qiimaha leh.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Arabey Hashi Abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon. Arabey Hashi Abdi:

Shortcuts

Share