05/08/2026
DEGDEG: Ciidamo ka tirsan PSF oo kasoo baxay magaalada Qardho ayaa caawa gaaray magaalada Sarmaanyo.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan ay wataan 9 tikniko iyo hal ambalaas, iyadoo la sheegay inay caawa saldhigan doonaan magaalada Sarmaanyo.
Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay ka baxeen Qardho kadib cabsi laga qabo weerar uga yimaada ciidamada Puntland ee hoos taga xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni.