03/06/2026
Musharraxiinta Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee u tartamaya Guddoonka Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:
1. Xil. Mahad Maxamed Sheekh Xasan – Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KG.
2. Xil. Aadan Xasan Maxamed – Musharraxa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada KG
3. Xil. Shamso Maxamed Yarow – Musharraxa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada KG
Ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) shahaadooyinka musharraxnimo, kadib markii ay si buuxda u soo dhammaystireen dhammaan shuruudihii iyo habraacyadii looga baahnaa musharraxiinta u taagan xilalka Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda guddoonsiinta shahaadooyinka waxaa musharraxiinta ku weheliyay qaar ka mid ah Xoghayayaasha Ururka, Agaasimaha Guud, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Wakiilada KG iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo muujiyay taageeradooda iyo kalsoonida ay ku qabaan hoggaaminta, kartida iyo waayo-aragnimada musharraxiinta.
Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu u rajeynayaa musharraxiintiisa guul, isaga oo ku kalsoon inay door muuqda ka qaadan doonaan horumarinta shaqada Golaha Wakiilada, xoojinta dowladnimada, ilaalinta danta shacabka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.