22/09/2026
WAR-MURTIYEED: KULANKII BAR-BILOWGA AHAA EE REER SHAN-GAMAAS BEESHA LUWAAY IYO TAAGEERADA MUSHARRAX SHEIKH ISAAQ GEESA DHEERE
Goobta: Hotel Taleex, Muqdisho
Taariikhda: Talaado, 22-ka September, 2026
Shir heer sare ah oo bar-bilow u ah geedi-socodka siyaasadeed iyo ololaha doorashada ayaa maanta ka dhacay Hotel Taleex ee magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa si qoto-dheer looga arinsaday matalaadda beesha Luwaay Shan-Gamaas iyo xaaladda guud ee dalka.
Kulankan oo ahaa mid aad u heersareeya, waxaa casuumaadkiisa iyo soo diyaarintiisa lahaa siyaasiga weyn, halgamaaga magaca leh, ahna Gudoomiyihii h**e ee Ahlu Sunna Waljamaaca Soomaaliyeed (Duruqatu Suufiya), haatanna ah Musharrax Gole Xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Kursiga HOP #042), Sheikh Isaaq Geesa Dheere.
Qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay kulanka:
1. Qiimaynta Matalaadda Beesha: Waxaa si xeeldheer loo xaqiijiyay meesha ay maanta marayso matalaadda beesha Luwaay Shan-Gamaas ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo la tilmaamay baahida loo qabo hogaan dhab ah oo matalaadda kursiga HOP #042 si buuxda u muujiya.
2. Midnimo iyo Garab-is-staag: Waxaa lagu adkeeyay in taageerada matalaadda guud ee beesha Shan-Gamaas aan loo kala harin, laguna garab siiyo naf, maal iyo hiilba.
3. Isbahaysiga Siyaasadeed: Waxaa si buuxda loogu dhowaqay garab-is-staagga iyo taageerada garabka Nabad iyo Nolol iyo geedi-socodka ololaha musharrax Sheikh Isaaq Geesa Dheere.
Kulan-kaani wuxuu ku soo gaba-gaboobay jawi muujinaya midnimo, reyn-reyn iyo isku duubni buuxda oo loo dhan yahay.
Waxaa inoo balan ah kulamada kale imaan doono insha’Allah.
Mahadsanidiin.