18/03/2026
In ka badan 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya abaar ba’an.
Hay’adda SoDMA ayaa gaartay deegaannada fogfog ee ay abaaruhu saamaynta xooggan ku yeesheen si ay ugu kuurgasho xaaladaha dadyowga xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ee halkaas ku dhaqan.
Dukumenterigaan wuxuu soo bandhigayaa xaqiiqda dhabta ah ee abaarta, isaga oo muujinaya xoolaha fara badan ee baaba’ay, dalag la’aanta, biyo yari iyo nafaqo-darro daran oo carruurta saamaysay.
Waxaa loo baahan yahay gargaar degdeg ah oo dadkaas la gaarsiiyo.