Mogadishu Port Authority

Mogadishu Port Authority Official page of Mogadishu Port Authority | Bogga Rasmiga ah ee Maamulka Dekadda Muqadisho.

29/08/2026

Documentary-gan waxa uu soo bandhigayaa waxyaabihii u qabsoomay Dekedda Muqdisho sanadkii la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada dekedda, tababarrada shaqaalaha, kororka dhaqdhaqaaqa ganacsiga, casriyeynta nidaamyada shaqada iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Maareeyaha Guud Ee Dekedda Muqdisho oo kulan ka yeeshay Mashruuca FORLIS iyo fursadaha iskaashi ee Soomaaliya iyo Talyaa...
26/08/2026

Maareeyaha Guud Ee Dekedda Muqdisho oo kulan ka yeeshay Mashruuca FORLIS iyo fursadaha iskaashi ee Soomaaliya iyo Talyaaniga

Muqdisho, 26 Agoosto 2026 Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb Mohamed Ali Nur ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Ahmed Faghi Elmi, kulan diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka xirfadeed, saadka dekedaha iyo horumarinta xirfadaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Mudane Abdullahi Hamud, Wasiiru-dowlihii h**e ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay Mashruuca FORLIS – Tababar iyo iskaashi ku saabsan saadka dekedaha iyo adeegyada logistiga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, kaas oo ay maalgelisay Gobolka Ismaamulka Friuli-Venezia Giulia.

Diiradda gaarka ah waxaa la saaray 14 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo hadda ku jira marxaladda diyaarinta iyo barashada afka Talyaaniga ee Xarunta Tababarka Dhallinyarada Rawdah ee Muqdisho, kahor inta aysan u ambabixin Talyaaniga.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay fursado iskaashi oo ay ka mid yihiin booqasho waxbarasho oo dhalinyaradu ku tagaan Dekedda Muqdisho kahor safarkooda Talyaaniga, suurtagalnimada shaqo-barasho dhammaadka barnaamijka gudaha nidaamka dekedda Trieste, iyo horumarinta barnaamijyo Training of Trainers ah.

Maareeye ayaa soo dhaweeyay mashruuca, isagoo tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in la horumariyo xirfado farsamo gaar ahaan kuwa ku saabsan dekedaha iyo logistiga.

25/08/2026
24/08/2026

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa tababar lagu baranayay sida xogta loo falanqeyo u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho, Tababarka oo uu bixiyey agaasimaha waaxda IT ga ee maamulka dekada muqdisho mudane Cabdifatax Maxamed axmed.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayay sidii shaqaalaha loogu xoojin lahaa aqoonta iyo xirfadaha la xiriira falanqaynta xogta iyo diyaarinta warbixinnada shaqada.

24/08/2026

SIMAD University is honored to welcome H.E. Ambassador Amb Mohamed Ali Nur, Director General of Mogadishu Port, as a keynote speaker at the upcoming Conference on Economics and Public Administration (CEPAD 2026).

Ambassador Mohamed Ali Nur brings extensive experience in public policy, foreign affairs, strategic leadership, and institutional development, with a distinguished career in public service.

At CEPAD 2026, he will contribute his perspective to this year’s theme, “Geopolitical Shocks, Electoral Transitions, and Economic Resilience: Navigating Elections, Trade, Food, and Energy Security in Somalia.”

Join us on 25 August 2026 as researchers, policymakers, public officials, and industry leaders come together to examine the forces shaping Somalia’s economic resilience and future.

22/08/2026

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa soo xiray tababar loo qabtay Xafiiska Warbaahinta Dekedda Muqdisho, kaas oo uu bixiyey Agaasimaha Caafimaadka iyo Badqabka Dekadda Mudane Iman Mohamed.

Tababarku wuxuu diiradda saaray xoojinta wacyiga iyo fahamka shaqaalaha warbaahinta ee arrimaha caafimaadka, Rarista, dejinta, badqabka iyo amniga goobta shaqada, si kor loogu qaado tayada iyo mas’uuliyadda shaqada warbaahinta Dekedda Muqdisho.

Maareeyaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha.

21/08/2026
18/08/2026

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur oo ay wehliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dekedda Dr. Ali Haji Mohamed, Eng. Ismail Aw Musse & Mudane Abdallah kaarshe ayaa Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirrada Wasaaradaha Dekedaha Dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Waqooyi Bari, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Kulankan ayaa looga hadlay in labada dhinac yeeshaan xiriir dhaw, in Dekedda muqdisho ay ka caawiso tababaro lagu horumarinayo shaqaalaha dekedaha, iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Kulanka ayaa sidoo kale ahaa mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo Dekedaha Dowlad-goboleedyada.

Address

Wadada Dekada, Degmada XamarJajab
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Port Authority posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share