Prof. Salim Alio Ibro

Website

Prof. Salim Alio Ibro The official page of the Minister of Labour and Social Affairs Federal government of Somalia H.E Prof Salim Alio Ibro

12/10/2026
Waxaan maanta magaalada Qaahira kaga qaybgalay Fadhiga 52-aad ee Shirweynaha Dalalka Carabta ee Arrimaha Shaqada, anigoo...
13/09/2026

Waxaan maanta magaalada Qaahira kaga qaybgalay Fadhiga 52-aad ee Shirweynaha Dalalka Carabta ee Arrimaha Shaqada, anigoo hoggaaminayay Wafdiga Soomaaliya.

Shirweynahan oo ay isugu yimaadeen dalalka Carabta ayaa looga hadlayaa arrimaha shaqada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, ilaalinta bulshada iyo xuquuqda shaqaalaha.

Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu fursad muhiim ah u yahay xoojinta iskaashiga iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo badan, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Maanta waxaan si rasmi ah u furay Shirweynaha Ururrada Shaqaalaha ee Dalalka Geeska Afrika, oo ay martigelinayso Xiriirk...
09/09/2026

Maanta waxaan si rasmi ah u furay Shirweynaha Ururrada Shaqaalaha ee Dalalka Geeska Afrika, oo ay martigelinayso Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU).

Waxaan ku faraxsanahay inaan Muqdisho ku soo dhaweeyo hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee gobolka, waxaana kulanka ka qaybgalay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha ILO ee dalalka Geeska Afrika, Mr. Khumbula Ndaba, Agaasimaha Caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada ee IGAD, Danjire Moussa Ali Meigague, iyo hoggaanka HACTU iyo FESTU.

Doodaha shirweynaha waxaan si gaar ah diiradda ugu saarnay shaqooyinka habboon, xuquuqda shaqaalaha, wada-hadalka bulshada, Free Movement of Persons, isu-socodka shaqaalaha, ilaalinta shaqaalaha muhaajiriinta ah iyo iskaashiga gobolka.

Waxaan aaminsanahay in is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika uu u baahan yahay in uu barbar socdo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo tayo leh. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta horumarka dhaqaale iyo bulsho, waana muhiim in codkooda lagu daro go’aannada qaabeynaya mustaqbalka gobolka.

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka gobolka, IGAD, ILO iyo ururrada shaqaalaha, si loo horumariyo suuq shaqo oo caddaalad, fursad iyo horumar waara ku dhisan.

Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo booqasho shaqo ku ...
08/07/2026

Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaan kala hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD, gaar ahaan hirgelinta Borotokoolka Xorriyadda Isu Socodka Dadka ee Gobolka IGAD (The Protocol on Free Movement of Persons in the IGAD Region), horumarinta maamulka socdaalka shaqaalaha, fududeynta isu socodka sharciyeysan ee shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta, iyo abuurista fursado shaqo oo waara.

Sidoo kale, waxaan kala hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, IGAD iyo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), si loo hirgeliyo siyaasado iyo barnaamijyo kor u qaadaya shaqo-abuurka, horumarinta suuqa shaqada iyo kobaca dhaqaale ee dalkeenna.

Waxaan uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan Soomaaliya, anigoo muujiyey sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’an tahay sii ambaqaadidda iskaashigan muhiimka ah si loo gaaro horumar waara oo faa’iido u leh shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

26/06/2026

🇸🇴 Hambalyo 26-ka Juun 2026 🇸🇴

Maalinta Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, oo ah maalintii taariikhiga ahayd ee Gobollada Waqooyi ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1960.

Munaasabaddan qiimaha badan waxay xusuusinaysaa halgankii iyo naf-hurnimadii halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo diriray xorriyadda iyo qaranimada. Waa maalin astaan u ah geesinimo, gobannimo iyo midnimo.

Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed u rajaynaysaa in munaasabaddan ku soo gaarto nabad, barwaaqo iyo wadajir.

—————————
Yasir El-hadadi
Madaxa Isgaarsiinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
📧 [email protected]
🌐 www.molsa.gov.so

06/06/2026

Waxaan maanta qudbad ka jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka (ILC 2026) ee ka socda Geneva, anigoo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qudbaddayda waxaan kaga hadlay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta shaqo-abuurka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, xoojinta wada-hadalka bulshada, iyo muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo shaqo hufan iyo horumar loo dhan yahay.

Soomaaliya waxay sii waddaa xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah, si loo abuuro fursado shaqo oo waara loona horumariyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

🇸🇴🌍

Sharaf weyn ayay ii tahay inaan maanta khudbad ka jeediyo Shirweynaha 114-aad ee International Labour Conference ( ) ee ...
04/06/2026

Sharaf weyn ayay ii tahay inaan maanta khudbad ka jeediyo Shirweynaha 114-aad ee International Labour Conference ( ) ee ka socda Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

Waxaan ku soo bandhignay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta shaqo-abuurka, hirgelinta ajandaha Decent Work, iyo xoojinta wada-shaqeynta saddex-geesoodka ah si loo helo mustaqbal shaqo oo wanaagsan.

Intii aan ku sugnaa magaalada Geneva, waxaan kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Guud ee International Labour Organizat...
03/06/2026

Intii aan ku sugnaa magaalada Geneva, waxaan kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Guud ee International Labour Organization (ILO), Mudane Gilbert F. Houngbo.

Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo ILO, dardargelinta hirgelinta ajandaha Decent Work, iyo taageeridda dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu abuurayo fursado shaqo oo waara, laguna horumarinayo suuqa shaqada iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha.

Waxaan sidoo kale adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta saddex-geesoodka ah iyo hirgelinta halbeegyada caalamiga ah ee shaqada.

Address

Mogadishu
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Prof. Salim Alio Ibro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share