Dr Abdiladif Ugas Bille

Dr Abdiladif Ugas Bille Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Abdiladif Ugas Bille, Public & Government Service, Mogadishu.

Shalay oo ku beegnayd 16-ka Agoosto 2026, waxaan guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ...
17/08/2026

Shalay oo ku beegnayd 16-ka Agoosto 2026, waxaan guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Kulanka waxaan ka sii ambaqaadnay doodaha iyo ka-baaraan-degga xeer-hoosaadyada muhiimka u ah habsami-u-socodka iyo hannaanka shaqo ee Golaha.

Waxaa kulanka lagu ansixiyey Xeer-hoosaadka Xuquuqda, Waajibaadka iyo Awoodaha Xubnaha, Guddoonka iyo Xoghaynta Golaha, iyo sidoo kale Xeer-hoosaadka Aqoonsiga Golaha, kaas oo nidaaminaya qaabka iyo adeegsiga kaarka aqoonsiga rasmiga ah ee Golaha.

Ansixinta xeer-hoosaadyadani waxay muhiim u tahay xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka shaqada Golaha.

Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan xubnaha Golaha sida ay uga qaybqaateen doodaha iyo shaqada muhiimka ah ee Golaha. Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada lagu dhisayo hay’ad caafimaad oo leh nidaam, tayo iyo isla-xisaabtan.

Hambalyo iyo bogaadin, adeerkeyga qaaliga ah Maxamed Ugaas Xuseen. Waxaan si kal iyo laab ah kuugu hambalyeynayaa guusha...
12/08/2026

Hambalyo iyo bogaadin, adeerkeyga qaaliga ah Maxamed Ugaas Xuseen. Waxaan si kal iyo laab ah kuugu hambalyeynayaa guusha iyo aqoonta aad gaartay. Waxaan Alle kaaga baryayaa inuu cilmiga aad baratay ka dhigo mid anfaca adiga, qoyskaaga iyo guud ahaan bulshadaada.

Hambalyo Guddoomiye Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo hoggaan wanaagsan. Alle ha...
10/08/2026

Hambalyo Guddoomiye Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac
Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo hoggaan wanaagsan. Alle ha kuu fududeeyo masuuliyadda laguu igmaday.

إنا لله وإنا إليه راجعونإنا لله ما أعطى وله ما أخذ، وكل شيء عنده بأجلٍ مسمى.Xasan Macallin Maxamed (Hassan Jornal). Alle...
06/08/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون
إنا لله ما أعطى وله ما أخذ، وكل شيء عنده بأجلٍ مسمى.

Xasan Macallin Maxamed (Hassan Jornal). Alle ha u naxariisto, jannatul Firdowsana haka waraabiyo.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Waxaan Alle uga baryayaa inuu qabrigiisa u waasiciyo, u nuuriyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, dambigiisana dhaafo.

Annagana Alle gadaashiis nama fidneeyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha naga wada siiyo.

31/07/2026
25/07/2026

Waxaan xalay ka qaybgalay munaasabadda sannadlaha ah ee lagu xuso Maalinta Caalamiga ah ee Bacriminta (IVF/Fertility). Waxay ahayd munaasabad muhiim ah oo lagu iftiiminayay horumarka caafimaadka taranka, gaar ahaan fursadaha ay bacriminta casriga ahi u siiso qoysaska la tacaalaya caqabadaha dhalmo la’aanta.

Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qayb ka noqdo munaasabaddan qiimaha badan, waxaana rajaynayaa in wacyigelinta noocan oo kale ahi ay sii kordhiso fahamka bulshada iyo taageerada loo fidiyo qoysaska doonaya inay helaan ubad.

24/07/2026

OGEYSIIS RASMI AH O0 KU SAABSAN ISDIIWAAN-GELINTA MIHNADLAYAASHA IYO XARUMAHA BIXIYA ADEEGA CAAFIMAADKA

22/07/2026

Shir Jaraa’id oo ku saabsanaa Is-diiwaangelinta Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Xarumaha Adeegyada Caafimaadka, kana qabsoomay Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHBC).”

Hambalyo 1-da Luulyo! 🇸🇴💙
30/06/2026

Hambalyo 1-da Luulyo! 🇸🇴💙

Address

Mogadishu
0000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdiladif Ugas Bille posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share