Horumar iyo Midnimo Qaran NPU

Horumar iyo Midnimo Qaran NPU Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Horumar iyo Midnimo Qaran NPU, Political Party, National theatre, Mogadishu.

Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran waa urur u taagan dhismaha mustaqbal wadajir ah, kor u qaadista horumarka bulshada, ilaalinta midnimada ummada, iyo dhiiragelinta ka qeyb galka muwaadinka si loo gaaro qaran xasiloon oo hormar leh.

BAYAAN TAAGEERID
06/08/2026

BAYAAN TAAGEERID

إنا لله وإنا إليه راجعون Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran NP...
12/07/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran NPU Mudane Samafale Ahmed Bussuri Alhatimy oo Aabahiisa Haji Mohamed Buzuri Sheikh Abdiaziz uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Waxaan Alle Ugu baryayaa in uu naxriistiisa siiyo Aabe Haji Mohamed Buzuri, qabrigana u waasiciyo, Dhammaan ehelkana samir iyo iimaan alle haka siiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Hormar iyo midnimada qaranka ee NPU Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden Issak Ayaa maanata xafiiskaasa...
06/07/2026

Guddoomiyaha Xisbiga Hormar iyo midnimada qaranka ee NPU Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden Issak Ayaa maanata xafiiskaasa Xisbiga NPU ee Maggalada Mogadisho ku qaabiley Lataliyaha Sare ee Madaxweyne dowladda JFS Mudane salaad Cali jeele,

Kulankaasi Ayaa waxaa ku wahelinayey Guddoomiyaha kuxigeenka Xisbiga NPU iyo Xughaye guud ee Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran NPU

Xisbiga Hormar iyo midnimo qaran Ayaa Maalinta xuriyada  ah ee 1_da Luul  laqaatey dhamanba taaqyeeriyasha Xisbiga iyo g...
01/07/2026

Xisbiga Hormar iyo midnimo qaran Ayaa Maalinta xuriyada ah ee 1_da Luul laqaatey dhamanba taaqyeeriyasha Xisbiga iyo guud Ahaan umada Soomaaliyeed,

01/07/2026

Xisbiga Hormar iyo midnimo qaran Ayaa maanta _Umada Soomaaliyeed ugu Hambaliyeeyey 1-da Luulyo, Maalinta Xorriyadda iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliyeed”

War-Saxaafadeed kaso baxey 12_urur siyaasadeed oo kasoo qiibgaley doorashooyinki Gobalka Banaadir iyo Konfur Galbeed Soo...
20/06/2026

War-Saxaafadeed kaso baxey 12_urur siyaasadeed oo kasoo qiibgaley doorashooyinki Gobalka Banaadir iyo Konfur Galbeed Soomaliya,

KULAN WADA-TASHI AH XISBIGA NPU BAIDOATaariikh: 17/06/2026Goobta: Xafiiska NPU Baidoa SomaliaWaxaa maanta tarrikhda kor ...
18/06/2026

KULAN WADA-TASHI AH XISBIGA NPU BAIDOA

Taariikh: 17/06/2026
Goobta: Xafiiska NPU Baidoa Somalia

Waxaa maanta tarrikhda kor ku husan inoo qabsoomay kulan wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen hoggaanka, xubnaha xisbiga, si looga arrinsado xaaladaha siyaasadeed ee jira, xoojinta midnimada xisbiga, iyo diyaar-garowga hawlaha soo socda.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay:

Xoojinta wadajirka iyo iskaashiga xubnaha xisbiga.

Horumarinta qorshayaasha siyaasadeed ee xisbiga.

Dardargelinta adeegyada iyo xiriirka bulshada.

Diyaar-garowga doorashooyinka iyo hawlaha mustaqbalka.

Ka qeybgalayaashu waxay muujiyeen aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya horumarka iyo guusha xisbiga. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wada-shaqeynta, iyo u adeegidda danaha shacabka.

Ugu dambeyn, kulanka wuxuu ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo wadajir ah, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo dadaallada lagu hormarinayo himilooyinka iyo yoolalka xisbiga.kulanka maanta waxaa ka soo qeyb galey liiska hoos ku qeyb galey Xubnaha qaar ka mid ah kulamadaasi oo sii socon donaan ,

Mahadsanidiin;

14/06/2026

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hormar iyo Midnimo Qaran ee NPU Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden Issak Ayaa maanta shir weynaha Xisbiga NPU U_gu Mahad ciliyey dhamaan dadkii Wadey Olalahi doorashada Qof iyo Codka ahaa ee maalmihii lasoo dhaafey kadhacey Maggalada Baydhabo,

Kulankaan Ayaa darnaa mahadcilin iyo buqaadin dardaaran sidookale mahadnag maalmihii
Lasoo Dhaafey Ay dadaalo iyo Adkeysi ugu Qiib qaaten dhamaan Ololihiii Doorasho ee ka dhacday deegaanada Konfur Galbeed Soomaliya,

"Kulan Ay dhaman ka soo qiibgaleen Tagyeeriyaasha Xisbiga Hormar iyo midnimada qaranka ee NPU Ayaa maanta ka dhacey Xaru...
14/06/2026

"Kulan Ay dhaman ka soo qiibgaleen Tagyeeriyaasha Xisbiga Hormar iyo midnimada qaranka ee NPU Ayaa maanta ka dhacey Xarunta Weyn Ee Xisbiga ee NPU Ee Magaalada Baydhabo,Halkaas oo Guddoomiyaha Xisbiga NPU UU_Kula hadley Hawl wadeeniyaasha Xisbiga iyo dhamaa tagyeeriyaasha Asagona la dardaarmey uguna mahad ciliyey Shaqooyinki Ay soo qabteen kuna boqaadiyey in ay laba jibaaran dadaalada Ay wadaan,

Sidookale Guddoomiyaha Xisbiga Hormar iyo midnimo qaran ee NPU Ayaa U_Sheekey Howl wadeenada in ay sii wataan shaqooyinkooda Ayna jirin wax is badan ah oo xaruumihii Xisbiga in ay si dooda u_Shaqeynayan, oo wax isbadal ah Aysan jirin,

Gabagabadii Guddoomiyaha Xisbiga Hormar iyo midnimada qaranka Mudane Shariif Hassan Sheikh Adan isack Ayaa si dhab ah ugu mahad ciliyey dadaaladii dheeradka ahaa oo Ay soo wadeen mudooyinkii Ololaha Doorashooyinka golaha deegaanka iyo Golaha Wakiilada intaba,

Dhamaaad

09/06/2026

Hadal_jeedinti Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hormar iyo Midnimo Qaran ee NPU,

Address

National Theatre
Mogadishu
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horumar iyo Midnimo Qaran NPU posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share