NISA

Website

NISA Official Facebook Account of National Intelligence & Security Agency (NISA) of somalia.

WAR SAXAAFADEEDMuqdisho, Agoosto 14, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya sa...
14/08/2026

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Agoosto 14, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise, oo 25 KM u jira magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen laba horjooge.

Horjoogeyaasha howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ugu magacawnaa degmada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo ahaa horjoogihii kooxda ee deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo. Labadan horjooge ayaa muddo lagu daba jiray xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka waxa ay ugu yeeraan xisbada ee deegaanka Warciise, kuwaas oo la socday horjoogeyaasha la beegsaday. Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab culus.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna burburinayo horjoogeyaashooda iyo shabakadaha ay u adeegsadaan abaabulka falalka argagixisada. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.

DHAMMAAD

12/08/2026

Khudbadda Agaasimaha Guud ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad, ee Munaasabadda Qalin-jabinta Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda

KU DHAWAAD 600 OO ARDAY OO KA QALIN-JABIYAY MACHADKA SARE EE DARAASAADKA AMNIGA IYO ISTIRAATIIJIYADDAMuqdisho, Agoosto 1...
12/08/2026

KU DHAWAAD 600 OO ARDAY OO KA QALIN-JABIYAY MACHADKA SARE EE DARAASAADKA AMNIGA IYO ISTIRAATIIJIYADDA

Muqdisho, Agoosto 12, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabaddii ugu horreysay ee qalin-jabinta Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda ee hoos yimaada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), taas oo ay ku qalin-jabiyeen 578 arday.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay qalin-jabiyeyaasha, isaga oo ku boorriyay in ay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan amniga, xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay horumarka Machadka iyo kaalinta uu ku leeyahay tayeynta aqoonta iyo xirfadaha howl-wadeennada hay’adaha amniga Qaranka.

Agaasimaha Guud ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa sheegay in Machadku qeyb muhiim ah ka yahay casriyeynta hannaanka amniga Qaranka, iyada oo awoodda iyo khibradda hay’adaha amniga lagu kabayo aqoon, cilmi-baaris iyo qorsheyn istiraatiiji ah. Waxa uu sidoo kale xusay doorka farsamo iyo aqooneed ee Machadku ku leeyahay horumarinta qaar ka mid ah sharciyada iyo xeerarka Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in himiladu tahay in Machadku noqdo xarun qaran oo lagu kobciyo aqoonta amniga, laguna sameeyo cilmi-baaris taageerta go’aan-qaadashada Dowladda. Waxa uu qalin-jabiyeyaasha kula dardaarmay in ay aqoontooda Qaranka ugu adeegaan daacadnimo, masuuliyad iyo waddaniyad.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiiro, Saraakiil ciidan, Maamulka iyo Macallimiinta Machadka, qalin-jabiyeyaasha iyo marti-sharaf kale.

DHAMMAAD

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay howlgal culus...
12/08/2026

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay howlgal culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka fuliyay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo la bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare oo muddooyinkii dambe abaabul iyo dagaallo ka waday gobolka.

Goor dhow la soco faahfaahin dheeraad ah.

WAR SAXAAFADEEDMuqdisho, Agoosto 07, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa gacanta ku ...
07/08/2026

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Agoosto 07, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa qorsheynta falal amniga lid ku ah oo ay doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Dhagar-qabeyaashan ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha. Afar ka mid ah waxa ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqal-gelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Sirdoonka Hay’adda NISA ayaa muddo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, waxaana dabagal iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa, waxaana hadda ku socda baaritaanno, iyada oo kaddib loo gudbin doono Hay’adaha garsoorka si sharciga loo waafajiyo.

Hay’adda NISA waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee mar walba la wadaaga xogaha la xiriira khataraha amniga, waxayna markale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinta. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454

DHAMMAAD

23/07/2026

Muuqaal muujinaya qaabka loo fuliyay howlgalkii jabka xooggan loogu geystay Khawaarijta ee ka dhacay deegaanka Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo jab...
20/07/2026

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goor dhow la soco faahfaahin dheeraad ah.

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 28, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ...
28/02/2026

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, February 28, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal ka waday Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose, waxaana la dilay in ka badan 40 dhagarqabe.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad loo diyaarinayay in ay falal argagixiso ka fuliyaan deegaannada ku dhow Maxaas. Howlgalkan, oo lagu dilay ilaa 17 dhagarqabe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijtu.

Dhinaca kale, weerar guul ku dhammaaday oo Ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen howdka deegaanka Buulo-naagey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu soo afjaray 23 Khawaarij ah oo lagu soo daabulay halkaas si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka qaranka iyo isu-socodka amniga ee gobolka. Beegsigaas ayaana lagu wiiqay isku-daygii Argagixisada ee ahaa in ay Buulo-naagey u adeegsadaan marin u fududeeya carqaladeynta amniga.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay kor u qaadday dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

WAR SAXAAFADEEDMuqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya sa...
25/02/2026

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa afar howlgal oo qorsheysan oo toddobaadkan ay ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ku dilay in ka badan 23 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal amni darro ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalladan, oo ahaa kuwo ka hortag ah, ayaa yimid kaddib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxda Khawaarijtu ay maleeshiyaad ku abaabulayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo, oo hoostaga Degmada Maxaas, islamarkaana uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato, iyo maleeshiyo kale oo lagu uruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weeraradan, oo kii ugu dambeeyay uu dhacay xalay gelinkii dambe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay xero ku taallay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad u badnaa kuwa ay ugu yeeraan Xisbada, kuwaas oo qeyb ka ahaa fulinta weerarro ay Argagixisadu u maleegayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xoojisay howlgallada ka hortagga iyo ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

DHAMMAAD

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa hambalyo iyo duco ku aa...
18/02/2026

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa hambalyo iyo duco ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimuhu waxa uu ku booriyay shacabka in ay si buuxda u garab istaagaan Ciidanka Qaranka ee habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale adkeeyay mas’uuliyadda gaar ka ah ee ciidanka amniga ka saaran in muwaadiniintu ay si nabad iyo xasillooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.

“Ku Sooma Amni Sugan”

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NISA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share