Somalia’s National Independent Human Rights Commission

Somalia’s National Independent Human Rights Commission Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somalia’s National Independent Human Rights Commission, Public & Government Service, Airport Road, Mogadishu.

The National Independent Human Rights Commission is a constitutional body mandated to promote, protect, and monitor human rights in Somalia, in line with the Constitution and international human rights standards.

Muqdisho, Axad, 30 Agoosto 2026: — Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta kulan ku yees...
30/08/2026

Muqdisho, Axad, 30 Agoosto 2026: — Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddiga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Guddiga iyo xoojinta gudashada waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Kulanka oo ay shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa xubnaha Guddigu waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa kaalinta Guddiga ee la socodka, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo helitaanka caddaaladda, ilaalinta dadka nugul, dabagalka cabashooyinka iyo dhacdooyinka la xiriira xuquuqda aadanaha.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Guddigu si wadajir ah, madax-bannaan oo hufan u guto waajibaadkiisa qaran.

“Waxaa naga go’an inaan dhisno Guddi ay shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karaan, oo cod u noqda cid kasta, si madax-bannaan ula socda xaaladda xuquuqda aadanaha. Waxaa inoo yaalla masuuliyad weyn, waxaana muhiim ah in hawlaheenna iyo qorshayaasheenna ay ka tarjumaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo waajibaadka sharci ee Guddiga.”

Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray hawlihii u qabsoomay Guddiga, halka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo hawlaha la qorsheeyey in la fuliyo muddada dhaw iyo sidoo kale dardargelinta hawlaha mudnaanta leh, dhammaystirka hannaan-hawleedka iyo xeerarka gudaha ee Guddiga, iyo xoojinta wada-shaqaynta Guddiga iyo hey’adaha kale ee dowladda, Bulshada Rayidka iyo hey’adaha caalamiga ah.

Gabagabadii, xubnaha Guddigu waxay isku afgarteen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda xuquuqda aadanaha dalka, lagana jawaabo arrimaha soo kordha ee u baahan dareenka Guddiga, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida, dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida hay’adda.

— Dhammaad —

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka QarankaMuqdisho, Arbaco, 26 Agoost...
26/08/2026

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Muqdisho, Arbaco, 26 Agoosto 2026: — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed.

Guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siisay halka uu marayo dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga, waxqabadkii lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyo dadaallada lagu dhisayo hay’ad qaran oo madax-bannaan, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay caqabadaha horyaalla Guddiga, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, iyo sidii loo heli lahaa taageerada lagama maarmaanka u ah in Guddigu si madax-bannaan oo wax-ku-ool ah u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, xoojinta isla-xisaabtanka iyo ku dhaqanka sharciga, iyo dhismaha hay’ado qaran oo waara oo ilaaliya xuquuqda iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
-Dhammaad-

Muqdisho, Arbaco, 26 Agoosto 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) Dr. Maryan...
26/08/2026

Muqdisho, Arbaco, 26 Agoosto 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa maanta la kulantay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Maqsuumi.

Guddoomiyaha iyo Wasiirka ayaa kulan is-xog-wareysi ah yeeshay, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa, loona xoojin lahaa ilaalinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay waajibaadka iyo shaqooyinka horyaalla hay’adahooda, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga ku aaddan horumarinta xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta xuquuqaha muwaadiniinta.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-xog-wareysi iyo is-afgarad ku aaddan muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac, si loo sii horumariyo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Muqdisho, Isniin 24 Agoosto 2026: — Komishaneer Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul...
24/08/2026

Muqdisho, Isniin 24 Agoosto 2026: — Komishaneer Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), ayaa munaasabadda gunaanadka hawlaha UNTMIS ee caddaaladda iyo asluubta ka sheegay in Soomaaliya ay u gudbayso marxalad cusub oo u baahan hoggaan qaran, korjoogteyn madax-bannaan iyo wada-shaqayn hay’adeed oo joogto ah.

Komishaneer Farxaan ayaa sheegay in soo afjaridda hawlgalka UNTMIS aan loo arkin oo keliya gunaanad, balse ay tahay kala-guur loogu gudbayo masuuliyad, hoggaan iyo in hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed ay la wareegaan masuuliyadda.

Munaasabadda ayaa lagu soo gunaanaday 13 sano oo UNSOM/UNTMIS ay taageero ka geysanayeen ku dhaqanka sharciga Soomaaliya. Komishaneer Farhan Jimale ayaa adkeeyay in caddaaladda iyo asluubtu ay salka ku hayaan dhowrista xuquuqda aadanaha, isla markaana qofka xorriyaddiisa laga qaaday aanu lumin karaamadiisa iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay kaalinta Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay sannadihii la soo dhaafay ka qaateen horumarinta hay’adaha caddaaladda iyo asluubta Soomaaliya.

— Dhammaad —

Guddoomiyaha GMXIQ iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo ilaalinta xuquuqda aadanahaMuq...
19/08/2026

Guddoomiyaha GMXIQ iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha

Muqdisho, Arbaco, 19 Agoosto 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka (GMXIQ), Marwo Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa maanta kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka (GMXIQ), Mudane Mustafa Axmed Maxamuud, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabduqaadir Cali.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyadoo labada dhinac ay isku dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan mudnaanta iyo arrimaha ay wadaagaan, isla markaana ay sahamiyeen fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Guddiga.

Labada dhinac ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in tixgelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha lagu daro dadaallada xasilinta, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta isla-xisaabtanka, iyadoo ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada bulshooyinka nugul ay ahaato udub-dhexaadka ajendaha dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta hay’adaha dowladda iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka, si loo xoojiyo ilaalinta, dhowrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

DHAMMAAD

16/08/2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa ka qayb-gashay munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka jeedisay khudbad ay kaga hadashay muhiimadda sharcigan iyo doorka uu ka qaadanayo ilaalinta, dhowrista iyo horumarinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha GMXIQ oo ka qayb-gashay daahfurka Sharciga Caddaaladda Carruurta SoomaaliyeedMuqdisho, Axad 16 Agoosto 2026...
16/08/2026

Guddoomiyaha GMXIQ oo ka qayb-gashay daahfurka Sharciga Caddaaladda Carruurta Soomaaliyeed

Muqdisho, Axad 16 Agoosto 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa maanta ka qayb-gashay munaasabad qaran oo lagu daahfurayay Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Dr. Maryan Qaasim ayaa munaasabadda ka jeedisay khudbad ay kaga hadashay muhiimadda Sharciga Caddaaladda Carruurta iyo doorka uu ka qaadanayo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo hirgeliyo sharciyada iyo siyaasadaha lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta, iyadoo tilmaantay in carruurta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in la dhowro, lana ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah.

Munaasabadda oo Guddoomiyaha uu ku wehliyay Komishaneer, Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
- Dhammaad -

Guddoomiyeyaasha GMXIQ iyo SoDMA oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adoodMuqdisho, Axad 16 Agoosto 2026: —...
16/08/2026

Guddoomiyeyaasha GMXIQ iyo SoDMA oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adood

Muqdisho, Axad 16 Agoosto 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta kulan la yeelatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Komishenarada Mudane Cali Maxamed Cilmi, Mudane Axmed Shiikh Xamsa iyo Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adda SoDMA ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan sidii ilaalinta xuquuqda aadanaha loogu dhex dari lahaa qorsheynta, u-diyaargarowga iyo ka jawaabista masiibooyinka iyo xaaladaha bani’aadannimo.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in dadka ay masiibooyinka sida gaarka ah u saameeyaan, oo ay ku jiraan barakacayaasha, haweenka, carruurta, dadka naafada ah, dadka waayeelka ah iyo bulshooyinka kale ee nugul, ay helaan ilaalin iyo gargaar ku dhisan karaamada aadanaha, sinnaanta iyo inaan cidna laga tagin.

Sidoo kale, waxaa kulanka la iskula soo qaatay iskaashi ku saabsan la-socodka xaaladda xuquuqda aadanaha xilliyada masiibooyinka, wadaagga xogta, wacyigelinta bulshada, tababarrada shaqaalaha, ilaalinta dadka barakacay, iyo horumarinta hab-raacyo xaqiijinaya in gurmadka bani’aadannimo loo gaarsiiyo dadka u baahan si caddaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan leh.

Labada Guddoomiye ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo xiriir shaqo oo joogto ah, isla markaana la sii horumariyo iskaashi hay’adeed oo isku xiraya waajibaadka SoDMA ee maareynta masiibooyinka iyo gurmadka bani’aadannimo iyo waajibaadka Guddiga ee ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Dhammaad

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulmay EUCAP SomaliaGuddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaank...
15/08/2026

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulmay EUCAP Somalia

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim, ayaa kulan la yeelatay EUCAP Somalia, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarinta ku dhaqanka sharciga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waajibaadka iyo mudnaanta Guddiga, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka ee la xiriira waaxda amniga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo fursadaha wada-shaqeyn ee mustaqbalka, si loo taageero ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta hay’adaha amniga iyo horumarinta ku dhaqanka sharciga Soomaaliya.

DHAMMAAD

Muqdisho: Khamiis, 13 Agoosto, 2026: —  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Ma...
13/08/2026

Muqdisho: Khamiis, 13 Agoosto, 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qasim, ayaa maanta Muqdisho kula kulantay Wakiilka cusub ee hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Christophoros Politis, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada hay’adood ee Guddiga iyo UNDP.

Guddoomiyaha iyo Wakiilka waxay si gaar ah diiradda u saareen kobcinta awoodda Guddiga, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, isku-duwidda iyo xoojinta isla shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ku hawlan ilaalinta xuquuqul insaanka, iyo fursadaha lagu abuuri karo barnaamijyo wadajir ah oo bulshada wax loogu qabanayo mustaqbalka.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Agaasimaha Guud ee Guddiga Mustafa Axmed Maxamuud, iyo Madaxa Barnaamijyada Dowlad wanaagga UNDP, Evariste Sibomana ayaa qayb ka ahaa dadaallada Guddiga uu ku xoojinayo hawlihiisa, iskaashiga hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqeeyaan iyo gudashada waajibaadkiisa qaran ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Dhammaan

Address

Airport Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia’s National Independent Human Rights Commission posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share