Midowga Haybad Qaran

Website

Midowga Haybad Qaran Bogga rasmiga ah ee Midowga Haybad Qaran. Hansare iyo Hufnaan

26/09/2026
26/09/2026

Muuqaalka Guud | Xafladda Gunaanadka Banbaxa Isbaheysiga Xaqsoor Iyo Midowga Haybad Qaran

Waxaa nasiib-darro ah in dowladdii masuulka ka ahayd ilaalinta danta iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed ay iyadu qayb ...
25/09/2026

Waxaa nasiib-darro ah in dowladdii masuulka ka ahayd ilaalinta danta iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed ay iyadu qayb ka noqoto barakicinta shacabka, dhaawicista midnimada iyo wiiqista wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaan ugu baaqaynaa inuu kusoo laabto xayndaabka sharciga iyo Dastuurka lagu heshiiyay, si loo ilaaliyo dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Dowladda u jeedinaynaa baaq cad: sidan dowlad laguma dhisi karo. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqaynaa in si degdeg ah loo wada fariisto, la isla meel dhigo arrimaha muhiimka ah ee doorashada, Dastuurka, madaxbannaanida iyo amniga dalka. Waxaan rajaynaynaa in Madaxweynaha uu aqbalo baaqan, si loo helo xal siyaasadeed oo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ka badbaadiya bur bur iyo qalalaase siyaasadeed.

Jimcihii la soo dhaafay, xilligaan oo kale, waxaan joognay xarunta Xisbiga Himilo Qaran, oo ay ka dhacaysay kulan looga ...
25/09/2026

Jimcihii la soo dhaafay, xilligaan oo kale, waxaan joognay xarunta Xisbiga Himilo Qaran, oo ay ka dhacaysay kulan looga hadlayay Badbaadada Jamhuuriyadda Saddexaad. Maanta oo ah Jimcihii labaad, waxaan ku suganahay Gunaanadka Banbaxa Isbaheysiga, kaas oo aan uga hadlaynay Sugidda Caddaaladda iyo Soo Celinta Haybadda Qaranka. Tani waxay muujinaysaa in mucaaradku ay u taagan yihiin isbeddelka dowladnimada Soomaaliya.

Dambigu waa laba: mid qof baa laga galaa, midna bulshada. Dowladnimada hadda jirta waxaa dambi laga galay bulsho weyntii Soomaaliyeed. Waxaan ognahay in habeen kasta dadka magaalada Muqdisho deggan ay la kulmaan barakac, jirdil iyo arxan-darro badan. Waxaad arkaysaa ciidankii iyo ardaydii oo iyagoo waxbarasho ama difaaca ku umaqan, barakac lagu sameeyo Qoyskooda iyo guryahoodaba.

“Anigoo ku hadlaya afka gabdhaha Soomaaliyeed ee aqoonta leh, waxyaabaha aad soo diyaariseen iyo qodobada kasoo baxay sh...
25/09/2026

“Anigoo ku hadlaya afka gabdhaha Soomaaliyeed ee aqoonta leh, waxyaabaha aad soo diyaariseen iyo qodobada kasoo baxay shirkiinna waa arrimo bulshada Soomaaliyeed ay qaadan karto.

Haddii aad tiraahdeen: “Maxaa nala habboon? Halkee aadeynaa? Sideen wax yeelaynaa?”, waxaad tihiin ragga ugu macquulsan.

Annaga haween ahaan waxaan rabnaa saddex arrimood:
Caddaalad, Midnimo iyo Dowladnimo loo dhan yahay

Waxaana idinka codsaneynaa inaad bulshada dhexgashaan oo aad kasbataan kalsoonida bulshada.”

Maryan Taqal
Bulshada Rayidka

“Soomaaliya waxa ay soo martay xilli dowladnimadu aysan xoog badnayn, balse waxa lagu kala baqayay waxa ay ahayd nidaamk...
25/09/2026

“Soomaaliya waxa ay soo martay xilli dowladnimadu aysan xoog badnayn, balse waxa lagu kala baqayay waxa ay ahayd nidaamka caalamiga ah oo dadka caddaalad u kala samaynayay. Waqtigan la joogo, waxa muuqata in wax walba oo sharci ah, mid caalami ah iyo kan dalkaba, hadda la laalay. Dalka waxaa lagu haystaa afgambi lagu qabsaday 03 Luulyo 2026. Innaga xisbiyada ah waxaa nala gudboon in aan u istaagno sidii aan wax uga qaban lahayn.”

Suleyman Max’ud Xashi
Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran

“Lama yaabani qof inuu xumaado, laakiin waxaa la yaab leh in bulshadii Soomaaliyeed damiirkeedii dhinto, oo aad maanta a...
25/09/2026

“Lama yaabani qof inuu xumaado, laakiin waxaa la yaab leh in bulshadii Soomaaliyeed damiirkeedii dhinto, oo aad maanta arkeysid in akhlaaqdii yaraatay, oo aan rajabeel nahay, isla markaana aad arkeysid katarabiil lagu gelinayo guryihii ummadda, iyadoo aan cidina ka hadleyn.

Waxaan bogaadinayaa War-murtiyeedka ay soo jeediyeen Isbaheysiga Xaqsoor iyo Midowga Haybad Qaran. Waxaa la joogaa xilligii la iska qaban lahaa rijiimka bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo hurda oo aan waxaba galabsan katarabiil iyo cagafta lagalay , wax uu xeerinayana aysan jirin.”

Xildhibaan Yusuf Xuseen Gama’adiid
Xoghayaha Guud Xisbiga Himilo Qaran

“Banbaxeenna waxa uu ahaa xisaabtan aan ka xisaabtamayno shaqada aan qaban doono inta aan tartanka ku jirno, lana imaana...
25/09/2026

“Banbaxeenna waxa uu ahaa xisaabtan aan ka xisaabtamayno shaqada aan qaban doono inta aan tartanka ku jirno, lana imaanayno barnaamij ummaddu nagula xisaabtanto haddii aan xilka qabanno.

Soomaaliya muddo ayaa la lunsanaa, oo la garan waayay hannaanka siyaasadda dalka. Waxaan anagu fahannay in lunsanaantaas ay daawo u tahay in la wada fariisto, oo koox kasta ama xisbi kasta ay gaar wax iskula meel dhigaan, kadibna bulshada lagu hoggaamiyo hannaan wanaagsan.”

Abdi Adam Hoosow
Xubin Golaha Sare ee Isbaheysiga

“Runtii, shantii bari ee Banbuxu noo socday, wax walba oo aan is dhaafsanayna War-murtiyeedka ayay ku dhex jiraan. Balse...
25/09/2026

“Runtii, shantii bari ee Banbuxu noo socday, wax walba oo aan is dhaafsanayna War-murtiyeedka ayay ku dhex jiraan. Balse waxa aan ogaanay waxaa ka mid ah in saddex cudur ay qabaan Soomaalidu, una baahan tahay in laga daaweeyo, waana xagjirnimada siyaasadeed, midda diimeed iyo midda qabiilka. Wax walba oo ka socda daafaha Soomaaliya waa cudurrada na haysta, sida Koonfur-Galbeed, Galmudug iyo isfaham-waaga hadda ka soo cusboonaaday Hirshabeelle.”

Farxaan Cali Axmed
Xubin Golaha Sare ee Isbaheysiga

“Waxaan Idin Ku Soo Dhoweynaynaa Xafladda Xiritaanka Banbaxa Isbaheysiga Xaqsoor Iyo Haybad Qaran. Waxaan Idiinkaga Maha...
25/09/2026

“Waxaan Idin Ku Soo Dhoweynaynaa Xafladda Xiritaanka Banbaxa Isbaheysiga Xaqsoor Iyo Haybad Qaran. Waxaan Idiinkaga Mahadcelinaynaa Sida Wanaagsan Ee Aad Uga Soo Qaybqaadateen Munaasabaddan. Inta Uu Socdo Kulankan, Waxaan Idiin Soo Bandhigi Doonaa War-Murtiyeedka Kasoo Baxay Banbaxa.”

Cabdullaahi Xamuud Maxamed
Xubin Golaha Sare ee Isbaheysiga

Address

Opposite To The Airport Main Gate
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Haybad Qaran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share