Dowladda Hoose Ee Degmada Harardheere

Dowladda Hoose Ee Degmada Harardheere Bogga rasmiga ah ee Maamulka Degmada Harardheere ee Dowlada Goboleedka Galmudug

Xarardheere
13/01/2026

Xarardheere

Xaraardheere  AXAD 24/11/2024. Wasaradda Amniga Galmudug ayaa Degmada Xarardheere Ka daahfurtay kulan loogu talagalay Wa...
24/11/2024

Xaraardheere AXAD 24/11/2024.

Wasaradda Amniga Galmudug ayaa Degmada Xarardheere Ka daahfurtay kulan loogu talagalay Wacyigalinta iyo Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada.

barnaamijkaan oo loogu talagalay in lagu wacyi galiyo bulshada ku nool deeganada laxoreeyey iyo kuwa saameynta ay ku yeesheen dagaalada lagula dirirayo Alshabaab.

Wasaarada Amniga ayaa ku Boorisay bulshada iyo booliska inay yeeshaan xiriir dhaw iyo wada shaqeyn joogtaa si loo helo Boolis bulsho oo dambiilaha horkeena hay'adaha amniga Galmudug.

Ministry of Internal Security - Galmudug State of Somalia

XAQIQO: Darawal h**e oo ka mid aha BL leyda ka shaqeeya Wadada dheer ee xariirisa xamar ila jowle Taliyihii h**e ee qaab...
01/10/2024

XAQIQO: Darawal h**e oo ka mid aha BL leyda ka shaqeeya Wadada dheer ee xariirisa xamar ila jowle
Taliyihii h**e ee qaabilsanaa Dhaba galka iyo gubida gaadidka Qaadka wada iyo xariga muwaadiniinta sida dhuumaleysiga ah uga shaqeesan jiray deegaanada ay ka taliyaan khawaarijta gaar ahaan degaanada Xarardheere jowle iyo ceel dheer

Ex Fake Hogaamiyihii h**e ee iska magacabeen maamulka galmudug iyagoon Hubsan oo ay hadana xilka qaadis ku sameyay kadib markii uu u gafay isla maamulki shalay so magacaabay ayaa mudo 4 bari ah ku sugnaay dagmada xarardhere wuxu ka waday Tabliiqin iyo kala fur furka Ciidanka ay isku Reerka yihiin

Ex Hogaamiye+ Taliye Dadaal dheer kadib wuxu maqribki la baxay baaburki raaxada uu xamar kaga yimid iyo 2 cabdi bile oo Cawa ku hoyanaaya Xafad ka mid ah Dagmada xarardheere ee lo yaqaano Bohol shiiq kadib marki ay u suurta gali weesay hadafkiisa ahaay in ay kaso daba baxaan Ciidanka xaq u dirirka Degmada Harardheere iyagoo og Dhagarta Kooxda khawaarijta iyo Dadka ay ka dhex hadlayaan ineysan Dan u heenin Qayimka iyo Sharafka ay lee yihiin

Ugu dambeen waxan u shegeena dadka been abuurka wada kuna hadlaaya afka khawaarijta inaan Diyaar u nahay marwalbo Difaaca Dagmada una socono Dhulka ay ku suganyihiin Dhamaan arxanlaawayaasha iyo wixi la safan

XAFIISKA WARFAAFINTA Dowladda Hoose Ee Degmada Harardheere

Xoghayaha Dagmada Xarardhere oo Sharxaaya  halka ay marayaan Hawlaha shaqo iyo Dib u dhiska Degmada Harardheere Taariikh...
30/09/2024

Xoghayaha Dagmada Xarardhere oo Sharxaaya halka ay marayaan Hawlaha shaqo iyo Dib u dhiska Degmada Harardheere

Taariikh 30-9-2024 Isniin

Maslah Moalim Elmi oo kamid ah Tiirka iyo udub dhexaadka Hormarka iyo Dib u xoreenta Dagmada xarardheere ayaa u waramay Nabadoon Mohamed Osmaan Hurfe o ka mid ah nabadoonada ay ku taagan tahay Dagmada

Nabadoon Mohamed Osmaan Hurfe oo ka mid ah nabadoonada Ay ku taagan tahay Dagmada xarardheere ayaa maantay xarunta bulshada Dowlada Hoose Ee dagmada xarardheere u yimid Xog wareysi iyo Halka ay mareeso Hormarka iyo shaqooyinka Dagmada halka ay maraayaa

Nabadoonka ayaa ku qancay shaqooyinka ka socdo xarunta arimaha bulshada e dagmada xarardheere sido kale nabadoonka ayaa mahadcelin iyo bogaadin iskugu daray xoghaye Maslax moalim Elmi kaalinta iyo doorka fiican u ku leeyahay Hormarka Dagmada ay ku talaabsatay sanadihii ay ku naalooneesay Neecaawda Dowladnimada

Dr-Ahmed Haashi

Culimada Ahlu Sunna waljameeca iyo Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed  ee Dagmada xarardheere oo dhigay Xuska Dhalashada Xa...
21/09/2024

Culimada Ahlu Sunna waljameeca iyo Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed ee Dagmada xarardheere oo dhigay Xuska Dhalashada Xabiibkeena NNKH (SCW) 15 sano kadib

Sabti Taariikh 21-9-2024

Waxaa Farxad iyo Marxabeen ah in 15 sano kadib Dagmada Qadiimiga ah ee Xarardheere lagu qabto xuska Dhalashada Nabi Mohamed (SCW)

Ilahey ka sokow waxay mahad gaar ah u sugnaatay Dowlada Federalka iyo Cidkasto ka qeeb qadatay Dib u xorenta Dagmada xarardheere sido kale waxa xusid mudan in ay tahay 15 sano kadib marki ugu h**esay ee lagu qabto Xalfadi ugu quruxda iyo Qiimaha badneed ee lagu qabto Degmada Harardheere

Waxan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhamaan Cidii so abaabushay e so agaasintay Xafladan Aadka u qiimaha badan sido kale waxa u mahadcelinyaa maamulka Dagmada oo kalin ka qaatay Marxabada bisha mowliid

Dr-Ahmed Haashi

Baraag Cali Gaduud oo Qiyaas ahaan xarardheere u jirta 32km2 oo Maantay lagu baacsaday Khawaarihta AlshabaabCiidanka Xoo...
17/09/2024

Baraag Cali Gaduud oo Qiyaas ahaan xarardheere u jirta 32km2 oo Maantay lagu baacsaday Khawaarihta Alshabaab

Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyed Gaar ahaan Gor Gor iyo Ilaalo Qaran oo kaa shanaya Ciidanka Xaq u dirirka Macawisleyda iyo Degmada xarardheere ayaa maantay Degaanka Baraag cali gadud ku Bur buriyay Difaacyadi Gabaadka u ahaay Kooxda Khawaarijta Alshabaab oo Naf ka dayay ine macahaas uga gambadaan CXDS🇸🇴

Dhamaan Ciidamada xaq u dirirka ah e ku sugan dagmada xarardheere waxan ku bogaadineyna sida adag e marwalba naf iyo maal intaba ugu baxsheen sidey dalka uga sifee lahayen ilhaanada iyo waxay Diinta ku tilmaaman koxda Khawaarijta

Madaxda Dowladana waxan ugu baaqeyna ine ciidanka marwalbo Dhiiri galiyaan

Dr-Ahmed Haashi

Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH).BismillahiWaxaan hambalyo iyo salaan diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliye...
15/09/2024

Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH).

Bismillahi

Waxaan hambalyo iyo salaan diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta adduunka, maalinta sharafta leh ee dhalashada Nabigeena Muxamed (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).

Maalintaan barakeysan waa fursad aan ku xasuusanno naxariista, jacaylka iyo caddaalada uu Nabigu u muujiyay Aadanaha. Waa in aan ku dayano wanaagga iyo dhaqanka suuban ee Nabiga, kuna dayano tilmaamihiisa qiimaha badan.

Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu nagu karaameeyo Xuska Nabi Muxamed (NNKH) oo naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa. Waxaan Ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo walaalnimada dhexdooda ah.

Address

Harardheere Mudug
Mudug

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Ee Degmada Harardheere posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share