04/06/2026
𝗕𝗔𝗔𝗤 𝗡𝗔𝗕𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗
𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡: 𝟒 𝐉𝐮𝐮𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟔
Waxaan si weyn uga walaacsanahay dagaallada iyo rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Cabdicasiis iyo Hawlwadaag, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo cabsi soo wajahday shacabka rayidka ah.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay, waxaanan Alle uga baryayaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhaawacyada, naxariistiisana uu ku mannaysto intii ku naf weyday dhacdooyinkan murugada leh.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaaddan inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, una ilaaliyaan badbaadada shacabka, hantida guud iyo xasilloonida caasimadda. Dhiigga Soomaaliyeed ma aha mid lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, mana jiro guul laga dhaxlo rabshad iyo iska horimaad hubeysan.
Waxaan adkeynayaa in kala aragti duwanaanta siyaasadeed ay tahay arrin dabiici ah, balse lagu xallin karo oo keliya wada-hadal, is-qancin, dulqaad iyo ixtiraamka sharciga. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha mucaaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, bulshada rayidka ah iyo dhammaan saamileyda siyaasadda inay si degdeg ah u furaan wadahadal daacad ah oo lagu raadinayo xal waara.
Soomaaliya waxay u baahan tahay is-afgarad, isku duubni iyo aragti qaran oo ka sarreysa dano gaar ah. Waxaa lagama maarmaan ah in wixii la isku hayo lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si looga hortago in xaaladdu sii xumaato oo ay saamayn ballaaran ku yeelato shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada inay ka hormariyaan maslaxadda ummadda Soomaaliyeed dan kasta oo kale, isla markaana ay doortaan jidka nabadda, wada hadalka iyo isu tanaasulka.
𝙉𝙖𝙗𝙖𝙙𝙙𝙪 𝙬𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙡𝙙𝙝𝙞𝙜𝙜𝙖 𝙝𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖, 𝙬𝙖𝙙𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙖𝙡𝙠𝙪𝙣𝙖 𝙬𝙖𝙖 𝙛𝙪𝙧𝙖𝙝𝙖 𝙭𝙖𝙡 𝙠𝙖𝙨𝙩𝙖.