Dawladda Hoose Degmada Waaciye

Dawladda Hoose Degmada Waaciye Halkan Kala Soco Xoggaha Degmada Waaciye

30/08/2026

: Degmada Waaciye waxa ay ka mid tahay degmooyinka sida xawliga ah u koraya, iyadoo Maamulka Degmaduna uu waddo dadaallo muhiim ah oo lagu ilaalinayo deegaanka iyo dhul-daaqsimeedka.

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Waaciye, oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland iyo Mashruuca FSRP, ayaa deegaanka Xida in muddo ah ka wada olole lagu xirayo laguna soo celinayo dhul ay saameeyeen nabaad-guurka iyo bohollaha.

Guddoomiyaha Degmada Waaciye Mudane Axmed Xasan Barre waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka reer Pun...
02/08/2026

Guddoomiyaha Degmada Waaciye Mudane Axmed Xasan Barre waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka reer Puntland munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Agoosto oo ku beegan Sanad Guradii 28-aad Ee ka soo wareegtay aas-aaska Dawladda Puntland.

 : Maamulka Dagmada Waaciye ee Gobolka Karkaar oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Somalia Food Systems Resilience Pr...
27/07/2026

: Maamulka Dagmada Waaciye ee Gobolka Karkaar oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Somalia Food Systems Resilience Project ayaa bilowday wajiga 2-aad Ee dib-u-nooleynta iyo dayactirka dhul-daaqsimeedka ee Deegaanka Waaciye.

Barnaamijkaan ayaa diiradda saarayaa xakamaynta nabaad-guurka iyo dib-u-dayactirka dhul-daaqsimeedka si dib loogu soo nooleeyo wax-soo-saarka dhulka.

 : Maamulka Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Mudane Axmed Xasan Barre  ayaa ma...
22/07/2026

: Maamulka Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Mudane Axmed Xasan Barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay Guriga Nabadda ee Deegaanka Sheerbi.

Munaasabadda dhagax-dhigga oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Waaciye,guddoomiyaha deegaanka, Guddiga Nabadda ee Deegaanka Sheerbi, aqoonyahanno, odayaal dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in dhismaha Guriga Nabaddu uu door weyn ka qaadan doono xoojinta nabadda, wada noolaanshaha bulshada, xalinta khilaafaadka iyo horumarinta iskaashiga bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale uga mahadceliyeen Hay’adda Kaalo taageerada ay ka geysanayso hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Guddoomiyaha Degmada Waaciye Mudane Axmed Xasan Barre ayaa sheegay in maamulka degmada uu mudnaan gaar ah siinayo mashaariicda kor u qaadaya nabadda iyo horumarka bulshada isaga oo bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda kana qayb qaataan dhamaystirka iyo daryeelka xaruntan cusub.

Garoowe – 05 July 2026: Guddoomiyaha Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar Axmed Xasan Barre ayaa ka qeyb galay kulan lagu ...
05/07/2026

Garoowe – 05 July 2026: Guddoomiyaha Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar Axmed Xasan Barre ayaa ka qeyb galay kulan lagu daah-furayey wacyigelinta iyo aqoon-is-weydaarsiga Mashruuca Bulsho ee Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo daneeyeyaasha kale ee Puntland.

Kulanka waxaa daah-furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Punt land iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Wasiiru-Dowlaha Agaasimaha Guud iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka oo ay taageerayso Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta fahamka mashruuca kor u qaadidda wada shaqeynta dowladda iyo maamullada degmooyinka iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka daneeyeyaasha si loo horumariyo adeegyada iyo mashaariicda bulshada ee Puntland.

 : Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ahna Duqa Degmada Waaciye ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Deegaanka Juurile kuwaa...
04/07/2026

: Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ahna Duqa Degmada Waaciye ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Deegaanka Juurile kuwaas oo ka shaqayn doona horumarinta deegaanka xoojinta wada-shaqeynta bulshada iyo dowladda, iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

 : Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waaciye Mudane Mustafe Cali Qodax ayaa si rasmi ah u soo xiray Koobka Isdhexgalka...
03/07/2026

: Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waaciye Mudane Mustafe Cali Qodax ayaa si rasmi ah u soo xiray Koobka Isdhexgalka Dhalinyarada Degmada Waaciye, oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday degmada.

Tartankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta isdhexgalka iyo wadajirka dhalinyarada, kor u qaadidda doorkooda ku aaddan nabadda iyo amniga iyo sidii looga mashquulin lahaa falalka halista ku ah mustaqbalkooda sida tahriibka iyo mukhaadaraadka.

Sido kale Xoghayaha ayaa sheegay in ciyaaruhu ay yihiin fursad lagu kobcinayo isdhexgalka bulshada, isla markaana lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada inay ka qayb qaataan horumarka degmada.

01/07/2026

: Degmada Waaciye ayaa Xalay lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sannad-guurada 66-aad ee Xorriyadda iyo Midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee 1-da Luuliyo.

01/07/2026

Hadal-jeedinta Xildhibaan Maxamed Siciid oo katirsan Golaha Deegaanka Degmada Waaciye Ee Xuska Munaasibada 1-da Luuliyo sannad-guuradii 66-aad Ee Xorriyadda iyo Midnimada Jamhuuriyadda Soomaalia.

01/07/2026

Hadal-jeedinta Yaasmiin oo kamid Ah Bulshada Deegaanka Ee Xuska Munaasibada 1-da Luuliyo sannad-guuradii 66-aad Ee Xorriyadda iyo Midnimada Jamhuuriyadda Soomaalia.

Address

Waaciye
Waaciye

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawladda Hoose Degmada Waaciye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dawladda Hoose Degmada Waaciye:

Shortcuts

Share