15/08/2026
SHIRKA AMNIGA GOBOLKA BAKOOL OO KA QABSOOMAY XAFIISKA TALIYAHA GUUTADA 9_AAD
XUDUR –15/8/2026 -Godomiyaha Degmada Xudur Mudane Maxamed Macalin Ahmed ayaa Xafiiska taliska guutada 9-aad uga Qeybgaley Shir muhiim ah oo looga hadlayey xaaladda amniga Gobolka Bakool ayaa maanta ka qabsoomay xafiiska Guutada 9aad Oo ay Hogaaminayaan Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka XDS G/le isse jelle iyo Godomiyaha Gobalka bakool Mohammed Ahmed Mohamed .iyo Madaxda Degmooyinka , Tiyeeglow Iyo Rabdhuure iyo saraakiisha ammaanka, Abaandulaha guutada 9-aad dhamme Cilmi Aadan iyo
masuuliyiin kale ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah: ladagaalanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha iyo ilaalinta sharciga
Taliyaha Guutada 9-aad Glle isse jeelle isak, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga hortago khataraha argagixisada oo halis ku ah nabadda gobolka. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la garabgalo Ciidanka halganka xureynta Gobolka kujira.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo qorsheyaal horudhac ah oo lagu dardargelinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka Bakool. Maamulka ayaa ballan qaaday in shirar noocan