20/08/2026
AMAR: MAMNUUCISTA HUBKA LALA GALO GAROOMADA DIYAARADAHA.
Maamulka Gobolka Bakool wuxuu ku wargelinayaa dhammaan bulshada, masuuliyiinta, ciidamada iyo cid kasta oo isticmaasha garoomada diyaaradaha Gobolka Bakool in laga mamnuucay in hub lala galo gudaha garoomada diyaaradaha ee Gobolka Bakool.
Amarkan wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto 2026, waxaana laga doonayaa dhammaan dadka garoomada soo gelaya inay si buuxda u ixtiraamaan una hoggaansamaan amarka amniga garoomada.
Maamulka Gobolka Bakool wuxuu farayaa ciidamada amniga garoomada inay si adag u fuliyaan amarkan, isla markaana tallaabo ku habboon ka qaadaan cid kasta oo jebisa Amarkan .
Dhammaad
Wixii faahfaahin ah la xariir
Abdullahi Mohammed Mohammud
Agaasimaha warfaafinta iyo xariirka Bulshada Gobolka Bakool