Somali Embassy in Juba-South Sudan

Somali Embassy in Juba-South Sudan Embassy of the Federal Republic of Somalia, Juba ,South Sudan

OGEYSIISSafaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaal...
22/08/2026

OGEYSIIS

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee horay u dalbaday Kaadhka Aqoonsiga (NIRA), magacyadooduna hoos ku qoran yihiin, inay yimaadaan Safaaradda si ay uga soo qaataan kaadhadhkooda.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan, Ambassador Jaamac Xasan Khaliif, ayaa kulan la qaatay Lt. Gen. Achol Cyier Reh...
19/08/2026

Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan, Ambassador Jaamac Xasan Khaliif, ayaa kulan la qaatay Lt. Gen. Achol Cyier Rehan, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta Madaniga, Jinsiyadda, Baasaboorrada iyo Socdaalka ee Koonfurta Suudaan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha la xiriira socdaalka, jinsiyadda, baasaboorrada iyo adeegyada la xiriira muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Safiirka waxaa kulanka ku weheliyey Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Safaaradda Soomaaliya, Agaasime Cabdillaahi Sheekh Cabdisamad.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan, Amb. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa kulan miro-dhal ah l...
08/08/2026

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan, Amb. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Agaasimaha Amniga Qaranka Dalka Koonfurta Suudaan, General Akec Tong Aleu.

Kulanka ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray sida ay Dowladaha Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, adkaynta iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada ay labada dal wadaagaan iyo danaha muhiimka ah.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abwaan Baasto +211924248186
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

08/08/2026

Danjiraha Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan, Amb. Jama Hassan Khalif , ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta Sudan ku boorriyey inay qaataan Kaadhka Dhalashada Qaranka ee NIRA iyo Baasaboorka Soomaaliya, si looga war hayo wixii caqabado ah ee soo wajaha. Danjiruhu wuxuu sidoo kale ku ammaanay Jaaliyadda midnimada iyo isku duubnida ay muujinayaan.

Somali Embassy in Juba-South Sudan

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa ka qeyb galay Munaasabadda xuska 1...
10/07/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa ka qeyb galay Munaasabadda xuska 15 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Dowladda Dalka Koonfurta Suudaan .

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abwaan Baasto , +211924248186
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

10/07/2026

South Sudan Independence Day

Mogadishu, Somalia | 9 July 2026

On the occasion of the 15th Independence Anniversary of the Republic of South Sudan, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to H.E. President Salva Kiir Mayardit, the Government, and the brotherly people of the Republic of South Sudan.

The Ministry conveys its best wishes for continued peace, stability, and prosperity, while reaffirming Somalia’s commitment to further strengthening the longstanding bonds of friendship, African solidarity, and bilateral cooperation between our two countries for the mutual benefit of our peoples.

For more details, contact:
Mohamed Mahmud Allaale
Communications Department
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Federal Republic of Somalia
Email: [email protected]
Twitter:
Somali Page: Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Your Excellency,On behalf of the Government and the people of the Federal Republic of Somalia, and on my own behalf. I h...
09/07/2026

Your Excellency,

On behalf of the Government and the people of the Federal Republic of Somalia, and on my own behalf. I have the honour to extend my warmest congratulations to Your Excellency, the Government, and the people of the Republic of South Sudan on the occasion of your National Day.

This special occasion reflects the resilience and aspirations of the people of South Sudan and their commitment to peace, unity, and national development.

Somalia highly values the enduring friendship between our two countries and remains committed to further strengthening our bilateral cooperation in areas of mutual interest for the benefit of our peoples and the advancement of regional peace and prosperity.

Please accept, Your Excellency, my best wishes for your continued good health and success, and for lasting peace, progress, and prosperity for the people of the Republic of South Sudan.

Please accept, Your Excellency, the assurances of my highest consideration

Safiirka Soomaaliya ee Dalka South Sudan Danjire Jamac Hassan Khaliif ayaa kulan Isxogwareysi la qaatey Safiirka Jarmalk...
03/07/2026

Safiirka Soomaaliya ee Dalka South Sudan Danjire Jamac Hassan Khaliif ayaa kulan Isxogwareysi la qaatey Safiirka Jarmalka u jooga Dalka Koonfurta Suudaan Gregory Bledjian

Labadda Masuul ayaa ka wada-hadlay Xiriirka soo jireenka ah ee labadda Dal iyo sidii loo xoojinta lahaa .

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abwaan Baasto , +211924248186
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

02/07/2026
Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabt...
02/07/2026

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan, oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dalka KoonfurtaSuudaan, ayaa qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusay 66-guurada Maalmaha Xorriyadda iyo Midowga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxa ka soo qeyb-galey Madaxda Dowladda Koonfurta Suudaan oo ay ugu horeyso Ergayga Sare ee Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan ,marwo Adut Kiir.,qaar ka mid ah Safiiradda Caalamka ee ku sugan Dalka Koonfurta Suudaan, Culuma'udiin iyo Bulshadda qeybaheeda Kala duwan.

Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfurta Sudan Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa si weyn ugu mahadceliyey cidkasta oo gacan ka geystay munaasabadda lagu maamuusayay todobaadka xorriyadda Soomaaliya,isago noqonaya Danjirihi ugu horeeyey Mas’uuliyiin sare ku casuumo Munaasabadda qiimaha badan ee 1d Luuliyo.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abwaan Baasto , +211924248186
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Address

Juba

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Juba-South Sudan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share