Dhibicsan Media

Dhibicsan Media Xog sugan iyo Xaqiiq Aragti Xor ah

Dhalinyarada Ciidanka Qalabka Sida ayaa wajahaya xaalad aad u adag kadib dagaalkii dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab. Dhaa...
30/03/2026

Dhalinyarada Ciidanka Qalabka Sida ayaa wajahaya xaalad aad u adag kadib dagaalkii dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

Dhaawacyadooda lama qaadi karo, xaalad go’doon ah ayaana la sheegay inay ku sugan yihiin. Xitaa ma jirto marin ay gurmad uga heli karaan haddii ay u baahdaan dhinac waxaa ka xiga ciidamada koonfurta Galbeed, dhinaca kalena Al-Shabaab.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo culus oo ku saabsan masuuliyadda ka dhalatay dayaca muuqda ee loo geystay ciidanka qaranka, xilli la tuhunsan yahay in arrimahan lagu daboolayo dano siyaasadeed iyo sii joogitaanka xukunka dalka.

Haddaba, yaa qaadi doona masuuliyadda wixii halkaas ka dhaca? Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxay u muuqdaan bilowga guuldarro iyo dhammaadka waqtigooda xukun?

Aragtidiinnu waa muhiim.

Dhibicsan Media

Haddii doorashadii 2019-ki Axmed Madobe qabsaday ay aqbaleen M. Hassan Sheikh Mohamud iyo kooxdiisa maxaa maanta ay udii...
28/03/2026

Haddii doorashadii 2019-ki Axmed Madobe qabsaday ay aqbaleen M. Hassan Sheikh Mohamud iyo kooxdiisa maxaa maanta ay udiideen tan H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen?
Mase ku saxantahay kooxda damuljadiid adeegsiga ciidanka qaranka iyo misaaniyada dalka si loo weeraro baydhabo mana la isdhihi karaa intaasba waxa ay u sameynayan waa dantooda gaarka ah o ay ka waayeen laftagareen?

Sidee ayay idinla tahay fadlan aragtidiina hoos noogu reeba mahadsanidiin.

Dhibicsan Media

24/03/2026

Odayaal shalay si qabyaaladeysan ugu doodaayan Xasan Sheekh sheegayna in xaafadda barmuudo ayaga ay leyihiin kana xigaan soomaalida kale ayaa maalmo kadib markii ay booliska ka kiciyaeen dhulkii ay boobka ku daganaayen oo ay dowladu lahayd kaasoo ahaan jiray (Suuqa Siigaale) degmada hodan, ayay markale isla goobtii hadana soo istaageen ayagoo wax ka sheegaaya Madaxwaynaha.

Dhibicsan Media

Halku-dhiggii “soomaali heshiis ah” ee uu ku ololeyn jiray Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud maanta wuxuu u muuqdaa mid f...
17/03/2026

Halku-dhiggii “soomaali heshiis ah” ee uu ku ololeyn jiray Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud maanta wuxuu u muuqdaa mid fashilmay. Dowlad-goboleedyada intooda badan way ka goosteen dowladda dhexe ayagoo ku edeeyay in madaxda DFS ay ku qaadeen dagaalo siyasadeed iyo mid milatari.

Koonfur Galbeed ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay wada-shaqeyntii dowladda federaalka, kuna eedeysay Madaxtooyada falal amni-darro iyo kala qeybinta dalka.

Iyadoo muddo-xileedka madaxweynaha ay ka harsan tahay wax ka yar laba bilood xaaladda dalka waxay u muuqataa mid kasii dareysa ilaa hadana ma jirto hanaan doorasho o lagu heshiiyay.

Sidee u argtaa dagaalka qaawan ee ay xasan shekh iyo kooxdiisu ku qaadeen maamul goboleedyada mase ku faa'idi doonaan k. Damuljadiid. Fadlan aragtidaada hoos noogu reeb.

Dhibicsan Media

Waa kuma musharaxa samata bixin kara umada soomaliyeed.1- H.E Said Abdullahi Deni 2- Abdulkadir Moallim Noor3- Abdi Fara...
11/03/2026

Waa kuma musharaxa samata bixin kara umada soomaliyeed.
1- H.E Said Abdullahi Deni
2- Abdulkadir Moallim Noor
3- Abdi Farah Shirdon
4- Sharif Sheikh Ahmed

Fadlan qeybta faalada nagula wadaag.

Sadex Bilood Dastuur Laguma Dhameystiro, Lagumana Ciribtiro Argagixiso!Hadaladii ka soo yeeray hoggaamiyeyaasha Golaha M...
12/02/2026

Sadex Bilood Dastuur Laguma Dhameystiro, Lagumana Ciribtiro Argagixiso!

Hadaladii ka soo yeeray hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka ayaa muujinaya sida uu u qoto dheer yahay khilaafka siyaasadeed ee maanta taagan.

Reisul Wasaare h**e Xasan Cali Kheyre ayaa si cad u sheegay in muddo 3 bilood ah aan lagu dhameystiri karin Dastuur laguna ciribtiri karin argagixiso isagoo xusay in dalku dib ugu laabtay halkii uu joogay 2021–2022.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa isaguna fariin adag diray: “Kooxda yar dalka waa laga qabanayaa, Xamar lay idinkaga tagi maayo ee waa lay idinku qabsanayaa.”

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in aysan Muqdisho u imaan hal ama laba maalin balse ay joogayaan ilaa xal laga gaaro, isla markaana ay qabanayaan wixii ay 2021-kii kala shaqeyn jireen Xasan Sheekh markii uu mucaaradka ahaa.

Dhanka kale, wada hadalladii u dhaxeeyay Golaha Mustaqbalka iyo Villa Somalia ayaa u muuqda kuwo dib u dhac ku yimid.
Kulamo toos ah maanta ma jiri doonaan, Jimcahana waa nasasho. Wadahadallo telefoon oo shaley dhacayna wax horumar ah lagama gaarin, kadib markii DF soo jeedisay in shirka laga furo Xalane laguna soo xiro Villa Somalia arrintan oo ay mucaaradku u arkeen xeelad siyaasadeed oo aana la aamini karin Xasan iyo koxdisa.

Madaxweynaha xilkiisu gabaabsiga yahay ee 90-ka maalmood u hartay wuxuu weli ku dheggan yahay in shirku ka dhaco Villa Somalia, halka mucaaradku si cad u muujinayaan walaac amni iyo kalsooni darro.

Su’aashu waxay tahay:
Ma xal baa la doonayaa mise waqti lumis iyo dib u celin siyaasadeed?

Dalka uma baahna isku dhegganaan iyo kursi ku dhagid, wuxuu u baahan yahay heshiis dhab ah oo lagu badbaadiyo midnimada iyo mustaqbalka ummadda.

Maxay kula tahay? Aragtidaada hoos ku qor.

Dhibicsan Media

Khilaaf ku Saabsan Halka Lagu Qabanayo shirka Muqdisho oo Sii XoogeysanayaMadaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa Muqdisho k...
11/02/2026

Khilaaf ku Saabsan Halka Lagu Qabanayo shirka Muqdisho oo Sii Xoogeysanaya

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa Muqdisho ka wada kulamo gaar gaar ah, Galinka dambe ilaa fiidnimada maanta waxaa la filayaa in ay isu yimaadaan Xildhibaannada sida adag uga soo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka si ay u mideeyaan mowqifkooda isla markaana u dejistaan qorshe siyaasadeed cad oo ay kaga falcelinayaan xaaladda taagan.
Kulankan ayaa la rumeysan yahay in uu noqon doono mid lagu go’aaminayo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan iyagoo muujinaya in aysan aqbali doonin wax isbeddel ah oo aan loo marin hannaan wadatashi iyo heshiis qaran.

Golaha Mustaqbalka waxay ku adkeysanayaan in kulanku ka dhaco Xerada Xalane mana aaminsana in Villa Somalia ay tahay meel dhexdhexaad ah, waxayna qabaan shaki ku saabsan hufnaanta iyo amniga kulanka haddii halkaas lagu qabto.

Is aamin la’aantaas ayaa sii hurineysa khilaafka iyadoo dhinac walba ku dheggan yahay mowqifkiisa.
Falanqeeyayaal badan waxay qabaan in heshiis degdeg ah lagaaro ay adagtahay maadaama kalsoonidii h**e ay sii wiiqantay.

Xaaladdu waxay u egtaahay dib ugu noqosho isla doodihii h**e iyo kala shaki xoggan.
Halki laga filayay in xal la gaaro waxaa sii xoogeysanaya Kala aamin baxa siyaasadeed.

Haddii aan tanaasul dhab ah la sameyn, khilaafkani wuxuu isu beddeli karaa kala tag siyaasadeed cusub.

Aragtidiinna hoos noogu reeba mahadsanidiin.

Dhibicsan Media

10/02/2026

🚨 DEGDEG
Askarta Ilaalada Qaranka (Guutada 77) oo 6 bilood mushaar la’aan ah ayaa maanta xirtay wadada u dhexeysa Haanta Dheer iyo Argada Dayniile, agagaarka xerada 77.

Ciidan mushaar la’aan ah sidee ula dagaalami karaa cadawga?
Dowlad aan daryeelin ciidankeeda, dal ma difaaci kartaa.?
Aragtidiinna hoos noogu reeba mahadsanidiin.

Dhibicsan Media

10/02/2026

Ciidamada ilaalada hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si buuxda u hubeysan ayaa wax yar ka hor ka soo degaya Muqdisho, tirada iyo hubka ciidankan waxay muujinaysaa heerka kalsooni-darro iyo feejignaan ee lagu wajahayo shirka.

Waxaa la filayaa in kahor Jimcaha uu furmo shirka golaha mucaaradka & Madaxweyne Xasan Sheekh kaas oo metelaya kooxda JSP.
Qodobka ugu weyn waa doorashooyinka waana shirkii ugu horreeyay ee ay si toos ah isugu horfariistaan Xasan Sheekh iyo Siciid Deni tan iyo markii ay ku kala tageen December 2022, kadib markii Villa Somalia bilowday furfurista Dastuurka arrintan o ay Puntland si cad u diidday.

Xubno ka tirsan dhinacyada ayaa shegaya Golaha Mucaaradka iyo Villa Somalia kalsooni kuma qabaan in shirkan heshiis miro dhal ah laga gaari karo xilli xoguhu tilmaamayaan in 15-ka bishan madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo safar Addis Ababa ah taas oo shaki hor leh dhalisay.

Haddii heshiis doorasho oo la fulin karo la gaari waayo, waxaa la filan karaa mowjado siyaasadeed oo culus, kuwaas oo dhinacna dan ugu jirin.

Dalku ma qaadi karo hoggaan jahawareer ku dhisan, doorasho wadar-ogol ahna waa xalka kaliya ee laga baxayo qalalaasahan.

Sideed u aragtaa adiga? Aragtidaada hoos noogu reeb mahadsanid.

Dhibicsan Media

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, oo ku hubeysan ciidan iyo lacag ayaa shalay isku dayay inay ku maquuniyaan mucaar...
08/02/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, oo ku hubeysan ciidan iyo lacag ayaa shalay isku dayay inay ku maquuniyaan mucaaradka gudaha Baarlamaanka balse fashil ayaa wajahay.

Dowladda Federaalka waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumatay Dastuurkii lagu soo doortay iyadoo wax ka beddel ku wadda hab aan waafaqsanayn xeerarka iyo habraacyada dastuuriga ah.
Tani waa halis toos ah oo ku wajahan jiritaanka dowladnimada iyo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee ay Soomaalidu wada oggolayd.

Ficilladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Golayaasha Baarlamaanka waxay muujiyeen ku takri fal awood iyo xilkasnimo darro halka xildhibaannada diidan ajandahan khasabka ah ay la kulmeen handadaad iyo cabsi gelin taas oo si dhab ah u halis gelisay noloshooda.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland waxay si cad u sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin in deegaanadooda iyo shacabkooda lagu khasbo Dastuur aan loo dhammayn oo ay samaynayso koox yar kana maran kalsoonida labada gole iyo tan shacabka Soomaaliyeed.

Arrimahan ka socda Baarlamaanka waxay muujinayaan jahawareer siyaasadeed ku takri fal awood iyo jebin cad oo Dastuurka ah. Mustaqbalka dalka waxaa lagu jiidayaa waddo halis ah halka codka wakiillada shacabka la cabburinayo.

Go’aannada noocan ah ma noqon karaan kuwo sharci iyo kalsooni leh mana metelaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.?
Adiga maxay kula tahay?
Aragtidaada hoos noogu reeb

Dhibicsan Media

Deg-deg: Golaha Shacabka BJFS oo Maanta u muuqdo Xero Ciidan oo lagu caburinayo codka ummadda!Guddoonka Baarlamaanka aya...
07/02/2026

Deg-deg: Golaha Shacabka BJFS oo Maanta u muuqdo Xero Ciidan oo lagu caburinayo codka ummadda!

Guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta u rogay Golaha Shacabka xero ciidan.
Amar ayaa la siiyay saraakiisha ku sugan hoolka in xoog lagu joojiyo xildhibaan kasta oo isku daya inuu gaaro minbarka hadalka halka dhammaan afarta irid ee minbarka laga soo galo ciidan la dhigay.

Aadan Madoobe ayaan fadhiga imaanayn maadaama uu yahay ku sime madaxweyne in ka badan 40 mudane ayaa ganaax ku maqan taas oo abuurtay shaki weyn oo ku saabsan kooramka.
Si kastaba mucaaradku waxay ku doodayaan in guddoonku ku tuntay xeer hoosaadka golaha.

In ka badan 50 xildhibaan oo mucaarad ah kuwaas oo diidan in dalka lagu jiido doodo dastuur oo aan heshiis lagu ahayn ayaa hadda ku sugan xarunta qaarna kusoo wajahanyihiin tani waxay ka dhigan tahay todobaadkii labaad oo fadhiyada golaha ay hareeyaan buuq cabburin iyo sharci jabin inkastoo kalfadhiyada sharciga ahi dhammaadeen.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa maxay ka faa'iidi karaan caburinta iyo caga jugleynta baarlamaanka.? Fadlan aragtidiina hoose noogu reeba mahadsanidiin.

Dhibicsan Media

Fashil kale iyo guuldarro siyaasadeed ayaa ku habsatay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo kooxdiisa.Isku-daygii lagu d...
06/02/2026

Fashil kale iyo guuldarro siyaasadeed ayaa ku habsatay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo kooxdiisa.

Isku-daygii lagu doonayay in Koonfur Galbeed laga dhex abuuro ciidan gaar ah oo lagu caburiyo Laftagareen, lagagana hortago doorasho dadban ama ku biirista mucaaradka, wuu burburay.
Qorshe qarsoodi ah oo muddo la diyaarinayay ayaa ugu dambeyn isu beddelay mid fashil ku dhamaada.

Madaxweynuhu wuxuu muddo ku tiirsanaa hoggaamiyeyaal mudo xileedkoodi sharcaga aha ka dhacay oo aan wax doorasho qaban, balse maanta saaxiibadisi ayaa ka horyimid iyagoo diiday in mar kale lagu sii tiirsanaado madax aan sharci iyo kalsooni toona lahayn.

Xoguhu waxay muujinayaan in madaxweynuhu gorgortanka muddo xileedkisu ka h**eyso doorasho la geliyo Hogaamiyeyaaaha maamulada Galmudug Koonfurgalbeed iyo hirshabelle o mudo xileedkodkii sharcaga aha ka dhacay, maadaama iyagoo sharci haysan aynan doorashadiisa kala hadli karin.

Taasi waxay keentay kala jab gudaha ah iyo in saaxiibadii h**e dhabarka isu jeediyaan.
Maanta H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen wuxuu soo afjaray awooddii Villa Somalia ku tiirsanayd ee Baydhabo, halka Villa Soomaaliya ay isku dayayso inay ka dhuumato mas’uuliyadda, una ekaysiiso inaysan qeyb ka ahayn fashilka.

Kooxda madaxweyne xasan o maalinba malinta ka dambeysa guuldarooyin siyasadeed iyo jahawareer gudoonsanaya, maxa laga filan kara guuldarooyinka is daba jooga e kooxda damuljadiid uuso hoyanaya? Fadlan aragtidiina hoose noogu reeba mahadsanidiin.

Dhibicsan Media

Address

Gumushane

Telephone

+905071523469

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhibicsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dhibicsan Media:

Share