Bishaar Aadan Ahmed

Bishaar Aadan Ahmed Marwalba ka dheeho Page kaan warar Xaqiiqa oo tafatiran
Same kuwaar

FAAIIDOOYINKA AROORTA H**E IN AAD CABTO BIYO AAN QABOOBEEN.waxaan kuu hayaa saaka 6 faaiido oo hadaad joogteyso cabidda ...
02/22/2019

FAAIIDOOYINKA AROORTA H**E IN AAD CABTO BIYO AAN QABOOBEEN.

waxaan kuu hayaa saaka 6 faaiido oo hadaad joogteyso cabidda biyaha caadiga ah aroorta h**e aad heli doonto.

WAXAY NADIIFIYAAN DHEEFSHIIDKA.

biyo diiran qiyaastii 1liitar ah oo aad subaxdii cabto ayaa kaa caawin kara inaad nadiifiso jirkaaga adoo ka nadiifinaya sunta. Biyaha iyo dareerayaasha kale waxay kaa caawiyaan inay jebiyaan cuntada calooshaada ku har-hartey kuna hayaan nidaamka dheef-shiidk mid dheeli tiran.

WAXAY JILCIYAAN CALOOSHA .

Cabbitaanka biyo diiran oo aad subaxdii caloosha oo maran aad cabto waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista dhaqdhaqaaqa caloosha iyo in la jilciyo saxaradii si qofku ay calooshiisa ay u noqoto mid normal ah oo aan adkeyn.

3= WAXAY HOOS U DHIGAAN XANUUNKA GUMAARKA IYO MADAXWAREERKA

Biyaha diirran ee aad cabto aroorta h**e waxay kaa caawin karaan in aad ka bugsooto xanuunka caadada ee gumaarka ah ilaa madax xanuun iyo murqo xanuunkaba.

4= MIISAAN KAADA AYEY HOOS U DHIGI KARAAN.

cabitaanka biyo diirran subaxdii h**e waxay ka caawin kartaa miisaan luminta. Biyaha diirran ayaa kordhiya heerkulka jirka, taas oo kordhisa heerka dheef-shiid kiimikaadka. Kororka dheef-shiid kiimikaadka wuxuu u oggolaanayaa in jirka uu gubo baruurta badan inta lagu jiro heerka. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan habka caloosha iyo mindhicirka si ay u shaqeeyaan in ka sii fiican sidoodii.

5= WAXAY HORMARIYAAN WAREEGA DHIIGA.

Cabidda biyo diiran aroorta h**e ayaa jirkaada u ogalaanaya in wareega dhiigu ahaado mid isku dheele tiran oo si fiicana u shaqeeya iyagoo ka caawinaya jirka in laga nadiifiyo sunta.

6= WAXAY DAAWO U YIHIIN EKFESHINKA.

in aad cabto biyo badan aroorta h**e ayaa kaa caawinaya in aad ka bogsato xanuunka ekfeshinka ee ku dhaca wareega kaadi mareenka ilaa dhabarka,
Biyaha ayaa u ogalanaya in ay soo xaaqaan bakteeriyada taala kaadi marernka.

TALLO
Joogtee oo subax walba markaad toosto naftaada bar in aad cabto biyo aan qaboobeen oo caadi ah 2 galaas ama 3 galaas hadba midka aad awoodo.

U gareeya walaalihiin ugana wac halkaan asxaabtaada inta muhiimka kuu ah si ay uga faaiideystaan.

In aad ila socotaan dhiiri galin ayey ii tahay walaalayaal.

Mahadsanidiin
Xigasho Mohamed Amen

SHARE

02/16/2019

Xaqiiq weeye taasi

02/07/2019

BAABASIIRKA ISKA DAAWEE ADIGOO GURIGAADA JOOGA.

Baabasiirka waa caabuq iyo barar ku dhaca xididada dabada soo gala.

Calaamadiisaha waxaa kamid ah

Dhiig bax aan xanuun lahayn inta lagu jiro dhaqdhaqaaqa mindhicirka -

Cun-cun saaid ah oo agagaarka dabada ah.

Xanuun ama raaxo la'aan marka aad fadhido.

Barar mesha laga saxaroodo iyo agagaarkeeda.

Kuus kasoo baxa gudaha ama dibadda dabadda oo aad u xanuun badan marka la taabto.

Waxaa sababa inta badan baabasiirka cadaadis iyo culeys lasoo saaro xididada dabada.

Waxyaalaha keena ee ugu waaweyn waxaa kamid ah

-Saxaradda oo adkaata dabadeed marka ay soo baxayso cadaadis saarta xididada futada.
-inbadan oo qofku shumo ama uusan saxaroon.
-cayilka ama buurnaata
- haweenka uurka leh
- in aad yareysato cuntada qolafta leh

ADIGA OO GURIGAADA JOOGA ISKA DAAWEE.

BIYO DIIRAN IYO CUSBO

baaldi ama baaf soo qaado kadib biyo soo kululeyso si diirimaad ah oo aan ku gubeyn kuna dar cusbo ilaa dhowr qaado ah kadib ku dhex fariiso,
Waxay daawo yihiin biyahaasi in ay kaa joojiyaan xanuunka cun-cunka iyo dhiiga badan ee socdey. Kuna dhex fadhi ilaa 20 daqiiqo markad saxaratoo kadib.

TUFAAXA

Waa mid kamid ah daawooyinka ugu muhiimsan ee babasiirka waxa uuna qofka isticmaala ka dhigaa mid ka reysta baabasiirka xanuunkiisa iyo cun cunkiisa.

U isticmaal inta aad shiidato tufaaxo in aad mariso dhamaan meelaha hoose ee ay nabadaradu ku yaal ilaa afka dabada.

Ama cabitaan ahaan inta aad u qasato ku dar hal qaado oo cusbo ah cabna maalin walba.

CUNTOOYINKA QOLAFTA LEH

waxaad isku deydaa mar walba in aad jilciso calooshaada si saxaradu marka ay kaa soo baxayso aysan u daqnin nabarada marka waa in aad isticmaasha cuntooyinka dahaarka leh ee caloosha socodsiiya.
Sida Timirta, Digirta, qudradda caleenta ah oo aad badsato salarka iyo ansalaatada, iyo looska oo diirka hoose ee guduudka ah aad ku cunto sidoo kale mida ugu dahaarka fcn waa yaanyada oo aadan ka diirin dubkeeda oo aad cunto.

BARAF AMA QABOWGA

Ku rid barafka maro ama shukuman ku duuduub barafka kadib saar dabada una daa ilaa 15 daqiiqo, kani waxa uu kaa caawinayaa in uu yaraado bararkii iyo xanuunkii, tani waxay noqon kartaa daaweyn waxtar leh. Had iyo jeer ku duub baraf maryo ama shukumaan waligana ha saarin barafka si toos oo aysan waxba ka xigin dabadda.

TALLO

Daawada ugu muhiimsan ee baabasiirka waa in ay saxaradaadu jilicsanaata marka aad sidaas u dareentana in ay wax yar oo saxaro ah kusoo qabteen aad h**ey suuliga ama musqusha ka tagtaa oo aad iskaga soo faarujisaaa saxarada.

Haddii daaweynta guriga aysan aheyn mid waxtar leh kadib muddo ka badan laba toddobaad oo aad isticmaaleysey , ka sameeyso ballan dhakhtarkaada si uu si toos ah ugu arko xaladaadu halka ay mareyso.

Hadii Dhiig baxa saaid ah oo soo dareeraya kaa socdo waa xalad amarjansi ah oo kharar galin karta nolashaada waa in aad iyana hadii uu dhiig badani kaa baxo aad si deg deg ah u booqataa amarjensi hosbitaal.
Sabato ah ah waxa baxaya waa dhiigaadii hadii dhiigu kaa yaraadana halis ayaad gali kartaa.

U gareeya walaalihiin aan nala socon si ay uga faaideystaan xanuunkan daawadiisa.

Mahadsanidiin
Xigasho Dr Mohamed Amen

01/25/2019

Puntland Dhab ahaantii waa Qiblada Siyaasada Somalia

12/23/2015

Dhamaan umada islaamkaa mellkasta oo ay joogaan waxaan ugu hamnbalyey nayaa dabaal daga dhalashada Nabigeena Muxamed S.C.W
Waxaan leeyahay farxad Ku noolaada

Address

Minneapolis, MN

Telephone

6127071244

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bishaar Aadan Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Bishaar Aadan Ahmed:

Share