05/09/2025
Assalamu alleikum dhamaan saaxiibada nagu xiran, waxaan rajeynaynaa inaad caafimaad qabtaan. Inagoo ka duuleyno kaalinteena ku aadan dhisidda iyo hormarinta dhalinyarada Soomaliyeed iyo inaan bulshadeena wax kusoo celino, waxaan rabnaa inaan idin la wadaagno inaan qaban doonno Barnaamij aan ugu talagalnay dhalinyarada Soomaliyeed ee hadda usoo dhamaadey dugsiyada sare ee dalka una soo gudbaayo marxaladda heerka jaamacadeed. Barnaamijkaas oo aan ugu tala galney inuu noqdo hagge guud ee ardeyda kasoo bilow xulashada kulliyadda iyo taqasusaadka ilaa qaabka ardeyga uu ugu guuleysan karro hayaanka nolosha jaamacadda.
Barnaamijka waxaa marti ku ah Ustaad Hassan Abdillahi Duale oo ah bare wax dhiga Jaamacadaha dalka, Cilmo-baare sare iyo la taliye arimaha ganacsiga. Ustaadka waxa uu inbadan kusoo jirey arimaha bulshada iyo waxbarashada dalka. Sidoo kale barnaamijka waxaan qeyb ka ah:
Abdirahim Mohamed Hassan, Gudoomiyaha Ogaalmaal,
Eng Mohamud Mohamed (Arab), Xubin Ogaalmaal,
Abdirahim Omar Mahdi, Xubin Ogaalmaal,
Afifa Abdullahi Warsame, Xubin Ogaalmaal,
Eng Najaad Axmed Naaji, Xubin Ogaalmaal,
Barnaamijka waxa uu noqon doona Barnaamij hagitaan guud oo ardeyda ay fursad u heli doonaan inay dhageystaan haggidda, talooyinka iyo tusaalooyinka martida. Sidoo kale ay suaalo iyo afkaaro weydiiyaan martida Barnaamijka
*Faahfaahinta Barnaamijka*
Barnaamijka Nolosha Ardeynimada Jaamacadda: Sida loo Doorto Kulliyadda iyo Majaalka Kugu Haboon
Taariikhda: 12/09/2025, Jimco
Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo
Goobta: Online, Google Meeting.
Dhamaan ardeyda daneyneesa inay ka qeyb galaan haku soo biiraan group whatsapp-kan. Wixii xog ah halkaan ay iskula wadaagi dooonaa inshallah.
https://chat.whatsapp.com/JXpPLS4WUxgDq2B9c8aAOS?mode=ems_copy_t