Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka Somaliland.

  • Home
  • Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka Somaliland.

Guddida Dacwadaha  Cashuuraha Qaranka Somaliland. Guddidan oo ah guddi idaari ah oo madax banaan, ayaa si rasmi ah uga garnaqi doona dacwadaha cashuuraha Somaliland, laga bilaabo 23/6/2020 oo la dhaariyay.

Sida uu dhigayo xeerka dakhliga cashuuraha beriga Somaliland (Xeer Lr. 72/2016).

Guddida Dacwadaha Cashuuraha ee Jamhuuriyada Somaliland,  iyaga oo ku gudda jira hawlaha shaqo ee ay masuulka uga yihiin...
14/07/2025

Guddida Dacwadaha Cashuuraha ee Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo ku gudda jira hawlaha shaqo ee ay masuulka uga yihiin Qaranka jsl, waxay Safar shaqo ugu baxeen Degmada Boorama ee Magaalo madaxda Gobalka Awdal July 12, 2025, Guddidu waxay kulamo is barasho iyo iswaraysi ah la yeelatay Maamuleyasha Cashuuraha Barriga ee Gobalka Awdal, waxa kale oo ay Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl booqdeen Kastamada Gobalka Awdal.

Kulamada ay Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl la yeelatay madaxda Cashuuraha Barriga awdal waxa qoto dheer lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Waaxha Cashuuraha Barriga iyo Guddida Dacwadaha Cashuuraha, korna loogu qaadi lahaa wacyi galinta cashuur-bixiyeyaasha iyo Cashuur qaadeyaasha, si loo hirgaliyo Nidaamka Maamul Wanaaga Maaliyadeed ee Qaranka jsl. Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl waxay uga mahad celinayaan Madaxda Cashuuraha Barriga Awdal sida ay fahansan yihiin shaqada Guddida iyo Hirgalinta wada shaqaynta Guddida oo ay balan qaadeen.

FARIIN WACYIGALINEED Guddida Dacwadaha Cashuuraha ee Jamhuuriyada Somaliland,  oo mas’uul uga ah qaranka jsl, xalinta iy...
15/06/2025

FARIIN WACYIGALINEED
Guddida Dacwadaha Cashuuraha ee Jamhuuriyada Somaliland, oo mas’uul uga ah qaranka jsl, xalinta iyo ka garnaqa khilaafaadka Dacwadaha Cashuuraha ee u dhexeeya hay’addaha Dakhli Ururinta jsl iyo Muwaadiniinta Cashuur bixiyaasha ah, Guddidan oo ah hay'ad u Madax bannaan hawlaheeda shaqo iyo go’aanadeeda, laguna aas-aasay Qodobada: - 209, 210, 211, 220, 221 ee cutubka 6aad ee Xeerka Dhakhliga Guud ee Cashuuraha Barriga Somaliland Xeer Lr. 72/2016 iyo Qodobka: - 205 ee Xeerka Kastamada Somaliland Xeer Lr. 73/2016.

Ujeedooyinka loo Aas-aasay Guddida waa sidii loo hirgalin lahaa nidaamka Maamul
Wanaaga Maaliyadeed ee Qaranka korna u qaadaya nidaamka Dakhli Ururinta Qaranka, iyo in ay helaan cashuur-bixiyeyaashu meel madax banaan oo ay uga caban karaan Go’aanada ay soo saaraan waaxaha Dakhli ururinta qaranku, oo Daah furan isla markaasina dhexdhexaad ah.

Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jsl Waxay dib u eegis ku sameeyan kana garnaqaan cabashada Cashuureed oo muwaadiniinta cashuur-bixiyeyaasha ah ay uga soo cawdaan kana soo appeal qaataan go'aanada ay soo saaraan waaxaha dakhli ururinta jsl.

Sido kale, Guddidan waxay u taagan tahay in ay kor u qaado kalsoonida iyo qiyamka Xuquuqda Cashuur bixiyaha, taasi oo suurto galinaysa in la helo cashuur-bixiye Wanaagsan oo ku kalsoon haayadaha cashuur ururinta, iyadoo laga taxadirayo in hay’addaha Dakhli ururinta qaranku aanay ku xad gudbin cashuurbixiyaha, Arimahasi oo dhan oo ka mid ah hirgalinta nidaamka maamul-wanaaga Maaliyadeed ee haayadaha Dakhli ururinta qaranka ayay Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl ka qayb qaataan.

Sidaasi Awgeed Muwaadin noqo cashuur bixiye wanaagsan oo ku dadaal bixinta cashuuraha kugu waajibay, Hadii ay jirto Cabasho aad ka qabto xadiga ama nooca cashuurta laga qaaday waxad xaq u leedahay inaad Guddida usoo gudbisato dacwadaada oo aad ka soo cabato go'aanka cashuureed ee lagu soo gudbiyay.

The Somaliland Tax Tribunal Commission (TTC) is an independent body responsible for adjudicating tax-related disputes be...
13/03/2025

The Somaliland Tax Tribunal Commission (TTC) is an independent body responsible for
adjudicating tax-related disputes between taxpayers and the Somaliland Revenue
Authority (SRA). Established on February 13, 2020, under Article 209 of the Inland
Revenue Act No. 72/2016, the TTC ensures fair and transparent resolution of tax
disputes, fostering taxpayer confidence and compliance. The commission operates
independently from the Ministry of Finance (MOFD) and serves as a legal avenue for
tax appeals in accordance with the Inland Revenue Act and Customs Act No. 73/2016.

Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jsl, waxay Hambalyo u dirayaan Maxamed Xasan Saleebaan oo Madaxwaynaha Jsl Mudane Cabdiraxm...
23/12/2024

Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jsl, waxay Hambalyo u dirayaan Maxamed Xasan Saleebaan oo Madaxwaynaha Jsl Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Jsl, waxanu leenahay Hambalyo Hambalyo ilahay ha ku Fududeeyo Masuuliyada Qaran ee lagu igmaday.

17/12/2024

Address

Shacab Area

00252

Opening Hours

07:00 - 14:00

Telephone

+252634414176

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka Somaliland. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka Somaliland.:

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed Government Service?

Share