29/01/2026
Nairobi, 29 January 2026
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda JSL, *Md. Suleiman Maygag Obsiiye*, iyo masuuliyiin sar sare oo ka mid Dawladda Somaliland ayaa Nairobi kaga qayb-galay shir saddex maalmood soconaya oo ku saabsan dib-u-qaabayn iyo dib u eegis lagu samaynaayo, Mashruuca SERP ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunku.
Mashruucan oo xoojinayaa, isla-xisaabtanka, daah-furnaanta, kobcinta iyo dib u habaynta Hay’addaha kala duwan ee bahda Maamul wanaagga, Maaliyadda, Shaqaalaha Dawladda, Hanti-dhawr-ka Guud, Qandaraasyadda iyo Golaha Wakiillada JSL.
Shirkan waxaa lagu lafo gurayaa waxqabadkii sanadkii h**e, sidoo kale, waxa laga dooddi doonaa suurto galnimada in wax-ka-beddel lagu sameeyo qaybaha kala duwan ee Mashruucu ka kooban yahay.
Agaasimaha Guud waxaa shirka ku wehelinaya;
1. Guddoomiyaha Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada
2. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,
3. Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaagga
4. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha
5. Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka
6. Xidhiidhiyaha Mashruuca SERP ee Somaliland
7. iyo saraakiil kala duwan oo ka kala socday Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha,
8. Iyo kooxda fulinta mashruuca SERP oo fadhigoodu yahay Magalada Nairobi ee Dalka Kenya.