29/07/2025
Danjiraha soomaaliya ee dalka yemen cabdixakiin Maxamed Axmed (dhoobe dareed) ayaa xaruunta Safaarda kulan la yeeshay madaxda hay'adda (UNHCR ) ee yemen
danjirha iyo madaxada hay'adda ayaa kawada hadlay wadaa shaqeeynta ay yeelan karaan Safaarda iyo hay'adda UNHCR, xaaladda ay ku sugunyhiin barkacayaasha iyo qaxootiga soomaliyeed, waxaana kulunkaan diirada lagu saaray sidaa loo bilaabay lahaa howlaha barnaamjka dib uclinta qaxootiga soomaliyeed oo ku duruufaysan dalka yemen
Safiirka ayaa tilmaamay in ahmeyd gaar uu leedahay dowladda soomaaliya sida gargaar baniaadinmo loo fidin lahaa qaxootiga soomaliyeed iyo qorshaha ay dowladda kaa leedahay dib u cilntooda
Sarakiisha hay'adda ayaa umahad celiyay danjiraha soo dhoweeynta qiimaha baden, laa wadagay Warbixino ku saabsan howlaha gaargaar ay uqabtaan qaxootiga iyo barkacyaasha soomaliyeed , waxaayna danjiraha ublaan qaadeen in la sii xoojin doono wadaa shaqeeynta ka dhaxeeyso Safaarda iyo hay'adda.
Dhammaad