Somali Magazine

Somali Magazine Somali magazine waa bog rasmi ah oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha, bulshada iyo madadaalada; Fadla

barashada dhulalka somaliyeed,waxyaabaha caanka ah ama taariikhda ugalay somalida sida goobaha taariikhiga ah,dadka caanka,geesiyada iwm
pagekani khaas uma aha wadan,gobol,degmo,koox ama ururo gaar ah waxaa uu ka dhexeeyaa soomaali dhamaanteed
waxaan idinku soo dhaweynaynaa page kan muhiimada gaarka ah leh
waxaa intaa dheer inay ka mid noqon doonaan mawducyo diini ah oo ay wax ka baran karaan dhamaan macaamiisha bogan
wixii talo iyo tusaale ah waan soo dhaweynaynaa.

Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan aqalka baarlamaanka JFS ayaa soo dhigay warbixinta hanti dhawrka guud ee somal...
08/10/2025

Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan aqalka baarlamaanka JFS ayaa soo dhigay warbixinta hanti dhawrka guud ee somalia uu ka sameeyay sanad miisaaniyadeedkii tagay ee 2024.

Waxaase cajiib ah in Baarlamaanka JFS uu dabayaaqada sanadkan 2025 samaynayo xisaab xidhkii miisaaniyadii 2024 ta ahayd. intaas oo dhan maxay qabanayeen tolow?

Sida wararku sheegayaan waxaa laga dayrinayaa xaalada nololeed ee Baabajey oo ku rafaadsan xuduudka u dhaxeeya Poland iy...
02/06/2024

Sida wararku sheegayaan waxaa laga dayrinayaa xaalada nololeed ee Baabajey oo ku rafaadsan xuduudka u dhaxeeya Poland iyo Belarus. Baabajey waa Youtuber caan ka ah somalida dhexdeeda.

Ma taqaan ciidanka ay dowlada iyo AS isla leeyihiin ee AC milan?akhristow hadii aad taqaanay in ciidamada kala duwan ee ...
08/05/2024

Ma taqaan ciidanka ay dowlada iyo AS isla leeyihiin ee AC milan?

akhristow hadii aad taqaanay in ciidamada kala duwan ee AS ay kala yihiin maktabyada xisbada, amniyaatka, dacwada, zakawaatka maktabka istish-haadiga iwm waxaa sanado kahor kuso biiray ciidan la yiraahdo AC milan oo hoos timaada maktabka amniyaatka balse ka tirsan dawlada. Ciidankani waa askar daacad u ah ururka AS balse aan muujisan, waxay ku jiraan payrolka dowlada waxayna sido kale mushaar kabis ah ka qaataan ururka AS. Waa Mafia fulisa adeegyo kala duwan una fulisa dhinacyo kala duwan sida ganacsato, AS iyo siyayasiyiinba.

Ma xasuustataa dhacdadii ka dhacday isgoyska siinaay ee askar aan dagaalamayn loo adeegsaday rasaasta dhishiikaha? Sanadku waa 2017 Ma xasuusataa dagaalkii ka dhacay isgoyska tiyaatarka ee u dhaxeeyay ciidamadii xasilinta iyo ciidan kale oo isla dowlada ah, 5 ruux ayaa ku dhimatay goobta. Isla maalintaas dhawr isku dhac oo noocaas oo kale ah ayaa dhacay. Dagaaladan waxay dhacayaan iyado ciidamadu leyihin qalabka isgaarsiinta ciidamada.

Isku dhacyada noocan oo kale ah waxay sido kale ka dhacaan gobolada ay joogaan ciidamo kala beel ah. Sida sh. Hoose, hiiraan iyo sh. Dhexe. Ujeedka ugu weyn ee ay AS ka leedahayna waa inay ka hesho fursad ay ku gudbistaan saadkooda & ciidankoda. Bal sawiro akhristow AS oo hiiraan iyo Sh. Dhexe dagaal kaga furan yahay siday ku gudbisatay saadka (cunto, gogol, kabo rasaas iyo qalab kale).

Ciidankan AC milan waxay qandaraaska ka qaataan ciidan maktabka amniyaatka oo ah kuwa ugu miisaaniyad badan maktabyada, hawlaha ay AS u qabtaan na waa 4 nooc oo kala ah:
1. inay shirqool ku dilaan saraakiisha ciidamada dowlada ka tirsan ee daacada ah sida taliyayashii hoay u baxay ee ay kamid ahaayeen farxaan qaroole, xasan tuur, cabdi sheikh (suulnuug), taliye sayid cali cabdi iyo Adan biid oo ugu dambeyay. Badi gacan ku dhiiglayaashi geystay dilalkan lama qaban maadaama si heer sare ah loo qorsheyay dilalka.

2. inay shirqool ku dilaan gudoomiyeyaasha degmoyinka daacada ah, wasiirada, xildhibaanada iyo shaqaalaha ka socda beesha caalamka ee ka tirsan hayádaha gargaarka. Liiskan waxaa so galaya cabdi xakiin dhagajuun iyo maxe’d cabdi axmed oo kala haystay degmooyinka hodan iyo xamar jajab oo labaduba la dilay sanadii 2021 ka. Si gaar ah maalintii uu c/ xakiin dhagajun la wareegay xilka wuxuu yiri: "Waxan ka codsanayaa bulshada Ree Hodan in ay si dhow iila shaqeeyan oo hagar la'aan ah. Aniguna idin k**a shaqeysan doono.
3. Inay gudbiyaan saadka AS leedahay ee ku raran gaadiidka dadweynaha

4. Inay fududeeyaan ganacsiga maandooriyeyaasha sida khamriga, xashiishka iyo tubaakada, ogow macaamiisha ugu badan ee isticmaasha badeecadan waa ciidamada kala duwan ee dowlada. Sido kale waxaa maandooriyaha isticmaala xubnaha AS ee ku qoran isqarxinta iyo hawlaha inqimaasiga qaraxa kadib.

Xashiishku waa il dhaqaale oo muhiimadeeda u leh ururka AS. Waxaa sido kale ku tiirsanaa ururkii Taliban ee hada la wareegay talada dalka Afghanistan, hayáda UN ayaa sheegtay in mudadii u dhaxaysay 2018-2019 ay Taliban ka heshay dakhli dhan $400 million ka heshay cashuurta ay ka qaadaan xashiishka. Halka sarkaal baare sare ka ah ciidanka maraykankuna uu sheegay inay Taliban xashiishka ka hesho 60% dakhliga soo gala sanadkii. AS na sidaas oo kale ayay cashuuraan xashiishka waxaana mararka qaar dhacda inay heshiisyo qarsoodi ah kula jiraan talisyada ciidanka qaarkood.

Beerashada xashiishka Somalia waxay keentay 3 dhibaato oo kala ah: inay ciidamada nuglayso, inay cadawga maalgelin u noqoto iyo inay Meesha ka saaraan beerashadii cuntada daruuriga ahayd sida galeyda, masagada iyo digirta. Waxay tani qaali kasii dhigtay sicirkii cuntada

Maxaa ku qasbay in askarta dawladu la shaqayso AS?

Askari aanan magaciisa baahan Karin sababo la xiriira amnigiisa ayaa ii sheegay “in askarta dawladu mushaar ahaan u qaataan $150-200, waxaa laga yaabaa inu xaasle yahay, marka laga so tago inay jiraan qoys uu caawiyo. Waxay degaan degmoyinka amnigoodu liito, taaso keenaysa inu askarigu AS u noqdo bartilmaamed nugul, hadii la qabtana dilkiisa la dhaafsado inuu la shaqeeyo ama ugu yaraan uu xogaha ciidanka uso gudbiyo lacagna loogu daro mushaarkiisa.

Dabcan markaad intaas ogaato lama yaabaysid inaad maqasho askari askari kale ku dilay xerada scholo policia dhexdeeda kadibna baxsaday. Waxaad si fiican usii fahmaysaa hadii aad yaraantaadii fiirsatay filimaanta Mohra, Indian, Badal iyo kuwo kale oo lamid ah.

sida ay xogo badan sheegayaan, waxaa jira baro control oo ay dawladu maamusho AS na ku leeyihiin saami. barahani wali dagaal k**a dhicin k**ana dhici doono, sida askartu sheegtay waxaa kamid ah barta afgooye oo ay CXD maamulaan.

Aniga oo maalin hooyo iyo aabe la daawanaya film maraykan ah ayaa wiil aniga da’dayda ahi hadalo jacayl ah ku bilaabay g...
05/05/2024

Aniga oo maalin hooyo iyo aabe la daawanaya film maraykan ah ayaa wiil aniga da’dayda ahi hadalo jacayl ah ku bilaabay gacalisadiisi, kadibna dhunkasho jilicsan ayay isku bilaabeen, cabaar marki ay is dhunkanayeen ayaa wiilkii gacmihiisu u gudbeen inanta cawradeedii hoose.

Aabahay ayaan si hoose u eegay, saa waxaa arkay in eegmadiisa filmku isbadashay, in kastoo aabo rabay inaan ka gambisto, hadana anigu wax dan ah k**a galin,daawashadaydi ayaan iska sii watay.

Dhunkashadii lamaanuhu way sii kululaatay ilaa ay isla tageen sariirta, marka uu inankii bilaabay inu inanta ka furo keeshaliga ayuu aabahay oo indhuhu casaadeen si xanaaq leh ah ii weydiiyay “waryaa ma feeraysay gaadhigii? anna waxaan ugu jawaabay "haa aabe, xadhiga ayaan ku wadhay” 😄😄😄😄😄😄

Jariiradda Africa Leadership Magazine ayaa Mudane Axmed Shide oo somali ah ku abaalmarisay hannaanka hoggaaminta maaliya...
04/05/2024

Jariiradda Africa Leadership Magazine ayaa Mudane Axmed Shide oo somali ah ku abaalmarisay hannaanka hoggaaminta maaliyadeed iyo xasilinta dhaqaalaha dalka Ethiopia.

Jariiradda kasoo baxda boqortooyada UK ee Africa Leadership Magazine oo ah wargays arrimaha hogaaminta dunida isbarbar dhigta islamarkaana hogaaminta ugu saamaynta badan waxqabadkooda ku abaalmariya ayaa sheegtay in Mudane Axmed Shide Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JDFI uu yahay hogaamiyaha ugu aragtida dheer wasiirrada wasaaradaha maaliyadda Afrika (Vissionary Leader), isagoo abaalmarintan ku helay guulaha uu ka soo hooyay hanaanka hiigsiga dheer ee wadanka uhorseeday kobaca dhaqaale iyo xasilloonida.

Eid Mubarak. Alle ha naga wada aqbalo cibaadadii aan gudanay bishii ina dhaaftay. sido kale nabad, caafimaad iyo islaani...
09/04/2024

Eid Mubarak. Alle ha naga wada aqbalo cibaadadii aan gudanay bishii ina dhaaftay. sido kale nabad, caafimaad iyo islaanimo ha nagu gaarsiiyo ramadaanta xigta.

Eid Mubarak 2024

Waa sawir kulmiyay libaax cuntadiisa ka doorbiday qancinta xaaskiisa iyo dameer farow naftiisa halis u galiyay daawashad...
23/03/2023

Waa sawir kulmiyay libaax cuntadiisa ka doorbiday qancinta xaaskiisa iyo dameer farow naftiisa halis u galiyay daawashada filimada anshax darada ah.

10 arrimood oo lagu diidanyahay madaxweyne Framaajo1. u ololaynta iyo ansixinta 13 kii kursi ee caasimada ee ay ku guul ...
19/04/2021

10 arrimood oo lagu diidanyahay madaxweyne Framaajo

1. u ololaynta iyo ansixinta 13 kii kursi ee caasimada ee ay ku guul dareysteen xasan sheikh Maxamuud iyo dawlad goboleedyadii ka horeeyay oo qaarkood kas u hor istaagay kuraasta caasimadda. 2 da maamul ee diiday/ diidanaan jiray waa 2 da diidan Farmaajo. reer muqdisho arrintaas way fahmi waayeen siyaasi iyo shacab ba.

2. Dib udhiska caasimada muqdisho oo loo arkay inay rajo gelin doonto qurbajoog badan oo hantidooda meel ay ku aaminaan la'aa. inta badan xafiisyadii dawlada ee burbursanaa ayaa lagu dhisay isxilqaan madaxweynuhu hormud u yahay. waxaa sido kale la bilaabay in guriyo badan oo shacab ah loo celiyo dadkii lahaa. halkaa dawladnimaa ka iftiintay.

3. doorashada nooceedu yahay qof iyo cod oo shacabka u dhaweynaysa dawladnimada, balse dhinaca kale la aaminsanyahay inaan qaban karin mudada la haysto oo kooban awgeed

4. Kenya oo joogitaanka N&N ku weyday malaayiin doolar kadib markii DFS ay khasab uga dhigtay haayadihii UN ta iyo NGOs kii kale inay soo degaan somalia, shaqaale badan oo somali ahina qortaan, kana soo tagaan shaqaale badan oo ajnabi ah. xafiisyadooda ka kireystaan somalia, lacagtooduna gasho somalia.

5. shakhsi nacayb iyo cadaadiska dalalka imaaraatka iyo kenya oo mid walba raba inay farmaajo dhaafiyaan meesha si danahooda masiiriga ah(ganacsiga jaadka, iyo dekedaha)aysan meesha uga bixin. kenya waxay u aragtay dhaqaale burbur horseedi kara in xisbiga talada haya ee Jubilee ku guulaysan waayo doorashada AUgust 2022

6. siyaasada arrimaha debeda ee Farmaajo oo wiiqday xoriyaddii dawlad goboleedyada, kana xanibtay dhaqaale fara badan.

7. Ethiopia oo saaxiibtinimo duruuftu keentay la noqotay somalia, siyaasadeedii arrimaha dibeda ee ku salaysnayd inay danteeda uun eegato xataa hadii ay dhib ku tahay dalalka jaarka ah oo loo badalay siyaasad ku dhisan is ixtiraam iyo wada danaysi.

8. ogaanshaha in shacabku jecelyihiin lagana yaabo inuu soo noqdo mar kale isaga oo madaxweyne ah meeshana kasii wado siyaasadiisii ay siyaasiinta & maamul goboleedyada qaar ku naceen.

9. dhismaha hay'ado dawladeed oo shaqaynaya gudanaya xilkooda. waa markii 1aad ee aan la badalin wasiiro mudo 5 sano ah tan iyo xoriyadii 1960. (wasiirada maaliyada & qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha iwm).

10. ciidankii qaranka oo dhismihiisa kor loo qaaday, sirdoonkii oo la xoojiyay iyo somalinimadii oo ka xoog badatay beelaysigii.

Somali magazine@2022

Horay usoco madaxweyne, Doorashana dalka u qabo
19/02/2021

Horay usoco madaxweyne, Doorashana dalka u qabo

Dunida iyo mar kale dagaalsida ay sheegtay warbixin cusub oo ay soo saartay machadka caalamiga ah ee daraasaadka nabada ...
27/04/2020

Dunida iyo mar kale dagaal

sida ay sheegtay warbixin cusub oo ay soo saartay machadka caalamiga ah ee daraasaadka nabada ee Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI), Miisaaniyada ay dalalka aduunka qaarkood ku bixinayaan gaashaan-dhiga ayaa sanadkii 2019 sare u kacday 3.6% marka la barbardhigo sanadkii ka horeeyay ee 2018 da waana kor u kacii ugu weynaa ee la arko taniyo sanadkii 2010.

Maraykanka, China, India, Rushia iyo saudi arabia ayaa kala ah 5ta wadan ee hubka iyo agabka difaaca ku kharash gareeyay lacagtii ugu badnayd iyagoo bixiyay 62% kamid ah miisaaniyadaas waana markii ugu horeysay ee labada wadan ee Asia ay ka muuqdaan liiska dalalka ciidamada ku bixiya lacag culus.

Maraykanka oo hogaaminaya liiska dalalkan ayaa ku kordhiyay miisaaniyada gaashaandhigiisa lacag dhan $732 billion sanadkii in 2019, waana lacag u dhiganta 38% miisaaniyada uu caalamku guud ahaan ku bixiyay gaashaan dhiga, waxaa kale oo ay u dhigantaa kharashka guud ee uu dalka jarmalku ku bixiyo ciidamadiisa sanadka oo idil

Sanadkii 2019, China iyo India ayaa kala ahaa quwada 2aad iyo 3aad ee kharashka badan ku bixiyay ciidamada, waxaana ay ku kala bixiyeen ciidamadooda $261 billion iyo $71.1 billion. xiisada ka dhex aloosan India iyo Pakistan ee ku aadan xadka Kashmir ayaa loo aanaynayaa sare u kaca lacagta ay India ku bixinayso difaaceeda.

miisaaniyada ay dalalku ku bixinayaan gaashaan dhiga ayaa lagu bixiyaa iibka hubka noocyadiisa kala duwan, mushaaraadka ciidamada oo dhan, gunooyinka, kharashka hawlfulinta loo yaqaan dhismaha kaabayaasha ciidamada, iyo hawlaha la xiriir daraasaadka iyo horumarinta gaashaan dhiga.

dad badan ayaa ku doodaya inay suurtagal tahay inuu dagaal ka dhex qarxo quwadaha waaweyn ee dunida maadaama dad badani qabaan in China ay farsamaysay cudurkan COVID-19 kaaso sababsaday malaayiinta qof uuna ugu sii daran yahay maraykanka iyo xulafadiisa yurubta galbeed.

Ganacsigii basaasidaAkhristow dunida aynu ku noolnahay waxaa jira shirkado ka ganacsada siraha qarsoon ee dunida ee ay l...
14/04/2020

Ganacsigii basaasida

Akhristow dunida aynu ku noolnahay waxaa jira shirkado ka ganacsada siraha qarsoon ee dunida ee ay leeyihiin dawladaha, shacabka rayidka ah & shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaasoo ka iibiya cid kastaa oo diyaar u ah inay lacag ku bixiso adeegaas halista ah.

walow ay horay u jireen dawlado basaasa muwaadiniintooda, waxaa koobnaa ujeedooyinka laga lahaa basaasida oo ahaa kaliya kuwo xiriira sugida amniga.

Edward Snowden ayaa goor sii horeysay shaaciyay qaabka ay u shaqayso habka sirdoon ee maraykanka & xulafadiisu oo xandhagaysigu kaalin muhiima ku lahaa, waxaa websiteka wikileaks lagu baahiyay in la qishay emailada ay isku dirayeen siyaasiinta xisbiga dimuqraadiga ee maraykanka intii uu socday ololihii doorashadu iyada oo la isticmaalayo aaladaha wax basaasa taaso sida la sheegayo haayada sirdoonka debeda ee Russia ee loo yaqaan KGB-du ay ku lug lahayd.

Waxaa hadaba jira shirkado sameeya aalada wax basaasta ee loo yaqaan IMSI catcher (International Mobile Subscriber Identity) kana sii iibiya haayadaha sirdoonka & policeka dembi ka barista & hortaga ee dalal badan Sida ka muuqata sawirka kore.

IMSI catcher waa aalad fudud oo gacanta lagu qaadan karo kuna xiranyahay GPS kuu sahlaya inaad ogaato ruuxa aad dabagalayso goobta uu joogo waxaana loo design gareeyaa hadba sida ay taahay baahida macmiilka iibsanaya.
Marka la daaro IMSI catcherka wuxuu si toos ah u keenayaa aaladaha kale ee ay isticmaalayaan dadka target ka ah sida xogta ruuxa isticmaalaya computerka ama mobile ka, xogaha codadka ama qoraalada ah ee ay gudbinayaan ee ee lagu wadaago Khadka internetka (internet traffic) ama telefanada. qalabkani wuxuu sido kale suurtagaliyaa inuu codadka ama qoraalada lagu gudbiyay code ahaan uu u badalo kuwo la akhrin karo ama la fahmi karo.

dhinaca kale marka laga eego waxay aaladani kamid tahay qalabka dual use-ka ah ee loo isticmaalo hab madani & military-ba (civil or military use). sidaa darted waxaa dhacda in marar badan saraakiisha baadhitaanka lagu khaldo in qalabkaasi yahay WiFi Routers ka sida caadiga ah loogu isticmaalo war-isgaarsiinta.

Ganacsigani waa suuq malaayiin oo doolar ku kacaya & kuna hareeraysan yihiin khiyaanooyin badan waxaa la jabiyaa sharciyada la xiriiriya dhoofinta soo gelinta dalalka ay cuna qabatayntu saarantahay. Muhiimada ganacsigani waa in laga iibiyaa macmiilka ku doonaya doonaya qiimaha ugu sareeya, wuxuuna u dhacaa sidan:

Marka ay shirkadaha qalabkan sameeya sida AREA, iPS & Semptian ay helaan dalabka ama Purchase order-ka, waxay dalalkooda waydiistaan in loo soo saaro laysanka dhoofinta adeega, shirkadahana shuruud looga dhigo inay iyaguna keenaan aqoonsiga cida dalbatay adeega (end-user certifcate) si loo xaqiijyo inuusan adeegani gelin gacan khaldan. sidaas ayay ugu suurtagashaa inay dhoofistaan. hadii ay dhacdo in sooyaalka xuquuqul insaanka dalalka iibsanayaayi ay xuntahay sida south sudan & Ethiopia ama cunaqabatayni saarantahay sidan Iran, W. Korea, Venezuela iwm, dabcan wey adagtahay in la siiyo laysaka dhoofinta.

Balse hadii ay dhacdo sidaas waxay shirkadahani iyagoo sharciga ka leexanaya qalabka sii mariyaan dal kale oo aan xasaasiyad lahayn sida dalka imaaraadka carabta (UAE) oo isagu loo isticmaalo (third party ahaan) si qalabkan loo gaarsiiyo macaamiisha xasaasiyada leh sida Somalia, Iran, south Sudan, iwm; dambiilayaasha waaweyn ee dunida sida Mafia-da amaba dabcan ururada argagixisada ah sida Alshabaab, Alqa’ida iwm sida ay sheegayaan shaqaalaha & dulaaliinta kala iibiya adeegan labadaba.

Waxaa sdo kale Iyana dhacda in shirkadaha qalabkan sameya ka iibiyaan shirkado kale oo hawo ah kuwaaso dunidan looga yaqaan shell companies, aaladan la kala iibsanayaayi ma laha wax sumad ah oo laga tixraaci karo shirkada samaysay ama iibisay waxayna tirtiraan dhamaan raadadka lagu aqoonsan karayo maadaama clientigu noqon karo mid aan la mahdin oo hadii la ogaado ay ka dhalan karaan go’doomin, dhaqaale iyo siyaasadeed & weliba diblomaasiyadeed oo lala beegsado shirkadaha ku kaca faldambiyeedkaas iyo dalalka ay ka diiwaan gashan yihiin. iyadoo intaasi jirto, waxaa sidoo kale jira shariikado ay ay tusaale u tahay Samptian oo iyagu iibiya qalabka xan-dhagaysiga iyagoo aan marin shuruucdii loo baahnaa (purchase order iyo client certificate).

Kacdoonadii Guga carabta (Arab spring) ayuu ganacsiga noocan ahi cirka isku shareerary maadaama ay kalitaliyayaashii carbeed doonayeen inay gacan bir ah ku qabtaan dadkii waday kacdoonka. Heshiis ku kacayay €20M ayay shirkada iPS la gashay dalka Iran iyadoo laga tilaabsanayo dhamaan shuruucdii & xanibaadihii dhaqaale & ganacsi ee saarnaa dalkaasi, lakin ganacsigani wuxuu qanciyaa dalabka cid kasta. ma aha iPS kaliya shirkadaha lacagaha malaayiinta ah ka sameeyay ka ganacsiga siraha caalamka sidoo kale AREA ayaa iyaduna heshiis kula gashay Bashar Al-asad inay sare u qaado awooda basaaseed ee Syria sanadkii 2009.

Qalabkani ma isticmaalaan kaliya sirdoonada caalamka balse waxaa kale oo loo isticmaala ganacsiga iyo doorashooyinka si ganacsatada iyo siyaasiyiintu u ogaadaan siraha qarsoon ee ay leeyihiin dhinacyada kale ee ay tartamayaan iyagoo si qarsoodi ah ula soconayo qorshahooda. Ku lug lahaanshaha siyaasiinta ee ganacsigan wuxuu u sahlayaa shirkadaha qalabkan soo saara inay si fudud u gaarsiiyaan macaamiishooda.

Waxaa jiray fadeexooyin la xiriira xandhagaysiga oo lagu helay India & South Africa kuwaasoo dhagaystay, duubay, misana daabacay codadka siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xisbiyada markaa talada hayay ama siyaasiyiin kale, waxay sido kale ka dhacday south sudan kadib markii Pa’gan Amum oo ah siyaasi u dhashay dalka south sudan ay dhibaato kasoo gaartay maamulka SalvaKir oo uu xiriirkoodu khilaaf ba’an hareeyay, Mr. Amum waxaa lagu eedeeyay inuu waday Afgembi kadib markii ay sirdoonka dalkaasi duubeen dhamaan codadkii & fariimihii gaagaabnaa ee uu dirayay Amum.

Haayadaha u dooda xuquuda sireed ee shakhsiga sida privacy international ayaa iyagu dadaal ku bixiyay sidii la isku waafajin lahaa isticmaalka aaladan casriga ah & xuquuqda dadku ay u leeyihiin inay sir yeeshaan. Maadaama arrintani hoos u digayso ama meeshaba ka saarayso xoriyada shakhsiga & xuquuqda gaar ahaaneed ee dadku u leeyihiin inay qarsadaan macluumaadkooda (protection of the privacy)

Dalka Somalia maanta wuxuu ubaahan yahay inuu helo qalabkan si uu ugu badbaadiyo nafta muwaadiniintiisa ama ugu yaraan uga hortago falal amni darro ah oo laga yaabo inay ku kacaan cadawga shacabka oo duruufaha manta lagu jiro awgeed suuragal ay tahay inay iyaguba haystaan.

Fadlan la wadaag asxaabtaada

Adres

Brussels
421

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Somali Magazine nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Contact De Organisatie

Stuur een bericht naar Somali Magazine:

Delen