13/01/2025
𝐒𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚, 𝐭𝐡𝐞 𝐛𝐨𝐨𝐤 𝐲𝐨𝐮 𝐰𝐢𝐬𝐡 𝐲𝐨𝐮𝐫 𝐩𝐚𝐫𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐡𝐚𝐝 𝐫𝐞𝐚𝐝 " 𝐛𝐮𝐮𝐠 𝐚𝐚𝐝 𝐣𝐞𝐜𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐢𝐧 𝐰𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐤𝐚𝐚 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐲𝐨"!
Qoraaga buugga waa 𝐩𝐡𝐢𝐥𝐢𝐩𝐩𝐚 𝐏𝐞𝐫𝐫𝐲, Waa gabadh ku takhasustay cilmi nafsiga iyo sida loo daweeyo xanuunada ruuxiga ah. Waxa ay u dhalatay dalka UK waxa aanay bugaag fara badan ka qortay maskaxda, hab-dhaqanka bini’aadamka iyo xidhiidhada bulshada.
Buugaagteeda waxa ka mid ah:-
1-𝐁𝐮𝐮𝐠 𝐚𝐚𝐝 𝐣𝐞𝐜𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐰𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐤𝐚𝐚 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐲𝐢 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚(𝟐𝟎𝟏𝟗):- waa buug ka hadlaya sida ubadka loo barbaariyo iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee ah in caruurta lagu koriyo. Buuggan waxa ay ku soo koobaysaa sheekooyin fara badan oo ay badankooda goob-joog u ahayd qaar kalena lala wadaagay.
𝟐. 𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐛𝐚𝐝-𝐪𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐬𝐤𝐚𝐱𝐝𝐚(𝟐𝟎𝟏𝟐) :-Buuggan waxa ay qoraagu ku qaada dhigaysaa hababka ugu haboon ee loola tacaalo xanuunada maskaxda ku dhaca sida isku-buuqa, cadaadiska iyo sida qofku uga gudbi karo xiliyada cakiran.Waxa buugga ku qoran tabab iyo tusaalooyin fara badan oo dadku raaci karaan si ay u helaan xasilooni , deganaashiyo iyo nolol wanaagsan.
𝟑.𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 (𝟐𝟎𝟏𝟎):-waa buug ee ay Philippa ku qaada dhigayso sheekooyin ku saabsan cilmi-nafsiga iyo hababka loo daweeyo bad-qabka maskaxda.
𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜
Buug aad jeclaan lahayd inuu waalidkaa akhriyi lahaa, waa buug koobsanaya cilmi aad u badan oo ku saabsan barbaarinta ubadka iyo raadka ay barbaarinta taban ku yeelan karto korniinka iyo mustaqbalka ubadka. Barbaarinta qalafsan waxa uu ilmuhu ka dhaxlaa dhibaatooyin aan dhammaad lahayn oo saameenaya maskaxdiisa, hab-dhaqankiisa iyo kalsoonidiisaba.
Philippa waxa ay buugga ku soo qaadanaysaa qisooyin fara badan oo qaarkood goob-joog u ahayd halka kuwa kalena inta ay mihnadeeda ku jirtay looga sheekeeyay.Dhammaan qisooyinkaasi wax ay salka ku hayaan in barbaarinta ubadku iyo qaabka loo soo koriyay ay kaalin weyn ku leedahay qofka ay noqonayaan berito, Marar badanna ay ka dhaxli karaan xanuuno nafsi ah oo noloshooda, nolosha dadka ku hareeraysan iyo ubadkoodaba saaamayn weyn ku yeelan karta.
Waxa aan mid mid u dul istaagi doona lixda cutub ee buuggan ka kooban yahay, si aynu dulucda buugga usoo koobno.
𝐂𝐮𝐭𝐮𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝 :- Dhaxalkaaga waalidnimo
Dhaxal waxa aynu u naqaana hantida uu waalidku uga tago ubadkiisa lakiin dhaxalkaaas mid ka duwan ayaa buuggani ka hadlayaa oo ah ficiladaada, hab-dhaqankaaga iyo qaabka aad u soo koriso ubadkaagu Waa dhaxal ilmo walba hooyadii iyo aabihii uu ka dhaxlo, tusaale haddii aad tahay waalid kulul oo dulqaad yar caruurtaaduna waxa ay noqonayaan qaar kula dabeecada oo kulayl iyo dulqaad yarina la weynaada.Waa silsilad isku xidhan oo iyaguna waxa ay dhaxal-kaas uga tagayaan ubadkooda , ubadkooduna ubadkiisa ayuu u sii gudbin.
Dhanka kale haddii aad tahay waalid dulqaad badan , ubadkiisa la sheekaysta isla markaana u debecsan iyaguna waxa ay yeelanayaan hab-dhaqankaas oo waxa laga dheehanayaa inta ay yaryar yihiin in ay degan yihiin hadhowna sidaas si la mid ah unbay ubadkooda ula dhaqmayaan iyo bulshada kale ee ku hareeraysanba.
Waxa jirta sheeko buugga ku xusan oo ka hadlaysaa arintaas oo sidan u dhigan,
“waxa aan dhibsadaa buuqa ay sameeyaan caruurtu marka ay ciyaarayaan”, ayay ku bilawday hooyadani sheekada, waxa aan dareemaya in aan soo shabahaayo hooyaday oo iyaduna dhibsata sawaxanka ciyaalka.
Si ay wax badan uga ogaato arrinkaas ayaa waxa ay u tagtay hooyadeed si ay weydiiso su’aasha ah markii aad yarayd hadaad buuq samayso maxaa dhici jiray? Waxa ay ugu jawaabtay in aabaheed lahaa madax xanuun daran taas oo kaliftay in markii ay yaraayeen uu buuqa mamnuuc ka ahaa guriga , qofkii qayla sameeyana dhibaato soo gaadhi jirtay. Guriga inta la joogo waxa aan ku socon jirnay faraha h**e.
Sheekadani waxa ay muujinaysa in hal dabeecad isaga gudubtay seddex jiil, dabeecad kasta oo aad waalid ahaan leedahayna ay ubadkaagu ka dhaxli doonaan, dabeecadaas ha noqota mid wanaagsan ama mid xun.
Haddaba si loo helo jiil bad-qaba iyo ummad aan la tukubayn hagardaamooyinkii ay waalidkood ka dhaxleen waxa muhiim ah in hooyo iyo aabo walba ogaadaan dabeecadahooda iyo habka ay udhaqmaan.
Tusaale haddii aad tahay aabo cadhadiisa xakamayn karayn oo haddii uu cadhooda ubadkiisa cadhada kula dhacaya waa in aad ogsoonaata in aad maskixiyan iyo nafsiyanba u dhaawacday ilmahaas. Dilka iyo canaantu labaduba ma laha waxa faa’ida ayaa khuburada cilmi nafsigu iyo barbaarinta ubadku isku raacday, ta cagsigeeda waxa ay sababaan in ilmuhu ku korodhsado xanaaq, cuqdad iyo cadho.
Habka qudha ee ubad raali ah iyo guri raxmad ku dhisan loo heli karaa ay tahay in degaanaashiyo , kolkoolin iyo debacsanaan lagula dhaqmo ubadka.
𝐂𝐮𝐭𝐮𝐛𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝:- Deegaanka barbaarineed ee ubadka
Barbaarinta ubadku qudha kuma koobna waalidka dhalay oo waxa door weyn ka ciyaara degaanka ay ku nool yihiin, tusaale cid walba oo guriga la degan ilmaha ha noqoto xigto ama waalidkaaga waxa ay kula yihiin barbaariyaasha ubadkaaga, waxa intaas u dheer jaarkaaga, macalinka iskuulka iyo qof walba oo la kulma ubadkaagu.
Dhammaan dadkaas aynu kor ku xusnay waa macalimiin qarsoon oo ilmahaagu ka baranaayo sida ay u dhaqmaayaan, sida ay u hadlaayaan iyo sida ay u fekeraayaanba. Caruurto inta ay yaryar yihiin ma laha waxa shaandho ah oo ay ku kala shaandheeyaan samaha iyo xumaha, wax walba oo degaanka ee ku nool yihiin ka dhacaana iyaga waa wax cusub oo ay baranayaan iyo aqoon ay korodhsanayaan, sidaas daradeed waxa muhiim ah in aad gaadh haye ku noqotid cidda uu ilmahaagu la fal-galaayo.
Naxariis darro kaga timaada dadka ku hareeraysanna waa hagardaamo bilawdgeed iyo boog cusub oo ku samaysanta maskaxdooda waxa intaas u dheer in cadhada, buuqa iyo ixtiraam darada dadka ku hareeraysan iyagu is kula kacaan ay ka qadayaan baqdin iyo dhaqan-xumo.
Qoraagu waxa ay tusaale ugu soo qaadanaysaa in maskaxdu ubadku tahay sida cajalad duubaysa dhammaan waxa ay aragto, maqasho ama dareento sidaas daradeed ay laga maarmaan u tahay in lagu dadaalo in degaan wanaagsan ku koraan isla markaana laga ilaaliyo wax kasta oo koboca maskaxdooda halis galin kara.
Waxa ay cutubka ku sii sharaxaysa baahida ubadka u qabaan daryeelka labada waalidba haddi ay wada jogaan iyo haddi ay kala tagaanba iyo muhiimada in aan laysku hor qabsan ama laysku khilaafin ubadka hortooda.
Waxa ay Philippa kula dardaarmaysaa waalidka in aanay la wadaagin ubadka xumaanta lamaanahooda haddi ay macal kala tagtaan oo mar kasta ay fayo dhawrka maskaxeed ee ubadku ka sarayso khilaafka qoyska.
𝐂𝐮𝐭𝐮𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐞𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 : Dareemada iyo shucuurta ubadka.
Bini’aadamku waa noole ay ka dhaansan yihiin shucuur iyo dareemo tiro badan, dareemadaas oo u baahan in lala dareemo , ubadkuna ma aha kuwa ka madhan dareemadaas oo waxa ay u baahan yihiin cid la dareen noqota mar walba. Iyaga waxa intaas u dheer in aanay weli baran habka loo cabiro dareemada. Adeegsiga erayada iyo la wadaagista shucuurta ayaa ah wax ku cusub oo marar badan u baahan gacan-qabasho dheeriya oo ay ka helaan waalidkood.
Qiyaas in aad tagto meel wax walba kugu cusub yihiin hubaal weydiimaha maskaxdaada ka guuxaya iyo su’aalaha afkaaga ka soo burqanaya labaduba xad ma yeelan doonaan ubadkuna waa noole dunidan ku cusub oo u baahan jawaabo badan oo la xidhiidha waxyaabaha ku xeeran.
Qoraagu waxa ay ku nuuxnuusanaysaa muhiimada ay leedahay in aan caruurta la cabudhin iyo in loo hayinsanaado ujawaabidda ubadka si kasta oo ay su’aalahoodu ugu muuqdaan kuwa macno daro ah.
Waxa ay Philippa sii faahfaahinaysaa in niyad-jabka ku dhaca dadka waa weyn uu salka ku hayo xaalada caruurnimo oo qofkaas la soo darsay, tusaale in markuu yaraa aan tix-galin la siin jarin , in uu khilaaf waalid ku soo barbaaray iyo in ilmaha lagu dhago barjeeyo ereyada is adkee, qof weyn iska dhig, haa ooyin. Dhammaan waxyaabahaasi waxa ka dhigayaan qofka bini’aadamka mid si fudud u niyad-jaba gaar ahaan inta uu ku jiro marxaladda koritaanka.
Xalka lagaga gudbi karo arimahaasina waxa weeye in in ubadku inta ay yaryiihin lala dareeno noqdo, la dareensiyo in waxa ay dareemayaan qof walba dareemo , in la fahmo , in loo jawaabo iyo lagu dadaalo sidii ay degaanshiyo u heli lahaayeen si ay u noqdaan kuwa adkaysi leh isla markaana aanay loodin duruufaha nololayd ee qalafsan marka ay koraan.
𝐂𝐮𝐭𝐮𝐛𝐤𝐚 𝐚𝐟𝐫𝐚𝐚𝐝:- Ilmuhu inta uu yaryahay jirridda/seeska u adkee.
Wax walba sees ayay leeyihiin, sees xumana waa dhismo xumo.Wax walba oo ubadku inta ay yaryar yihiin aad ku barbaariso waa ay la weynaanayaan.
Tusaale, haddii aad ilmahaaga aad la sheekeysato inta uu yaryahay, oo uu agtaada ku dareemo xasilooni iyo in caadi ay tahay in wax walba uu kula wadaago ilmahaas waxa uu la weynaanaya hab-dhaqankaas.
Waxa aad noqonaysaan laba qof oo sheeko wadaaga oo aan waxba kala qarsan halka ilmaha aan waalidkii markii h**e la sheekeysan jirin isna marka uu weynaado aanu waxba uu la wadaagin.
Haddi aan ku weydiiyo goorma ayaa ah in ubadka lala sheekeysto? laga yaaba in aad bixin lahayd jawaab ka duwan jawaabta qoraaga buuggani bixinayso, qoraaga iyo culamada ku takhasustay barbaarinta ubadku waxa ay tilmaamayaan in ay tahay in la bilaabo la hadalka dhalaanka marka ay awood u yeeshaan in ay wax maqlaan, oo ah ka hor inta aanay dhalanba.
Awoodda maqal iyo fahan ee ubadka labaduba waxa ay xoojinayaa in dhalaanku ka fal-celinaya waxa ay maqlaan ama ay arkaan ka hor inta aanay baran hadalka.Taas oo xoojinaysa fikirka ah in ubadka lala sheekeysto.
La hadaaqista dhalaanka, la hadalka ubadka iyo la sheekeysiga caruurtu waxa ay kor u qaadan xasiloonida iyo xubiga uu ubadaka u qabaan waalidkooda , waxa ay isla markaana ka hortagaan ama hoos u dhigaan in ilmuhu cidlo iyo wehel la’aan dareemo ama uu noqdo qof xidhidhan.
𝐂𝐮𝐭𝐮𝐛𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝 :- Ilaalinta bad-qabka nafeed/maskaxeed ee ubadka.
Baahida ubadku qudha kuma koobna gasiin, labis iyo bad-qabka jidheed, waxa ay u baahan yihiin in la ilaaliyo badqabka naftooda iyo dareemadooda.
Korniinka maskaxiyeed ee ubadka ayaa ah in masuulida dheeriya iska saaro waalid kastaaba madaama ay fududahay sida uu ku soo gaadhi karo dhaawac isla markaana ay adag tahay sida looga soo kabto.
Gasiin waa la helaa, hu’ li’na waxba looma noqdo lakiin xanuunada maskaxda iyo ruuxda ku dhaca wey adagtahay in loo helo dawo. Niyad-jabka, murugada iyo wehel la’aantu waxa ay ragaadiyaan nolosha ubadka isla markaana waxa ay ka tagaan raad taban.
Iyada oo arinkaas ka duulaysa ayaa qoraagu ku nuuxnuusanayaa muhiimada ay leedahay in waqti tayo leh lala qaato dhalaanka oo aan loo arag culays iyo noole aan ubaahnayn dareen saa’id ah,Waxa ay ka digaysaa in lagaga mashquulo telefoonka iyo waxa la hal maala.
Dhanka kale waxa ay sheegeysaa in barbaarinta haboon ee ubadku tahay isku dheeli-tirka caawimada la siinayo ubadka iyo kor u qaadista awoodooda curineed iyo hogaamineed.
Gacan siin iyo garab ha kaa helo ubadkaagu lakiin garashada iyo go’aanka ilmaha waa in la tix-galiyaa oo rabintaankaga aanad ka horumarin markastaba ka ubadka.Tusaale waa in aanad ku khasbin cunta gaar ah ama waqti gaar ah in uu seexdo oo aanad guud ahaanba ka qaadin awoodda rabitaan.
𝐂𝐮𝐭𝐮𝐛𝐥𝐚 𝐥𝐢𝐱𝐚𝐚𝐝 :- Hab-dhaqanka iyo dabeecadaha
Ilmuhu waxa lagu dhaho iyo wax uu arko wuxu qaata labada wuxu arko.Si kasta oo aad isugu daydo in aad ku tababarto ubadkaaga hab-dhaqan wanaagsan haddi aanay adiga ka dheehan kuma dhaqaaqayaan.
Ilmahaagu waxa uu yeelanaya dhaqanka uu adiga kaa arko, sida aad ula dhaqanto dadka , sida aad ula hadasho dadka ayuunba uu isna samayn. Haddii aad dadka xamato isna wuu caayin ,haddi aad dadka aflagaadayso isna erayda uu kaabarto unbuu dadka ku dhihin.
Haddii aad tahay waalid khasab ku marsiiya ilmihiisa in uu khaldan yahay, hadhow isna wadiiqadaas ayuu qaadin oo qof isla saxsan ayuu noqon.
Inta uu yaryahay ayaad awood u leedahay in aad mustaqbalkiisa iyo shakhsiyadiisaba dhisto, ku mashquul sidii maanta uu kaaga dheehan lahaa dhaqan wanaagsan iyo dabeecad uu ku tanaado.
Qalinkii :- Cabdiraxmaan Maxamuud Cilmi (Muhaajir)