26/01/2023
BAYAAN
KU: European Union (EU) ,UK, USA iyo Midawga Afrika (AU)
KA SOCDA:
- Somaliland Societies in Europe.(SSE),
- Somaliland Community in USA,
- Mobilizing Diaspora for Solutions (DMS).
WAXAANU HALKAN KU SOO GUDBINEYNAA BAYAAN KU AADAN ARIMAHA LAAS-CAANOOD.
1. Waxaanu muujineynaa in dhaqaqaaqyada dhagaraysan, dilalka qorsheysan iyo kicinta rabshadaha wata ee dadka degaanka reer Laascaanood cida wadaa ay kow ka yihiin argagixiso, sidoo kalana ay jiraan dad qurbajoog badan oo leh ujeedooyin kala duwan arintana aad ugu hawlan isla mar ahaantaana sameynaya been abuur iyo wanjalaad (propaganda) una isticimaalaya lacag badan oo ay ururinayaan. Balse arintani waxay halis weyn ku tahay nolosha iyo amaanka dadka degaanka, xasiloonida iyo amaanka Somaliland, kan geeska afrika iyo guud ahaanba amaanka iyo nabadgelyada aduunka.
2. Waxaa hubaal ah in Sool , Sanaag iyo Cayn aaney keligood degin cida rabashadahan wadaa ee magacaana adeegsanysa. run ahaantii dadkaasi meel ay joogaanba waxay wadaan xaalad abuur iyo wax sababi kara isku dhacyo balaadhan oo ay aragaxisaduna ka faa`iideysaneyso. Gaar ahaan qurbaha waxay ka wadaan in ay marin habaabiyaan beesha caalamka.
3. Waxaanu bayaamineynaa in aaney ka jirin Afrika iyo aduunka toona xuduud qabiil ama dawlad qabiil ku saleysan, kana jiri doonin. Sida xaqiiqdu tahay, Xudduudaha Soomaaliya, Somaliland iyo Jabuuti waxay leeyihiin maqaam iyo sharci caalami ah sababta oo ah dhammaan xudduudaha dalalka Afrikaanka ee xorta ah waxaa sameeyay quwadihii gumaystaha ee Yurub dhamaadkii qarnigii 19-aad.
Cid kasta oo ka hortimaada sharcinimada xuduudaha Somaliland waxa ay farogelin iyo caqabad ku tahay xuduudaha iyo madax-banaanida dhammaan dawladaha Afrika ah ee xorta ah (54-ka dal ee kale ) ee soohdimahooduba ka soo jeedaan xadeyntii gumaystaha.
Hadaba Somaliland 1991-kii waxay la soo noqotay xornimadeedii ay heshey June 26, 1960-kii ee ku salaysaneyd xuduudaheedii h**e ee wakhtigii gumeystaha Ingiriiska isla markaana ay xorimada dawladnimo ku qaadatey Somaliland.
Sidaa darteedna Somaliland kuma xadgudbeyso mabda'a- uti possidetis - iyo in la ilaaliyo xuduudaha h**e ee afrika ee gumeysiga iyo madaxbanaanida - taas oo ku xusan Sharciga Wadatashiga ee Midowga Afrika (Kalfadhiga Qaahira, UAR, laga bilaabo 17 ilaa 21 July 1964).
Ciddii kasta oo hab qabiil ku diidan xuduudaha Somaliland, waxay ka dhigantahay in ay diideen xuduudaha u dhaxeeya Ethopia iyo Somaliya iyo sidoo kale xuduudaha u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya taas oo aan aheyn wax dhici kara
Gebagabadii;-
a) Waxaanu dawlada Jamhuuriyada Somaliland ka codsaneynaa uguna baaqaynaa in ay dhageysato waxna ka qabato tabashooyinka dadka degaanka Laascaanood iyada oo marwalba muhiimada koowaad tahay amniga iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.
b) Waxaanu ka codsaneynaa uguna baaqeyna dawladaha reer Yurub, UK, USA, Canada iyo AFrican Union in ay dadka qurbajooga ah ee wadamadooda lacagta ka ururinaya kuna iibinaya rasaas isla iyo markaana kicinta iyo abuubulka beeleysan iyo xaalada amni daro ka wada Laascaanood in ay dhagaraha iyo denbiyadaa abaabul ee wadamadooda laga wado si fiican u eegaan waxna ka qabtaan dadkaas oo cadaymahooda