Bashiir Bulshaawi

Bashiir Bulshaawi Informations de contact, plan et itinéraire, formulaire de contact, heures d'ouverture, services, évaluations, photos, vidéos et annonces de Bashiir Bulshaawi, Organisation politique, Democratic Republic of the.

Eid wanaagsan
28/06/2023

Eid wanaagsan

Dhuusamareeb waxaa ka socdo dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garobayo dib u xoreynta deeganada ka maqan gaca...
17/09/2022

Dhuusamareeb waxaa ka socdo dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garobayo dib u xoreynta deeganada ka maqan gacanta maamulka Galmudug oo ay ugu horreyso degmada Ceelbuur.

Ciidamado aad u fara badan oo maanta laga qaaday Muqdisho ayaa galinkii h**e ee maanta gaaray halkaas, berri waxaa lagu wadaa in ay dhowr diyaaradood kale oo ciidamo sido gaaraan caasimadda Galmudug, waxaana halkaas loogu diyaarshay gawaari dagaal oo ay qabiilada daga deegaanada aan xorta aheyn iibiyeen iyo kuwo Federaalka ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa u muuqda mid qaatay go'aan adag oo ka dhan ah kooxda AS, kuwaas oo hadda wajahaya kacdoon shacab oo garab buuxa ka helaya dowladda dhexe.

Dhanka Mudug, degmada Wisil waxaa diyaar ku ah ciidamada daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo muddo fog difaac halkaas uga jiray, Cadaado, Baxdo, Cadakibir iyo Godinlabe waxaa ka socdo hub aruursi iyo dadkii deegaanka oo kacay, wuxuuna qorshuhu yahay in ay degmada Xarardheere gaaraan.

Sidoo kale Dhuusamareeb waxa ay isku diyaarineysaa in ay u ruqaansato Ceelbuur, Ceel-lahele, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Galhareeri iyo Ceeldheer, waxaan maalmaha soo aaddan Galmudug gaari doono Xildhibaano, wasiirro iyo Senatoro kasoo jeedo Galmudug.

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo kor u qaaday Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.Agaasimaha...
28/07/2022

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo kor u qaaday Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo la magacaabay 26-kii May 2022, ayaa durba kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeenada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Agaasime Mahad oo goobjoog u ahaa duruufaha hareeyay Saraakiisha iyo Ciidamada NISA ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga golleeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii h**e ay ka hooseeyeen.

Hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA:

1- G/le Markii h**e waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii h**e waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii h**e loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii h**e aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Doorashada guddoonka Ururka saxafiyiinta Gobolka Mudug Ayaa Caawa Ka qabsoontay Gaalkacyo Guddoomiyaha Ururka Waxaa loo ...
20/03/2022

Doorashada guddoonka Ururka saxafiyiinta Gobolka Mudug Ayaa Caawa Ka qabsoontay Gaalkacyo
Guddoomiyaha Ururka Waxaa loo Doortey Baashi Ali Xaashi & Maxamed Bolton

20/03/2022

Adresse

Democratic Republic Of The

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Bashiir Bulshaawi publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Partager