20/11/2025
Shirkadda Amlak Farm Projects waxay maanta si guul leh u dhoofisay 5,000 neef oo xoolo tayo sare leh, kuwaas oo si habsami leh ku ambabaxay, kuna wajahan Boqortooyada Baxrayn.
Dhoofintaan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee shirkaddu ku hormarineyso kaabeyaasha dhaqaalaha xoolaha, xoojinta kalsoonida macaamiisha caalamiga ah, iyo kor u qaadista magaca dalka ee suuqyada gobolka.