Somali Embassy in Belgrade- Serbia

Somali Embassy in Belgrade- Serbia Embassy of the Federal Republic of Somalia, Address: Zvečanska 12a, Belgrade 11000, Republic of Serbia. 🇸🇴🤝🇷🇸

Hambalyo 1-da Luuliyo maalinta xorriyadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed. 🇸🇴Dhamaan diblomaasiyiinta Safaaradda Jamh...
30/06/2026

Hambalyo 1-da Luuliyo maalinta xorriyadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed. 🇸🇴

Dhamaan diblomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Belgrade Serbia ee ugu ugu h**eeyo danjiraha waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacbigga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadda, munaasabadda 1-da Luuliyo aawgeed.

Waa maalinta astaan u ah xorriyadda, midnimada iyo himilada shacab-weynaha Soomaaliyeed.

Waxaan Soomaali oo idil u rajaynaynaa nabad, midnimo iyo horumar waara.

"Gobanimaddu waa ku baxa dhiigga geesigga"

Dhamaad
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Belgrade Serbia. 🇸🇴☝️

30/06/2026

BELGRADE: 30 June, 2026. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka qaybgalay shirka Strategic Stream oo cinwaankiisu ahaa "Between Conflict and Order: Small and Middle Powers in a Fragmenting World", kaas oo lagu qabtay magaalada Belgrade Caasimadda dalka Serbia.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay danjireyaal, bariyaal sare ee jaamacadaha dunida ugu caansan, aqoonyahanno, siyaasad-dejiyeyaal, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, ganacsato caan ah, falanqeeyayaal iyo xeeldheereyaal siyaasadeed oo ka kala yimid dalal kala duwan.

Doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda adduunka, xasilloonida iyo wadajirka, iyada oo lagu salaynayo is-ixtiraamka quruumaha, iskaashiga caalamiga ah iyo adkaynta iskaashiyada istaraatiijiga ah.

Ka qaybgalayaashu waxay isdhaafsadeen aragtiyo ku saabsan isbeddellada nidaamka caalamiga ah, doorka ay dalalka yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ahi ku leeyihiin xal u helidda caqabadaha maanta dunidda ka taagan, iyo muhiimadda wada-hadalku u leeyahay nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Danjire Maxamed Cabdullaahi wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay iskaashi caalami ah ee wax ku ool ah ee ku dhisan nabad iyo wada-shaqaynta, iyo xoojinta xalka-waara ee ka qayb qaadanaya xasilloonida caalamka.

DHAMAAD
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xaruunta Belgrade Serbia 🇸🇴🤝🇷🇸.

29/06/2026

BELGRADE: 29 June 2026 Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Belgrade Serbia, Mudane Maxamed Cabdullaahi, ayaa maanta oo ku beegan si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda furitaanka Awooda iyo xirfadda adeegsiga Maskaxda macmalka ah ee Robotic Artificial Intelligence 🤖 AI oo lagu qabtay magaalada Belgrade, Serbia.

Danjiruhu wuxuu si weyn u bogaadiyay horumarka ballaaran ee laga gaaray adeegsiga Maskaxdda Macmalka ah (Artificial Intelligence AI) iyo doorka muhiimka ah ee hal-abuurka iyo tiknoolajiyadu ku leeyihiin qarnigan 21-aad.

Wuxuu xusay in AI ay wax weyn ka beddelayso dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, maamulka, iyo horumarka caalamiga ah, isla markaana ay abuureyso fursado cusub oo ay ka faa'iideysan karaan dalalka maalgashada aqoonta iyo isbeddeladda hal-abuur.

Sidoo kale, Danjiruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay waxbarashada casriga ah, gaar ahaan Tiknoolajiyada Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (Information Communication Technology), isagoo ku tilmaamay tiirka horumarka waara iyo awood-siinta dhalinyarada.

Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo maalgashiga lagu sameynayo xirfadaha iyo hal-abuuradda cusub ee cilmi-baarista, iyo tiknoolajiyada si jiilka mustaqbalka loogu diyaariyo dunida si xawli leh ugu socota ee dhanka tiknoolajiyada.

Dhamaad.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xaruunta Belgrade Serbia. 🇸🇴🇷🇸

BELGRADE June 24, 2026. Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Diblomaasiyadda aduunka awgeed, waxaan xushmad iy...
24/06/2026

BELGRADE June 24, 2026. Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Diblomaasiyadda aduunka awgeed, waxaan xushmad iyo qadarin u haynaa dhaxalka qiimaha leh ee Marwo Fadumo Eeno, Safiirkii h**e ee Soomaaliya u fadhiday Serbia (1985–1992).

Marwo Fadumo waxay ahayd hormuud haweenka ee dhanka diplomaasiyadda Soomaaliyeed, waxay ku asteysneyd aqoon, karti, hufnaan wadaniyad iyo daacadnimo, iyadoo door weyn ka qaadatay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Serbia.

Hoggaankeeda shaqadda diplomaasiyadda ayaa ah mid weli dhiirrigelin u ah jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ee haya shaqadda diblomaasiyadda. 🇸🇴🇷🇸

20/06/2026

BELGRADE, 20 Juun 2026. Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa ka qayb galay madasha heerka sare ee Horizons Sustainability & Connections Forum, oo lagu qabtay magaalada Belgrade intii u dhaxaysay 18–19 Juun 2026.

Madashan ayaa ahayd mid lagu soo bandhigay fursado muhiim ah oo lagu falanqeeyay arrimaha horumar iyo xalka waara, ee maalgashiga tamarta aduunka, fursadaha ganacsiga, iyo iskaashiga dhaqaalaha caalamiga ah.

Intii uu socday kulanka, Danjiruhu waa uu la kulmay shirkadaha waaweyn ee quwadda tamarta dunida, iyadoo la isdhaafsaday aragtiyo iyo fikrado ku saabsan maalgash caalami ah oo ay ka faa’iidaysan karto Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay ka qaybgalka madasha, Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa yiri:

“Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan la kulmo hoggaamiyeyaal, maalgashadayaal iyo khubaro caalami ah si aan uga wada hadalno mustaqbalka horumar waara ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanaa inaan iftiimiyo Afrika inay tahay qaaradda mustaqbalka, isla markaana aan ay ka jiraan fursado ballaaran ee maalgashi, koboca dhaqaalaha, dhanka quwadda tamarta korontadda iyo iskaashi ganacsi gaar ahaan Soomaaliya.”

Danjiruhu wuxuu muujiyay in Soomaaliya ka furan tahay fusad maalgashi oo aad u ballaaran isla markaana ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiyada kor u qaadaya horumarka ganacsiga, hal-abuur iyo saami-wadaag.

Dhamaad.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia.

BAYAAN: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa in xiriirka wada-shaqaynta maamuladda xubnaha ah ...
16/06/2026

BAYAAN:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa in xiriirka wada-shaqaynta maamuladda xubnaha ah ka Dowladda Federaalka si loo xoojiyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ah Waxay ugu baaq u diraysaa maamulka isku sheegay gooni-goosadka ah ee gobollada waqooyi in uu si weyn u tixgeliyo wada-hadaladda lagoogu jiro jiro midnadda dalka iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinaayo wadajirka iyo wada-noolaashaha shacbiga Soomaaliyeed.

Si loo ilaaliyo qaab-dhismeedka iyo hanaanka Federaaliga ha. "Dowladda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma ogolaan doonto xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Soomaaliya waa hal dal oo madax-bannaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana ah hay’adda kaliya ee sharciyan u matali karta qaranka si heer caalami. 🇸🇴

Soomaaliya ha noolaanto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay go’aanka lagu diiday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee So...
10/06/2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay go’aanka lagu diiday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ah Garsooraha Sanadka ee CAF 2025.

"Waxaan bogaadinaynaa guulihiisa iyo inuu noqday dhiirrigeliye ku dayasho mudan uu u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed"

Cumar wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa, Cumar. Shacabka Soomaaliyeed way kula garab taagan yihiin. 🇸🇴 Soomaaliya hanoolaato.

Address

Belgrade

Opening Hours

Monday 09:30 - 16:00
Tuesday 09:30 - 16:00
Wednesday 09:30 - 16:00
Thursday 09:30 - 16:00
Friday 09:30 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Belgrade- Serbia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share