Baafinta somali in Germany

Baafinta somali in Germany Kontaktinformationen, Karte und Wegbeschreibungen, Kontaktformulare, Öffnungszeiten, Dienstleistungen, Bewertungen, Fotos, Videos und Ankündigungen von Baafinta somali in Germany, Sozialdienstleistungen, Frankfurt.

Horumar muuqda: Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL oo la jaanqaadaysa tiknoolajiyadda casriga ah ee dunidaKhudbaddii ...
14/04/2026

Horumar muuqda: Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL oo la jaanqaadaysa tiknoolajiyadda casriga ah ee dunida

Khudbaddii sanadlaha ahayd ee uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hor jeediyay labada gole qaran, ayaa si weyn u muujisay horumar la taaban karo oo dhinaca warbaahinta iyo qalabka casriga ah ah.

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL ayaa sameeyay horumar ballaadhan, iyadoo la soo xulay dhalinyaro aqoon iyo xirfad u leh warbaahinta iyo tiknoolajiyadda, kuwaas oo si firfircoon uga shaqeeya xafiiska, korna u qaaday tayada soo bandhigga iyo gudbinta wararka Madaxtooyada.

Qaybta warbaahinta ee Madaxtooyada JSL ayaa soo bandhigtay nidaam casri ah oo la jaanqaadaya heerarka caalamka, iyada oo la adeegsaday qalabkii ugu dambeeyay ee ay isticmaalaan madaxda dunidu. Waxaa si gaar ah u soo jiitay indhaha shacabka muraayadda uu Madaxweynaha ka akhrinayay khudbadda, taas oo loo yaqaan Teleprompter (Autocue).

Teleprompter-ku waa muraayad gaar ah oo qoraalka lagu soo bandhigo, taas oo u suuragelisa qofka hadlaya inuu si toos ah ula hadlo dhagaystayaasha, isla markaana uu si nidaamsan uga akhriyo khudbaddiisa. Qalabkan casriga ah waxaa si joogto ah u isticmaala madaxda caalamka sida Barack Obama iyo Joe Biden.

Sidoo kale, makarafoonada casriga ah ee la adeegsaday ayaa ahaa kuwo tayadoodu sareyso, halka istaanka (podium-ka) uu ka hadlayayna uu ahaa mid casri ah oo si heer sare ah loo habeeyey, kana qayb qaatay quruxda iyo habsami u socodka khudbadda.

Isticmaalka qalabkan casriga ah iyo ka faa’iidaysiga dhalinyarada xirfadda leh wuxuu muujinayaa in Madaxtooyada Somaliland ay qaaday tallaabo horumarineed oo muhiim ah, isla markaana ay la jaanqaadayso tiknoolajiyadda ay adeegsadaan madaxda iyo dowladaha horumaray.

Arrintani waxay tusaale u tahay koboca iyo horumarka dhinaca warbaahinta ee Somaliland, iyadoo muujinaysa in hay’adaha qaranku ay si joogto ah u casriyeynayaan hababka ay ula xiriiraan shacabka iyo caalamkaba.

Farhan Media

20/01/2026

Adresse

Frankfurt

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Baafinta somali in Germany erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Teilen