21/06/2026
Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Germany waxay si weyn ugu faraxsan tahay tirada badan ee ardayda ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee sanadkan u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad.
Sida ku cad xogta la soo bandhigay, Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu ardayda badan ee ka qeyb galay imtixaanka sanadkan, taasoo muujinaysa dadaalka waalidiinta, macallimiinta, maamulka iskuullada iyo ardayda laftooda.
Guushan waxay caddeyn u tahay in bulshada Koonfur Galbeed ay si weyn ugu heelan tahay waxbarashada, horumarinta jiilka cusub iyo dhismaha mustaqbal ifaya oo ku saleysan aqoon iyo karti.
Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dhammaan iskuullada, macallimiinta iyo waalidiinta doorka weyn ka qaatay kor u qaadista waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda.
Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Germany waxay dhammaan ardayda u rajaynaysaa natiijo wanaagsan, guul iyo mustaqbal ifaya. Waxaan ku kalsoonahay in jiilkani uu noqon doono hoggaamiyeyaasha, aqoonyahannada iyo xirfadlayaasha berrito ee dalkooda iyo dadkoodaba u adeegi doona.