Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS

Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS Ethiopia Where ever is Recognized

Saaka Guud ahaan Deegaanka waxaa laga beerayaa 2.85 milyan oo geed. Masuuliyiinta sare ee xukuumadda DDS, oo uu ugu horr...
03/08/2026

Saaka Guud ahaan Deegaanka waxaa laga beerayaa 2.85 milyan oo geed.

Masuuliyiinta sare ee xukuumadda DDS, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa saaka ka qayb galay ololaha dhir-beerista ee qaybta Jigjiga

‎Dhir-beeristan oo ay qayb ka ahayd Maareyaha Wakalada diwaangelinta marxaladaha muhiimka ah Marwo Sahra Samire Geele iyo Shaqaalaha Wakalada ayaa si wadajir ah u beeray geedaha ololaha dhir beerista iyo reebista dhaxalka cagaaran ee halka maalin ee iilaalinta deegaanka iyo kordhinta dhirta cagaaran.

‎Ololahan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee Xisbiga barwaaqo iyo qorshaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, kaas oo maanta laga hirgeliyay guud ahaan deegaanka.

23/06/2026
19/06/2026

Kulan ay isugu yimadeen masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada wakaalada diwaangalinta Marxaladaha Muhiimka ee DDS iyo bah-wadaagta xafiisyada kala duwan iyo hayada UNICEF ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga

Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wakaaladda Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah ee DDS, xafii...
19/06/2026

Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wakaaladda Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah ee DDS, xafiisyada bahwadaagta la ah iyo Hay’adda UNICEF ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay waxqabadkii wakaaladda ee sannadkii tegay iyo qorshayaasha sannadka cusub.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wakaaladda Diiwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah ee DDS, kana soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday xafiisyada bahwadaagta iyo Hay’adda UNICEF ayaa ujeeddadiisu ahayd in la soo bandhigo waxqabadkii la qabtay muddadii sannadka ahayd, isla markaana la falanqeeyo qorshayaasha cusub ee wakaaladdu hiigsanayso.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada ay bahwadaagtu ku leeyihiin hirgelinta qorshayaasha wakaaladda, si loo dardargeliyo adeegyada diiwaangelinta marxaladaha muhiimka ah.

Kulankan oo ah mid sannadle ah ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta waxqabadka sannadka dhammaaday, casharrada laga bartay iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah ee sannadka cusub.

maareeyaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah DDS marwo sahra samire gelle, ayaa hambalyada munaasibadda Ci...
27/05/2026

maareeyaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah DDS marwo sahra samire gelle, ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447-ka Hijriyada la wadaagtay shacabka deegaanka Soomaalida, shaqaalaha wakaalada iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Mareeyaha ayaa shacabka u rajajaysay inay ku ciidaan nabad, caafimaad qab, barwaaqo iyo farxad. Ciid Mubaarak.

Diwaangalinta  dhalashada caruurta dadooda ka yar tahay shanta sano  ee xarunta dagmada awbare
26/05/2026

Diwaangalinta dhalashada caruurta dadooda ka yar tahay shanta sano ee xarunta dagmada awbare

.DIIWAANGELINTA DHALASHADA (BIRTH REGISTRATION)Wakaaladda Diiwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah ee DDS iyo Hay’adda UNI...
23/05/2026

.

DIIWAANGELINTA DHALASHADA (BIRTH REGISTRATION)
Wakaaladda Diiwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah ee DDS iyo Hay’adda UNICEF oo iskaashanaya ayaa si rasmi ah uga bilaabay xarumaha degmooyinka Awbare iyo Shaydheer, iyo sidoo kale magaalada Qabribayah, diiwaangelinta dhalashada carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la diiwaangeliyo dhammaan carruurta ka yar 5 sano si ay u helaan aqoonsi sharci ah iyo xuquuqdooda aasaasiga ah.
Diiwaangelinta dhalashadu waa xuquuq aasaasi ah oo uu leeyahay ilmo kasta

Maanta magaalada Godey waxaa si rasmi ah uga bilaabmay tastiiqinta decunentiyada dhalashada, dhimashada, guurka iyo furn...
06/05/2026

Maanta magaalada Godey waxaa si rasmi ah uga bilaabmay tastiiqinta decunentiyada dhalashada, dhimashada, guurka iyo furniinka.
Adeeggan oo ay bulshadu baahi weyn u qabeen ayaa hadda laga heli karaa magaalada Godey kadib furitaanka laan Immigration ah, taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay safarka Jigjiga.
Tani waxay si weyn u fududeysay adeegyada loo hayo bulshada

Waxaa xafiiska wakaalada Diwaangelinta marxaladaha muhiimka ah nooga qabsoomay shirkii iskaashiga wakaalada oo lagaga do...
31/03/2026

Waxaa xafiiska wakaalada Diwaangelinta marxaladaha muhiimka ah nooga qabsoomay shirkii iskaashiga wakaalada oo lagaga dooday
Qodobadan:-

1.Difaaca dalka istiraatijiyada Qaranka ee wadaniyada iyo Qorshaha looga hortagaya xeeladaha cadowga
2. Kaqaybqaadashada olalaha xisbiga barwaaqo
3. Qaadashada kaararka codbixinta doorashada 7aad ee Dalka iyada oo xubnaha iskaashigu xooga saarayaan kuguulaysiga xisbiga cod aqlabiyad ah.
4. Sidii iskaashigu ugu diyaargaroobi lahaa conference 3aad ee sanadka 2018
5. Dardargelinta shaqooyinka wakaalada iyo tan iskaashigaba

Ciid Mubarak, dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabwaynaha DDS iyo shaqaalaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha...
19/03/2026

Ciid Mubarak, dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabwaynaha DDS iyo shaqaalaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka DDS
Ciidan ciideeda alle ha inagu gaadhsiiyo Caafimaad Cimridherer iyo Cibaado Wanaagsan, Acmaashii bisha Ramaadana allaha inaga aqbalo. Aamiin.

Maareeyaha wakaalada diwaangalinta marxladaha muhiimka DDS
Zahra samire gellee

Address

Jijiga
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS:

Shortcuts

Share