Addo Media Initiative - ADI

Addo Media Initiative - ADI One in a kind.

17/03/2026

Waa jilaayaal xirfaddoodu sarrayso, shirkadaha filimada soo saara ee adduunka ha ka faa'iidaystaan ayaan dhihi lahaa.

Gobalka waa meesha keliya ee inta riwaayad qurux badan laguu jilo, lagu dhahayo car qosol. 😂

Waxkasta oo naasnuujin la isugu dhiibo natiijadiisa waa farqiga labadan u dhexeeya iyo wax kasii xun. Ethiopia inta lagu...
08/01/2026

Waxkasta oo naasnuujin la isugu dhiibo natiijadiisa waa farqiga labadan u dhexeeya iyo wax kasii xun. Ethiopia inta laguu magacaabo xil yar oo meel uu haystaba aanay jirin, ayaa haddana gaariga, shidaalka, mushaharka iyo waxyaabo kale la isu kaa dul saarayaa, waa in qofku ka dhiigaysto uun, laakiin inputka xilkaa gala ayaa kumanaan jeer ka badan outputka.

117,000 mushaharka ahi waa $700 haddii la badiyo, mushaharka kan labada diyaaradood maamulana waa intaas toban laabkeed! 😂

30/12/2025

Ereyga aan ugu necebahay ee luuqadaha ku jira waa ereyga, "Aniga." Dulqaad iyo samir uma lihi aan kusii dhegaysto qof maantaba aniga, aniga, aniga... keliya ku haya. Waa halka ay ka bilaabmaan khilaafaadka iyo muranada badanaaba dadka ka dhex dhaca. Sidee baa hadalka loola wadaagi karaa qof aan maantaba isaga isa soo dhaafayn oo aan ogolayn in hadalka la socodsiiyo?

"Aniga," keliya ma aha erey ay dadka miyirka qaba adeegsadaan ee waa dhaqan iyo habfeker iska dhan oo ay leeyihiin dadka caadeystay ereygaas. Dadkaas waxa keliya ee ay doonayaan in la sameeyo waa waxa ay iyaga rabaan, sida ay doonayaan in loo fekero waa sida ay iyaga rabaan. Qof noocaas ah xitaa haddii aad wax wada cunaysaan waxuu rabaa in la cuno waxuu isaga doonayo. Mar walba wuxuu ku dhihi doonaa, "Aniga waxaas ma cuno, Aniga sidaas ma sameeyo, Aniga waxaas ma jecli Iwm."

Dadkaas, ma daneeyaan, agtoodana wax macno ah k**a samayso waxyaabaha ay dadka kale rabaan, waxyaabaha ay jecel yihiin ama ay xiiseeyaan, iyo in ay dadka kale markooda dareemadooda iyo naftooda ka hadlaan. Keliya waxa macnaha u leh ee ay daneeyaan waa rabitaanadooda, dareemadooda, ficiladooda, iyo garaadkooda uun.

Haddii aad la sheekaysanayso ma doonaayaan in ay kaa maqlaan ereyga "Aniga," laakiin, iyaga inta jeer ee ay doonaan ayay kugu dhihi karaan. "Aniga" waa Anaaniyad (qabsin), waa naf jeclaysi, waa qab sarayn ah, waa kalsooni daro, waa faan, waa been, waa cabsi, waa difaac, Iwm.

27/12/2025

Qof "Israel" u qoraya "Isra11l" ayaa hanjabaad dadka nafta uga qaadaya! K*k bal qaddiyadaada caatada ah horta Facebook-gaaga u hur. 😂

26/12/2025

Dunida akhlaaqda iyo qiyamka lagu ixtiraamo, waa ka mamnuuc in xayaysiis ama "ii dheh" lagu buunbuuninayo loo sameeyo, xarrumaha bixiya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Taas beddelkeeda, tayadooda waxa laga arkaa cidda adeegyada ay bixiyaan u doonata ee bukaanka ah. Taas ayaana ku soo xirta shacab kale oo u baahan adeegyada ay bixiyaan goobahaas.

Aduunka kale labadaas goobood khibradooda iyo aqoontooda ayaa loogu yimaada oo xayaysiis u ah.

Hadda labaduba waxa ay noqdeen money oriented. Waxa ay meel iska dhigeen hadafyadii kale ee laga rabay sida daryeelka, aqoonta iyo ibnu aadamnimada.

Labada meelood ee caynkaas ah ayaan Anaga tixo iyo geeraaro "ii dheh" iyo buunbuunin lagu xayaysiinayo u samaynaa! Waa Arrin akhlaaqxumo iyo qiyam la'aan ah.

Jiirka iyo soomaalida labadaba waxay wadaagaan in aanay is waydiin sababta cunto iyo caawimaad bilaash ah loo siiyo, iya...
26/12/2025

Jiirka iyo soomaalida labadaba waxay wadaagaan in aanay is waydiin sababta cunto iyo caawimaad bilaash ah loo siiyo, iyagoo dabinka arka waliba ka badbaadi kara ayay ugu dhacaan niic raashin ah ama xoogaha lacag ah darteed. Waa laba dhoohaneyaal!

Manfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida e'.
Maraykan iyo waa kay baxshaan, madaxda naatoo (NATO) e'.
~Aadan Af-qallooc

16/12/2025

Balaaqo, faseexad iyo codkarnimo ayuu isku darsaday Abdirahman Hassan

“Afkaaga oo aan eed kaa reebin waa Alle kaa goo' ayay dhahdaa soomaalida”. Xubnaha dowladda dhamaantood sidaas bulshada inay ula hadli karaan way fiicantahay.

16/07/2025

Isbeddel kasta oo adduunka ka dhacay waxa u sal ahaa fikrad iyo mabaadi. Haddaba bulsho bilaa fikrado iyo aragtiyo ah, sidee ayay u rajayn kartaa isbeddel, soo dhalanteed ma aha? Mar kale, bulsho aamusiisa, caburisa oo marin habaabisa dadka fikradaha u saaxiibka ah, isbeddelka ma si mucjiso ah ayuu korka ugaga soo dhacayaa? Waa maya. La yaabka kale, bulsho marka aragtiyaha iyo adduun'aragga, horu'socodka iyo isbeddelka looga warramo cabsanaysa amq jeclaysanaysa xaaladda ay qabatintay ee fashilka ah, soo haddana isdiiddo ma aha inay isbeddel fudud oo aan dadaal iyo naf'hur lahayn rajayso? Waxay lamid tahay bulsho bukta, oo dhakhtarkeedii diidan!

Mucaaradnnimada, dhaliisha iyo sixitaanka waa wax dowladnimada muhiim u ah. Xukuumaddaan hada joogta waxa ay halkan ku soo gaartay waa toosintii iyo mucaaradnimadii ay sanadihii h**e soo wadday, waana lagu raystay oo waataa isbedalku ka dhashay ee meeshii markaa la joogay ee gurracnayd laga soo noqday. Marka ay sidaa tahay, waa in aanad mucaaradnimada danbi ku dareemin, dhaliisha qofka siyaasiga ahna ee deegaankaaga maamula ama si guud shaqo ummadeed hayana aanad uga habran ee aad ogaatid in isaguba raggii ka horreeyay mucaaraday, dhaliilay oo saxayay. Hal wax baa muhiim ah waa in aanay dhaliishaadaasi ku uruurayn dano shakhsi ah ee ay ka ballaaran tahay.

31/03/2025

In gudoomiyaha xarunta dhexe, shaale la baddalo waan jeclaan lahaa labo sababood awgood;

1) Qof waxaa baddali doono ka mixnad yar oo col ama nabad mid uun qaatta oo aan munaafiq aheyn wax kala qeybiya. Kaasoo leh dabci dadwayne oo dadkiisa la garrami karo sida Madaxwayne Mustafe iyo Abdirahman Hurre ay muddooyinkii danbe sameeyeen.
2) Waxaa dhammaan lahaa is baheysiyadii abuurmay ee localka ahaa & hanti-wadaag company waxaana billaaban laheyd xeelad hogaamineed oo cusub, wajigeedana leh.

Waliba waxaan ka sii jeclaan lahaa inuuna qofkaas noqon reer baabili iyo tuli-guuleed midna ee uu noqdo reer Liibaan maadaama aanay suurtagal aheyn in laga gado u adeegida bariga Itoobiya iyo galbeedka deegaanka iyo naca bulshada mataladiisa leh.

Ugu dambayn wax na anfaco oo mustaqbalkeenna wax tari kara lagama filan karo gudoomiye shaale iyo kooxdiisa. Qawlkayga caawa waa nin aan naf iigu maqneyn qadadiisu ha ciidowdo oo ha la eryo bas ah.

09/03/2025

Madaxweyne Mustafa oo ilmada ceshan waayay lana qiiraysan qadiyada Ogadenia (ONLF).

09/03/2025

Aragti ahaan waxaan qabaa haddii ONLF ay halgankeedii hubaysnaa/qoriga ahaa ku laabato inay heli karto cudud ciidan, saanad/hub iyo dhaqaalaba. Waliba dadka qadiyadan iska leh hadda ayay ka dhaqaale badan yihiin sidii h**e dal iyo dibadba oo waliba ka aqoon iyo wacyi sarreeyaan sidoodii h**e.

Hal qodob unbaan ka walaacayaa, kaas oo ah; ONLF ma heli kartaa waddan ama dal ay isku dan yihiin oo ay iskaashi iyo garab ka heli karto sidii shalay ee Eritrea u garab istaagtay oo kale.

Midna ogow, mar walba oo shacabkeennu cadaadis iyo caburis dareemaan way jirayaan halgan iyo kooxo u istaaga inay u dhaq-dhaqaaqaan danaha umadda deegaanka xitaa illaa heer naf huris ah oo xabbad la is dhadhan siiyo. Wixii kale ee yooyootan ah waa halkeeda!.

NB; Gobalada liibaan iyo daawa iyagu ma oggol yihiin qadiyadan? Hadaanay ogoleyn se iyagu ma leeyihiin qadiyad u gaar ah ama kooxo u istaagi kara halganka umadda deegaanka kolkay cabbur iyo cadaadis dareemaan? Waa dhowr su'aalood oo isa saaran!.

Address

Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Addo Media Initiative - ADI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share