Xafiiska waxbarashada degmada Dhagaxbuur

Xafiiska waxbarashada degmada Dhagaxbuur waa bogga rasmiga ah ee xafiiska waxbarashada Degmada Dhagaxbuur degahbur woreda education beareu.

Shirwaynaha waxbarashada Degmada Dhagaxbuur.Si looga midha dhaliyo yoolasha iyo istaraatiijayadaha u yaala waxbarashada,...
28/09/2022

Shirwaynaha waxbarashada Degmada Dhagaxbuur.

Si looga midha dhaliyo yoolasha iyo istaraatiijayadaha u yaala waxbarashada, waxaa laf-dhabar u ah in la helo waalididiin, Arday iyo Barrayaal isku dhafan, islamarkaana kawada shaqaynaya hawlaha dardar-galinta, kawarhaynta iyo kamidho dhallinta jiil aqoon ku hubaysan.

Hadaba waxaanu saaka ka qabanay qabalaha Hoodaale shirka abaabulka iyo wadatashiga bulshada ee dhanka waxbarashada waxaanuna isla meel dhignay in loo guntado sidii aynu wadajir uga qaybqaadan lahayn hawlaha lagu taabogalinayo tayaynta iyo kawarhaynta waxbarashada caruurteena.

"Jill aqoon lagu barbaarshaa, bulshaddu saboolnimo kaga baxdaa."

30-ka bishaa 1aad ee meskerem 2015 ee tirsiga itoobiya ayaa loo fadhiisanayaa imtaxaanka fasalka 12aad oo sanadkan lagu ...
07/08/2022

30-ka bishaa 1aad ee meskerem 2015 ee tirsiga itoobiya ayaa loo fadhiisanayaa imtaxaanka fasalka 12aad oo sanadkan lagu qaadi doono jaamacadaha dalka.

Imtixaanka fasalka 8aad ayaa loo fadhiisan doonaa 28-ka bishan sane 2014-ka t.i.Diyaar-garowgii imtixaanka fasalka 8aad ...
24/06/2022

Imtixaanka fasalka 8aad ayaa loo fadhiisan doonaa 28-ka bishan sane 2014-ka t.i.

Diyaar-garowgii imtixaanka fasalka 8aad oo meelihii u dambeeyay maraya ayuu xafiiska waxbarashadu u kala raray gobollada Deegaanka, imtaxaanka oo la gaynayo 48 goobood oo usii qeybinaya dugsiyada si uunan wakhtigiisa uga dib dhicin.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada Deegaanka ayaa kula dardaarmay xubnahan qaadaya imtixaanka in masuuliyadda culus ee loo igmaday ay sideeda uga soo baxaan, waxyaabaha sharciga baalmarsanna laga taxaddaro, gaar ahaan qishka iyo imtixaanka la isu galo.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo loo fadhiisan doono 28-ka sane illaa 30-ka sane ayaa sannadkan waxaa u fadhiisan doona Deegaanka Soomaalida arday dhan 45,931 arday, kuwaas oo imtaxaanka ku kala qaadanaya 731 dugsi oo ku kala yaalla gobollada Deegaanka.

SRTV Somali

Ogaysiis muhiim ah.!Meelaynta Ardayda ee Jaamacadaha iyo soo Gudbinta cabashooyinka meelaynta ku aadan halkan hoose ayaa...
25/04/2022

Ogaysiis muhiim ah.!

Meelaynta Ardayda ee Jaamacadaha iyo soo Gudbinta cabashooyinka meelaynta ku aadan halkan hoose ayaad kala socon kartaan.
-----------------------------

Wasaarada Waxbarashada Heer Qaran ayaa shaacisay meelaynta ardayda Jaamacadaha sanadkii 2013 dhiganaysay.

Ardayda waxay fariin gaaban oo Lambarkooda udiri maraan 9444 ama waxay booqan karaan :
https://result.ethernet.edu.et,
SMS ፡-9444 iyo
Telegram draw- .

Gudbinta Cabashooyinka Meelaynta.

Haddii ay jirto Cabasho la xidhiidha meelaynta ardayda, waxay Wasaarada Waxbarashada Heer Qaran idiin diyaarisay website kan hoose oo aad cabashadiina kusoo gudbin kartaan:

https://complaint.ethernet.edu.et

FG: Marmar cidhiidhi waad kala kulmi kartaan xiliga booqashada kubadantahay, marar kale isku day in aad booqato.

Jadwalka Imtixaanada 8aad ka iyo 12aad ka ee Sanadkan 20141. Imtixaanka 8aadka waxaa la qaadi doona 27ka Bisha 10aad (Sa...
19/04/2022

Jadwalka Imtixaanada 8aad ka iyo 12aad ka ee Sanadkan 2014

1. Imtixaanka 8aadka waxaa la qaadi doona 27ka Bisha 10aad (Sane) ee 2014, Imtixaankana wuxuu ka iman Fasalada Dugsiga Dhexe (7aad iyo 8aad).

2. Imtixaanka 12aad ka isagana waxaa la qaadi doona 20ka Bisha 1aad ee 2015 (Meskerem) wixii ka danbeeya, Imtixaankana wuxuu ka iman Fasalada Dugsiga Sare (9aad - 12aad).

Tababarka horumarinta iyo kor uqaadida tayada barayaasha Ka hawlgala dugsiyada ABE yada iyo hawlfuliyaasha waxbarashada ...
27/03/2022

Tababarka horumarinta iyo kor uqaadida tayada barayaasha Ka hawlgala dugsiyada ABE yada iyo hawlfuliyaasha waxbarashada dadka waawayn ayaa ka qabsoomay magaalada dhagaxbuur, tababarkan ayaa waxaa ka faa'iidaysanayay barayaal kala duwan oo ka kala socday degmada garbo iyo degmada dhagaxbuur.

Waxaana iska kaashadey xafiiska waxbarashada heer deegaan iyo haayada unicef qaybteeda waxbarashada, hadaba waxaa madashan kula dar daarmay madaxa xafiiska waxbarashada degmada dhagaxbuur maxamed cabdi cabdulahi, kuna booriyay inay si fiican uga faa'iidaystaan barayaashu tababarkan isla markaana u dhaadhiciyaan dugsiyadii ay ka kala yimaadeen,sidoo kale waxaa iyana ka hadlay khabiiro ka socday xafiska waxbarashada heer deegaan.

Xaalada waxbarashada iyo wixii laga qabtay mudooyinkii u danbeeyay wax badan ka ogow! Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbara...
25/03/2022

Xaalada waxbarashada iyo wixii laga qabtay mudooyinkii u danbeeyay wax badan ka ogow!

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Mudane C/qaadir Maxamad Shukri, ayaa waraysi dheer siiyay warbaahinada deeegaanka iyo tan dalka waxaana hadaladiisa kaga bogan kartaan qoraalkan hoose suaalihii iyo jawaabihii uu kaga jawaabay.

Hadaba, Wasiirkuxigeenka ayaa hadalkiisa kubilaabay sidan"deegaanka oo dhul ahaan aad u balaadhan, islamarkaasina bulshadeena ay colaado, abaaro iyo fatahaado culays badan ku hayeen, maanta Alxamdulilaah deegaankeena waa kan ugu xasiloon, balse waxaa jira abaar ba'an; sidaasi darteed marka laga yimaado abaartaas waxbarashada deegaanku abid waa markii ay ugu fiicnayd guud ahaan".

2- Dugsiyada waxbarasho ee mudooyinkii u danbeeyay la dhisay maxaad nooga sheegi kartaa?

Jawaab: Tusaale kooban hadaan ku siiyo magaalada Jigjiga oo ah xaruntii deegaanka waxaa dhargidii ku yaalay hal dugsi sare, 27 kii sano ee ay TPLF talada dalka haysaynay waxay ku kordhisay hal dugsi oo kaasi laftiisa dugsi hoose dhexe ahaa oo la balaadhiyay waana dugsiga Sheekh C/salaam.

Isbadalku markuu yimid waxaan ka shaqaysiinay, qalabaynay laba dugsi sare oo xidhnaa kuwaasi ku kala yaala Duda-hide iyo Ableelaha, intaasi waxaa dheer 3 dugsi sare oo ay xukuumadu ka hirgalisay magaalada Jigjiga: Garab case, Aayar-haylka iyo Qumaadaha, kuwaasi oo ay laba ka mid ah mawada koowaad ee dalku dhistay, intaas oo kaliya ma aha wuxuu dhismihiisu socdaa dugsi sare oo laga wada Jaamacada Jigjiga agteeda.

Intaasi waxaan filayaa inay tusaale muuqda tahay oo Jigjiga oo kaliya!

Deegaanka intiisa kale markaan u nimaadno waxaa laga hirgaliyay 53 dugsi sare oo cusub, halka balaadhin lagu sameeyay 26 dugsi sare, taasi oo ay weheliso hirgalinta 11 dugsi oo kuwa hoyga ah (Boarding School) oo loogu talo galay ardayda ay waaliduintoodu xoolo dhaqatada iyo danyarta yihiin inay ka helaan waxbarasho.

Bahwadaagta Xafiiska Waxbarashadu isagoo la kaashanaya ayaa waxaa la dhisay 523 dugsi oo Hoose dhexe ah, iyadoo ay raacsanayd dayactir lagu sameeyay 214 dugsi, intaasi waxay isla noqonayaan 989 dugsi, duuduub isbadalkii ka dib Xukuuumada deegaanku iyadoo daboolaysa baahida loo qabay dugsiyo maadaama ay ardaydu halka fasal ku badnaayeen ayaa hawlahaasi oo dhan mudo kooban gudaheed lagu gaadhay; sidaasi darteed waxaa deegaanka laga hirgaliyay mudadaasi kooban 1,079 dugsi.

3- Heerka warbasho wakhti xaadirkan halkuu gaadhsiisanyahay?

Jawaab: Xilliyadii h**e marka loo eego hadaan dib u milicsano bulshada soomaaliyeed waa lagala dagaalamayay, taasi oo ay cadayn kuugu filantahay in qishka la garab wadi jiray, xilliyada imtixaanaadka; si loo dumiyo aqoonta da'yarta soo koraysa, wax iska yimid ma ahayn qorshe cad oo ay TPLF ku burburinaysay dadka soomaaliyeed ayay ahayd, taasi oo ay dheerayd agab la'aan iyo aasaaskii wixii bud dhig u noqn lahaa waxbarashada ardaydeena.

Sidaasi oo ay tahay isbadalkii ka dib waxaa qorshe loo qaatay sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa ubadka ay waalidiintoodu xoolo dhaqatada yihiin, laga soo bilaabo 2013 T.I ilaa 2022 T.I waxaa la dajiyay nidaam u horseedaya helida waxbarasho dadka miyiga ku dhaqan, taasi oo ay qayb ka tahay dhisida dugsiyada hoyga ah ee haatan la wado.

Dalka intiisa kale marka loo fiiriyo waan ka danbaynaa, balse dadaalada la wado ayaa meesha ka saari doona wixii habacsanaan jirtay, dhan tayo iyo tiro intaba taasina xaqiijinteeda waa lagu guda jiraa, hayeeshee wakhti xaadirka heer daboolka waxbarashadu wuxuu haatan marayaa 76%.

4- Dadaalada aad ugu jirtaan ka xafiis ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada waxbarashada maxaad nooga iftiimin kartaa?

Jawaab: Waxaa muhiim ah in xooga la saaray dhisida dugsiyo waxbarasho, taasi oo lagu saleeyay baahida ka jirtay iyadoo halkii fasal ay fadhiyeen 150 arday, halkaas waxaad ka arkaysaa culayska jiray intuu la e kaa, agabkii iyo gashigii waxbarashada helidoodii ayaa la sugay, iyadoo si siman loogu saleeyay ka qayb-qaadashada iyo helida waxbarasho miyi iyo magaalo iyo waliba dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Xaga macalimiinta oo culays badan ka jiray waxaan u guntanay sidii loo heli lahaa macalimiin daboosha baahida jirta; sidaasi darteed Jaamacada Jigjiga 500 arday ayaan ku xaraynay, halka haatan aan wadna 100 macalin oo 53 ka mid ah heer jaamacadeed iyo 57 master ah maalmahan u xaroon doonaan Jaamacada Jigjiga, intaasi oo kaliya kuma e ka, hawlaha dhinaca tayayntu balse Kuliyadaha Q/dahar iyo Doolo-ado ardayda u xaroonaysa dhibco sare ayaan ku xidhnay, taasi oo looga danleeyahay kobcinta tayada.

Taariikhda abid markii ugu horaysay ayuu deegaanku dajiyay manhah, ka sakow dadaalada ay xukuumada DDS ugu jirto kor u qaadida iyo balaadhinta goobaha waxbarasho, xaqiijinta tayada waxbarashada iyo waliba kordhinta cadadka ardayda ee ay tahay inay waxbarasho helaan, ayaa taasi waxaa barbar socotay dajinta manhaj cusub.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Mudane C/qaadir Maxamad Shukri ayaa shaaca ka qaaday in si buuxda loo soo af-meeray soo saarista manhajka cusub ee loogu talo galay ardayda dhigata KG ilaa 8aad.
Manhajkan ayaa wax badan ka tari doona fahanka ardayda ee dhinacyada deegaanka, agabka, dhaqanka iyo waxyaabo ka turjumaya halka ay ku noolyihiin ardaydu. Waxaana ku hawlanaa soo saaristiisa khubaro aqoon u leh oo deegaanka soomaalida ah, islamarkaasina si balaadhan loo tur-xaan-bixiyay.

Manhajkan cusub ayaa si tijaaba ah loogu bilaabay hada ahaan 99 dugsi oo ku kala yaala 93ka degmo iyo 6 maamul magaalo, halka haatan lagu tababaray macalimiintii bilaabi lahayd dhigista manhajkan, iyadoo si buuxda sanad dugsiyeedka 2015 T.I. loo hirgalin doono.

Waxaana xusid mudan in imtixaanka 8aadka sadexdii sano uu danbaysay lagu diyaariyay heer deegaan, taasi oo gashi badan ay ka heleen ardaydu.

5- Dugsiyada waxbarasho ee deegaanka ka jira sidii ay u noqon lahaayeen kuwo bixiya adeegii waxbarasho ee loogu talogalay dhankaas maxaad ka qabateen ka xafiis ahaan?

Jawaab: Marka laga yimaado nidaamka dabagalka ah ee aan samayno waxbarashadu waxay u baahantahay iskaashi iyo in la qaato masuuliyad wadareed siiba waalidku waxaa loo baahanyahay inuu ubadkiisa ka warhayo kulana dadaalo waxbarashadiisa, ka qayb-galka bulshaduna waa muhiim oo iyaga masuuliyad waxay ka saarantahay halkuu gaabis ka jiro inay farta ku fiiqaan buuxiyaana kaalinta ka banaan.

Waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa bulshada ku dhaqan Awbare heer waxay gaadheen in maamule ay u soo iibiyaan Gaadhi.

Markii la helo bulsho ku baraarugsan dhinaca waxbarashada waxaan dhihi karnaa natiijo ayaa laga gaadhi karaa.

6- Heerka ardayda loox-tuurka ahi deegaanka intay gaadhsiisantahay? Maxaase sababay? Dhankaas dadaalada aad ka gaysataan nooga warbixi?

Jawaab: Caadiyan waxaa sababa 4 qodob: colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo hab-dhaqanka ay u noolyihiin bulshadeenu oo xoolo dhaqato ah oo markuu meel u guuro ilmihii gacanta sii qabsanaya, dugsiyada hoyga ee la samaynayo taasi ayay xal u noqon dontaa inshaa allaah, ilmihii ayaa laga reebi dugsiga.

Hadaba loox-tuurku dugsi hoose dhexe 14% ayuu marayaa, halka dugsi sare 6% uu marayo, sidaasi darteed sanadkan 2014 T.I. waxaa noo qorshaysan inaan siday u kala h**eeyaan midna ku soo celino 11% halka tirada labaadna ku soo fadhiisino 5%.

7- Xilligan oo aan ku jiro wakhti ay inta badan bulshada deegaanka ku dhaqan ay saamaysay abaarta ku dhufatay, dhinaca waxbarashada saamaynta ay ku yeelatay maxaad nooga sheegi kartaa iyo waliba dadaalada aad dhankaas ka gaysanaysaan?

Jawaab: Abaarta ba'an ee ku dhufatay deegaanka dhinaca waxbarashada waxay ka saamaysay 1,115 dugsi.

Xukuumada DDS iyo bah-wadaagteedu waxay ku guda jiraan la tacaalida dadka ay saamaysay abaartu, iyadoo la wado gaadhsiinta biyo dhaan, cunno, calafka xoolaha iyo gar-gaarka bini aadanimo ee ay u baahanyihiin dadka ka soo barakacay hoygoodii. Waxayna u socdaan dadaaladaan si haboon.

Hadaba dhinaca dugsiyada waxbarasho "waxaa xidhmay 388 dugsi, halka 720 dugsina ayna toos ahayn bixinta adeegii waxbarasho ee ubadka soo koraya abaarta oo ku adkaatay aawadeed": Mudane C/qaadir Maxamad Shukri Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS.

Sidoo kale waxa uu masuulku intaasi ku daray in hay'ada Save the Children ay gacan ka gaysatay quudin arday ka badan 56 kun oo ku sugan haatan goobahoodii waxbarasho oo 5 gobol ku kala sugan.

Ardayda ay abaartu saamaysay ayaa ka badan 152 kun oo arday taasi oo kordhi karta hadii ay sii cuslaato abaartu.

8- Natiijada ardayda imtixaanaadka wasaariga ah, maxaa iska badalay mudooyinkii u danbeeyay?

Jawaab: waxaan u kala qaadaynaa 8aad iyo 12aad ardayda 12aad dhiganaysay isbadalkii markuu dhacay, maadaama aan meesha ka saarnay wixii la dhihi jiray qishka noocyadiisa kala duwan, taasi waxay sababtay inay arday badan dhacaan, balse waxaa bar-bar socotay in uu fahmo arday kasta waxa uu bartay uu wakhti galiyay oo kaliya in la ogol yahay, ardayda oo 10 sano ka badan qishkaas heli jirtay ayay waxay ku noqotay qaadan waa, balse waa mid u taagan aayahooda iyo kan ummda, wayna la soo qabsan diyaar garawga ku haboon la iman.

Isbadalkii markuu dhacay 12aad waxaa u fadhiistay 12 kun oo arday, balse wacyigalin iyo dadkii soo laabtay ee ka faa'iidaystay xasiloonida ardaydu waxay gaadheen 22,000 oo arday.

8aadka markaa u nimaadno intii uu deegaanku la soo wareegay dajinta imtixaanka waxaa muuqata in wareer badan ardayda ka haysata dhinaca turjumaada la soo sameeyay, habka uu u diyaarsanaa oo ka fogaa maangalka ardayda dugsiga hoose dhexe oo ku salaysnaa hab ku kakan, labadii sano ee lagu kala diyaariyay Addis Ababa iyo Jigjiga farqiga u dhexeeyay ardayda baastay wuxuu ahaa 8,700 oo arday, taasi waxaan la xidhiidhinay nidaamka loo maray dajinta qaab ku salaysan wadciga ay u yaalaan ardayda deegaanku.

Sadexdii sano ee u danbaysay waxaa 8aad u fadhiistay in ka badan118 kun oo arday, waxaana dalacay in ka badan 111 kun oo arday, taasi oo ka dhigan 94% inay inoo dalaceen kuwaasi oo haatan 9aad iyo wixii ka sareeya ku jira.

Xafiiska Waxbarashada + Xafiiska warfaafinta DDS

Bismilaah. Waxa aanu gaadhsiinay deeq nooga timid ha'ada OWDA qaybo kamida ardayda wax kabarata  dugsiyada Degmada Dhaga...
22/02/2022

Bismilaah.

Waxa aanu gaadhsiinay deeq nooga timid ha'ada OWDA qaybo kamida ardayda wax kabarata dugsiyada Degmada Dhagaxbuur. deeqdan oo ka koobnayd buugaag, qallimaan iyo boorsooyinka ardayda ay buugta ku qaataan ayaa waxaa ka faa'iidaystay oo ay gaadhay arday dhan; 216 arday, oo isugu jira Lab iyo Dhadig.

Tirrada buugaagta:2160
Boorsoyin:36
Qallimaan:144

Way mahadsantahay OWDA.
________________________________

Xafiiska waxbarashada Degmada Dhagaxbuur.

Address

Degeh Bur

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska waxbarashada degmada Dhagaxbuur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share