19/02/2026
Bismillaah:-
----------------------
Waxaan gaadhsiinay xoolo-dhaqatada ku nool tuulooyinka degmada waangey calafka xoolaha, kaas oo nagasoo gaadhay xafiiska hor. Xoolo- dhaqatada heerdeegaan.
Calafkan ayaa ku soo beegmay xilli bulshada xoolo-dhaqatadu ay baahi badan u qabeen, guud ahaana daaqu aad u hooseeyo dhul-daaqsimeedka ay xoolaha ku dhaqan jireen.
Bulshada ayaa aad u bogaadiyay calafka lasoo gaadhsiiyay xilligan adag, soona jeediyay in lasii xoojiyo hawlaha ka jawaabista abaaraha ay keentay isbadalka cimiladu.
Mahad-sanidin