28/10/2023
Booliska ka howlgala Maamulka Magaalada Godey ayaa yeeshay Kulan lagu adkaynayo nabadgalayda magaalada.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen saraakiisha, saraakiil-xigeenada,ciidanka ka hortaga rabshadaha iyo banaanbaxyada,dambi kahortaga iyo guud ahaan ciidanka ka howl gala magaalada.
Kualanka ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa shaqada amniga ee gudaha magaalada maadaama ay magaalada maalmahan ku soo wajahanyihiin marti ka kala imaneysa gobolada Deegaanka maamul-magaalooyinka iyo xubno kale oo heer deegaan ah kuwaas oo ku yeelan doona magaalada Godey shir lagaga hadlayo nabadgalyada Deegaanka.
Gabo’gabadii kulan ayuu Komishineerka booliska ee maamuka magaalada Godey
G/dhaxe Guuleed Maxamed oo goobta kula hadlay ciidanka ayaa sheegay in xubin walba oo ka mid ah booliska uu laba jibaaro shaqada uu u hayo bulshada ee ah sugidda amniga xilna iska saaro gudashada waajibaadkaa shaqo.
Booliska Maamulka Magaalada Godey Gode City Administration Police