Xafiiska Beeraha, Xoolaha, Iskaashatooyinka iyo Ilaalinta Deegaanka MMG

  • Home
  • Ethiopia
  • Gode
  • Xafiiska Beeraha, Xoolaha, Iskaashatooyinka iyo Ilaalinta Deegaanka MMG

Xafiiska Beeraha, Xoolaha, Iskaashatooyinka iyo Ilaalinta Deegaanka MMG Waa Bogga Rasmiga ah Ee Xafiiska Beeraha, Xoolaha, Iskaashatooyinka Iyo ilaalinta Deegaanka Mamulka Magalada Godey

Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 06/12/2018 Ayaa Wuxuu Xafiiska Hormarinta Xoolodhaqatada DDS Nasoo gaadhsiiyay Digaag Cada...
12/08/2026

Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 06/12/2018 Ayaa Wuxuu Xafiiska Hormarinta Xoolodhaqatada DDS Nasoo gaadhsiiyay Digaag Cadadkiisu Dhanyahay 4,500 Oo xabo iyo 136 kiintaal oo ah raashinkii digaaga.
Digaagan oo loogu talagalay 5 iskaashato Oo Kamid Ah Kuwa Ku Howlan Dhaqashada Digaaga (Gode Modern poultry, Saak, Kaafi, Bukurow iyo Barwaqo ) Ee Ka Aas Aasan Maamulka Magaalada Godey.

Maanta oo Arboco Ah taariikhduna tahay 15/11/2018 Waxaa Gudaha Xafiiska Beeraha iyo Xoolaha Nooga Qabsoomay kulan Ujeeda...
22/07/2026

Maanta oo Arboco Ah taariikhduna tahay 15/11/2018 Waxaa Gudaha Xafiiska Beeraha iyo Xoolaha Nooga Qabsoomay kulan Ujeedadiisu ahayd Dar-Dar galinta Shaqooyinka Tabarucaadka bilaha xagaaga Kulankaas kadib ayaa waxaan si wada jir ah u sameynay Dhir beeris iyo dhiig shubis kuwaas oo qeyb ka ahaa shaqooyinkii noo qorsheynaa bilaha xagaaga ah.

18/04/2026
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.إنا لله وإنا إليه راجعون Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Beeraha iyo X...
11/04/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
إنا لله وإنا إليه راجعون

Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Beeraha iyo Xoolaha M.M. Godey Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Qaraabada, Asxaabta iyo Dhammaan Eheladii Uu Ka baxay Walaalkeen Mukhtaar Bashiir Aadan Oo ka mid Ahaa Shaqaalaha Xafiiska.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkeedii iyo dhammaan intii Uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa.

Aaamiin Aaamiiin.

Kulanweynaha wadatashiga iyo qorshaha udiyaargarawga xili roobaadka gu'ga ayaa ka billowday magaalada Jigjiga.Shirkani w...
01/04/2026

Kulanweynaha wadatashiga iyo qorshaha udiyaargarawga xili roobaadka gu'ga ayaa ka billowday magaalada Jigjiga.

Shirkani waxaa ka soo qaybgalay madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Wasiirka xafiiska beeraha, masuuliyiinta xafiisyada bahwadaagta, maamulada gobolada iyo madax xafiiseedyada beeraha ayaa xooga lagu saarayaa dhagaysiga warbixinta waxqabadka xili roobaadkii tagay, dardargalinta qorshaha u diyaargaraw xili roobaadka gu'ga, xoojinta aaga beeralayda (Crop Clustering) ee laga hirgaliyay gobolada Faafan iyo Shabeelle iyo sidoo kale dardargalinta mashaariicaha kala duwan ee xafiisku fuliyay.

Eng. Maxamed Shaale Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida iyo Wasiirka Xafiiska Beeraha C/laahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in bahda beeraha looga baahan yahay inay mudnaan gaara siiyaan qorshayaasha lagu xaqiijinayo horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo isku filaanshaha.
Shirkani ayaa inta uu socdo lagu eegi doonaa shaqooyinka waxsoosaarka iyo caqabadaha si la iskula meel dhigo qorshe midaysan.

Address

Gode

Telephone

+251911282516

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Beeraha, Xoolaha, Iskaashatooyinka iyo Ilaalinta Deegaanka MMG posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share