xisbiga barwaaqo laaanta degmada ferfeer

xisbiga barwaaqo laaanta degmada ferfeer Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from xisbiga barwaaqo laaanta degmada ferfeer, Political Party, ferfer, Gode.

19/07/2026
OGAYSIIS KU SOCDA DHAMAAN SHACABKA  DEEGAANKA‎‎Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan deegaanka in ay qaataan...
18/07/2026

OGAYSIIS KU SOCDA DHAMAAN SHACABKA DEEGAANKA

‎Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan deegaanka in ay qaataan Aqoonsiga Qaranka (National ID/Fayda), maadaama uu yahay aqoonsi muhiim u ah helitaanka iyo isticmaalka adeegyada aasaasiga ah ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Adeega bangiyada,E-Birr,Sahay,kaafi, safarada, hoteelada iyo adeegyada diyaaradaha.

‎Sidaa darteed, waxaan shacaabka ku wargelinaynaa inay iska diiwaangeliyaan ama ka qaataan Aqoonsiga Qaranka goobaha ugu dhow ee adeegga bixiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

‎- Qabaleeyada
‎- degmooyinka
‎- Degmo-hoosaadyada
‎- Laamaha bangiyada
‎- Xarumaha Telecommunication
‎- adeega hal goob(mesob)

‎Waxaan bulshada ku boorrinaynaa inay ka faa'iidaystaan fursaddan oo ay qaataan Aqoonsiga Qaranka si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

18/07/2026

OGAYSIIS KU SOCDA DHAMAAN SHACABKA DEEGAANKA

‎Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan deegaanka in ay qaataan Aqoonsiga Qaranka (National ID/Fayda), maadaama uu yahay aqoonsi muhiim u ah helitaanka iyo isticmaalka adeegyada aasaasiga ah ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Adeega bangiyada,E-Birr,Sahay,kaafi, safarada, hoteelada iyo adeegyada diyaaradaha.

‎Sidaa darteed, waxaan shacaabka ku wargelinaynaa inay iska diiwaangeliyaan ama ka qaataan Aqoonsiga Qaranka goobaha ugu dhow ee adeegga bixiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

‎- Qabaleeyada
‎- degmooyinka
‎- Degmo-hoosaadyada
‎- Laamaha bangiyada
‎- Xarumaha Telecommunication
‎- adeega hal goob(mesob)

‎Waxaan bulshada ku boorrinaynaa inay ka faa'iidaystaan fursaddan oo ay qaataan Aqoonsiga Qaranka si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sameeyay isu soo bax ay ku mu...
27/04/2026

Taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sameeyay isu soo bax ay ku muujinayaan taageeradooda.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, iyo masuuliyiin heer deegaan ah ayaa ka qaybgalay isu soo baxa, isaga oo uga mahadceliyey bulshada taageerada ay u muujiyeen xisbiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in Xisbiga Barwaaqo, ee haya talada dalka, ay Soomaalidu ku leedahay door weyn oo muuqda, isla markaana la wada ogyahay halka ay Soomaalidu ka joogtay xisbigii ka horreeyay.

“Annagu waxa aanu ku tartamaynaa waxqabadkii aanu ka qabannay dhinacyada horumarka, xorriyadda iyo nabadgelyada, waxaana sii xoojin doonnaa...”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Isu soo baxan ayaa salka ku haya ololaha doorashada 7-aad ee dalka, oo si rasmi ah u bilaabmay.

SRTV Somali

Banaanbax ballaadhan oo lagu taageerayo mashaariicda waaweyn ee laga dhagax dhigay Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Gobo...
12/10/2025

Banaanbax ballaadhan oo lagu taageerayo mashaariicda waaweyn ee laga dhagax dhigay Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Gobolka Shabeelle, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Godey, ee xarunta Gobolka Shabeelle.

Banaanbaxan oo ay si wayn uga soo qayb-galeen bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa lagu muujiyay taageero buuxda oo loo hayo mashaariicda horumarineed ee ay Dawladdu wado.

Munaasabaddan ayaa waxaa khudbado dhiirrigelin iyo dardaaran leh ka jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida, Mudane Ibraahim Cismaan Faarax, oo ku boorriyey shacabka in ay ka faa’iideystaan fursaddan dahabiga ah ee ay heleen.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashaariicdan ay yihiin kuwo taariikhi ah, islamarkaana markii ugu horraysay laga hirgelinayo mashaariic mug iyo miisaan weyn leh oo horseedi doona horumar waara.

Mashaariicdan ayaa ka mid ah hindisayaasha waaweyn ee uu xisbiga Barwaaqo ka hirgelinayo deegaanka iyo guud ahaan dalka, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

Tababarka hoggaaminta sare iyo dhexe ee gobolka Shabeelle iyo maamulka magaalada Godey ayaa si habsami leh uga furmay xa...
02/09/2025

Tababarka hoggaaminta sare iyo dhexe ee gobolka Shabeelle iyo maamulka magaalada Godey ayaa si habsami leh uga furmay xarunta gobalka Shabeelle ee magaalada Godey.

Tababarkan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha hoggaamiyeyaasha, kobcinta awoodda maamulka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha. Waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo, iyo heer maamul magaalo kuwaas oo muddo maalmo ah ku qaadan doona aqoon isweydaarsi iyo casharro dhaxalgal ah.

Ujeeddada guud ee tababarku waa in la helo hoggaamiyeyaal tayo sare leh oo hogaamin kara geedi-socodka horumarinta gobalka iyo magaalada Godey, iyada oo la adkeynayo isla xisaabtanka, masuuliyadda iyo wadajirka.

19/08/2025
Dal kasta oo horumar gaadhay wuxuu ƙu gaadhay hoggaan leh aragti fog, yool cad, iyo ka go’naansho dhab ah. Isbedelkii  k...
19/08/2025

Dal kasta oo horumar gaadhay wuxuu ƙu gaadhay hoggaan leh aragti fog, yool cad, iyo ka go’naansho dhab ah. Isbedelkii ka dhacay Dalkeenna ee 7 Sano jirsaday ee uu hoggaaminayey Madaxwaynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Raysalwasaadaha JDFI Mudane Dr Abiyi Axmed waxaa Dalka ka qabsoomay shaqooyin horumarineed oo wax ku ool ah.

Deegaanka Soomaalida waxaa uu noqday Deegaanka ka helay faa’iidooyinka iyo fursadaha ugu waawayn ee dhinacyada siyaasadeed, amni iyo horumarineed.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/08/25 ama 13/12/ 17 waxaa la dhagax dhigay Jidka Xawaaraha Dheereeya (Express Road) ee isku xidhaya Diri-dhaba iyo Ma’eso oo dhererkiisu dhanyahay 144 Km kaas oo uu ku baxayo adduun lacageed oo dhan 62.6 bilyan oo birr.

Tani waxa ay muujinaysaa Fulinta balanqaadkii Xisbiga Barwaaqo ee ahayd siyaasadda Horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka u ah horumarka aan hiigsanayno iyo isku xidhka Geeska Afrika.

Waxaan shacabka Deegaanka ee sharafta badan ugu baaqayaa in ay doorkooda ka qaatan hirgalinta mashruucan iyo kuwa la midka ah ee deegaankeenna ka socda.

"Han iyo Horumar"

Degmada ferfer magaalada burcukur Ee Gobalka Shabelle Dhirbeerista Halka Maalin"Geed beer oo dhaxal reeb" waa halku-dhig...
31/07/2025

Degmada ferfer magaalada burcukur Ee Gobalka Shabelle

Dhirbeerista Halka Maalin

"Geed beer oo dhaxal reeb" waa halku-dhigga sannadkan ee ol-olaha Dhaxal Reebka Cagaaran, kaas oo dhiirrigelinaya doorka bulshada ee ilaalinta deegaanka,horumarinta dalka iyo ku noolaanshaha deegaan nadiif ah. Waxaana ka qaybqaatay maaamulka degmada iyo mamulka qabalaha garabka liiga dhalinyarada urudada bulsha shaqaalaha dowalada

Address

Ferfer
Gode
251

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when xisbiga barwaaqo laaanta degmada ferfeer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share