Muktar Adenyare Officail page

Muktar Adenyare Officail page This group is dedicated to share information regarding vaccines, immunization, & biologicals among all EPI actors at all level. Vaccines Work!

Together, we can make a real difference! Leave no one behind for immunization! Zero doses no more! Partnership and Empowerment: We take our inspiration
from the 3,500 year old Tao (Way) of Leadership, working
shoulder to shoulder with our local colleagues and partners
toward their empowerment and success.

๐Ÿ’๐ŸŒน HAMBALYO AROOS ๐ŸŒน๐Ÿ’Hambalyo, hambalyo, hambalyo!Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa   iyo  , oo meh...
08/08/2026

๐Ÿ’๐ŸŒน HAMBALYO AROOS ๐ŸŒน๐Ÿ’

Hambalyo, hambalyo, hambalyo!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa iyo , oo meherkoodu ka dhici doono xarshin

๐Ÿ’ Alle ha idiinka dhigo guri jacayl, naxariis, barwaaqo iyo farxad ku dhisan.
๐Ÿคฒ Alle ha idinka yeelo lammaane is garab istaaga wanaagga iyo nolosha.
๐ŸŒน Ha idiin barakeeyo cimrigiinna, ubad kheyr qaba ha idinka siiyo, hana idinka ilaaliyo wax kasta oo dhib iyo khilaaf ah.
โค๏ธ Ha noqdo guurkiinnu mid lagu waaro farxad, is-qadarin iyo kalgacal.

ุจุงุฑูƒ ุงู„ู„ู‡ ู„ูƒู…ุง ูˆุจุงุฑูƒ ุนู„ูŠูƒู…ุง ูˆุฌู…ุน ุจูŠู†ูƒู…ุง ููŠ ุฎูŠุฑ

๐Ÿ’ Hambalyo Meher Wacan ๐Ÿ’

Dr. Mubaarik Axmed Maxamed & Nuura Cabdiiraxmaan Cali

๐Ÿ“… Taariikh: 9/8/2026
๐Ÿ“ Goobta: Xarshin

Hambalyo 1000 jeer! ๐ŸŒนโค๏ธ

03/08/2026
13/07/2026

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ูฐู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa walaashay Khadra Yuusuf Maxamed geerida naxdinta leh ee ku timid hooyadeed oo ku geeriyootay magaalada Jigjiga.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumadda u naxariisto, dambigeedana dhaafo, qabrigeedana u waasiciyo, Jannatul Firdowsana hoygeeda ka yeelo.

Sidoo kale waxaan Alle ka baryayaa inuu Khadra, dhammaan qoyskeeda, ehelada iyo asxaabtaba ka siiyo samir iyo iimaan, ugana beddelo murugada ajar iyo kheyr.

Aamiin Yaa Rabbal Caalamiin.

18/06/2026
Waxaa shalay degmada Xarshin soo gaadhay kormeer iyo taageero ka socday hayโ€™adda Save the Children, kuwaas oo ay ka mid ...
18/06/2026

Waxaa shalay degmada Xarshin soo gaadhay kormeer iyo taageero ka socday hayโ€™adda Save the Children, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa mashruuca GSK ee ka shaqeeya kor u qaadista adeegyada tallaalka.

Kormeerka ayaa si rasmi ah uga bilaabmay Xafiiska Caafimaadka Degmada Xarshin, halkaas oo ay masuuliyiintu ku sameeyeen indho-indhayn iyo qiimayn ku saabsan shaqada xafiiska caafimaadka, gaar ahaan waaxda EPI (Expanded Programme on Immunization) iyo nidaamka Cold Chain-ka ee kaydinta tallaalka.

Intaa ka dib, wafdigu waxay si toos ah u booqdeen Xarunta Caafimaadka ee Xarshin, halkaas oo ay si dhow ugu soo indho-indheeyeen adeegyada caafimaadka iyo sida loo fuliyo hawlaha tallaalka iyo daryeelka hooyada iyo ilmaha.

Ugu dambayntiina, waxay la kulmeen maamulka degmada, gaar ahaan Task Force Committee-ka caafimaadka, oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Degmada Mudane Cabdi Naasir Sulub.

Mr. Tamasgen ayaa kulankaasi ka sheegay hadal muujinaya qaddarin iyo dhiirrigelin, isagoo yiri:

โ€œRuntii aad ayaan ugu dhiirrigeliyey nidaamka wanaagsan ee aad dhistay. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa fursadda aan ku soo booqday oo aan ku baranay. Fadlan sii wad dadaalkaas iyo horumarkaas. Walaal, waqti kale ayaan idinku soo noqon doonaa.โ€

Kormeerkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo kor u qaadaya iskaashiga iyo tayaynta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan barnaamijka tallaalka.

05/06/2026

Sadexda Xildhibaan ee Degmada xarshin

Address

Harshin
FAFAN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muktar Adenyare Officail page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Muktar Adenyare Officail page:

Shortcuts

Share